Maalinta Caalamiga ah, QM waxay xaqiijineysaa sida ay uga go’an tahay inay Soomaaliya ka taageerto arrimaha xuquuqda aadanaha

10 Dec 2023

Maalinta Caalamiga ah, QM waxay xaqiijineysaa sida ay uga go’an tahay inay Soomaaliya ka taageerto arrimaha xuquuqda aadanaha

Muqdisho – Iyadoo la xusayo maalinta xuquuqul insaanka iyo sanadguurada 75-aad ee Baaqa Caalamiga ee Xuquuqul Insaanka , Qaramada Midoobay ayaa maanta dib u xaqiijiisay  taageerada hagar la'aanta ah ee ay siiso Soomaaliya si loo xaqiijiyo ku Bayaanka .

"Mabaadi'da iyo qiyamka Baaqa Caalamiga ah waxay maanta u khuseeyaan sidii ay ahaayeen markii ugu horreysay ee dukumeentiga la qoray. Maalinta Xuquuqul Insaanka waa fursad lagu dabaaldegayo guulaha Soomaaliya ay gaartay marka ay timaado kor u qaadistooda iyo ilaalintooda,” ayay tiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing.

“Soomaaliya waxay ku jirtaa marxalad muhiim ah oo horumarineed oo diiradda lagu saarayo sidii loo gaari lahaa aragtideeda ah Soomaaliya loo dhan yahay oo nabad ah oo xasilloon oo ku dhisan xuquuqul insaanka."

Waxaa ku dhawaaqay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay 10kii Diseembar 1948, Baaqa Caalamiga ah waa dukumeenti muhim ah oo ilaalinaya xuquuqda lama-guuraan