Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka awgeed, QM waxay dhiirigelinaysaa ilaalinta dowrka muhiimka ah ee warbaahinta Soomaaliya

3 May 2023

Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka awgeed, QM waxay dhiirigelinaysaa ilaalinta dowrka muhiimka ah ee warbaahinta Soomaaliya

Muqdisho – Xuska Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka awgeed, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta qirtay hawsha muhiimka ah ee ay qabato warbaahinta dalka, waxayna xaqiijisay inay ka go’an tahay inay taageerto dadaallada lagu horumarinayo laguna ilaalinayo maqaamkeeda/masaaxadeeda bulsho. 

“Saxaafadda Soomaaliyeed waxa ay dowr muhiim ah ka ciyaartaa xog-siinta iyo wacyi-gelinta bulshada, sidaas darteed, si ay saxaafaddu ugu gudato waajibaadkeeda shaqo si hufnaan ku dheehantahay, waxay u baahantahay in ay u shaqayso si xor ah oo ammaan ah. Xoriyadda hadalka iyo xoriyada saxafada ayaa muhiim u ah kobcinta maqaam bulsho oo xoogan. Qaramada Midoobay waxay aqoonsan tahay hawsha muhiimka ah ee warbaahinta Soomaaliyeed ay ka qaadato arrintan,” ayay tiri Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho.
  
Saxafiyiinta Soomaaliyeed iyo shaqaalaha warbaahinta ayaa loo hanjabey, la weeraray, lana kadeeday xilli ay ku guda-jireen shaqooyin. Sanadkii 2022-kii, labo wariye ayaa la dilay, shan kalena waa la dhaawacay, kuwaas oo loo beegsaday shaqadooda awgeed. Intaas waxaa dheer, 74 saxafi ayaa si sharci darro ah loo xiray loona dhaadhiciyay xabsi sanadkii 2022. 
 
Hal-kudhegga sanadkan ee Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka waa ‘Qaabaynta Mustaqbalka Xuquuqaha: Xorriyadda Hadalka oo Hor-seede u ah Dhamaan Xuquuqda kale ee Aadanaha,’ waxayna ujeedadeedu tahay in la muujiyo in war-tebinta xirfadaysan ay lagama maarmaan u tahay ku-naaloonshaha xuquuqaha kale ee aadanaha sababtoo ah waxay dadweynaha ku-wargelisaa [la socodsiisaa] arrimaha jira, una ogolaataa inay sameeyaan/qaabeeyaan fikradohooda u gaarka ah, sidoo kale waxay la socodsiisaa [ku baraarujisaa] xuquuqdooda.