Maalinta Xuquuqda Aadanaha, QM waxa ay ugu baaqaysaa Soomaalida in ay ku dhaqmaan sinnaan iyo takoor-la'aan taabato dhammaan qeybaha kala gedisan ee nolosha

10 Dec 2021

Maalinta Xuquuqda Aadanaha, QM waxa ay ugu baaqaysaa Soomaalida in ay ku dhaqmaan sinnaan iyo takoor-la'aan taabato dhammaan qeybaha kala gedisan ee nolosha

Muqdisho – Xuska sannadkan ee maalinta xuquuqul insaanka, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya waxa uu ugu baaqayaa Soomaalida in ay u midoobaan meel-marinta mabaadi’da sinnaanta iyo takoor la’aanta ay gundhig u yihiin dhammaan dhinacyada nolosha.

Isaga oo guud maraya ‘sinnaanta’, taasoo oo ah hal-ku-dhigga sanadkan, ayuu Ergeyga Gaarka ah, James Swan, yiri: “Sinnaantu waa udub-dhexaadka qodobka koowaad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka: Dhammaan bini’aadamku waxa ay dhashaan iyaga oo xor ah oo ka simman xagga sharafta iyo xuquuqaha. Sidoo kale sinnaanta waxaa lagu caddeeyay Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya iyo heshiisyo badan oo caalami ah oo ay Soomaaliya qayb  ka tahay.”

“Xaqiijinta in mabaadi’da sinnaanta iyo takoor la’aanta ay safka hore kaga jiraan, waxay gacan ka geysan doontaa in la ciribtiro ka-saarista ay wajahayaan dadka laga tirada badan yahay iyo beelaha la hayb sooco ee Soomaaliya, sida dadka naafada ah iyo kuwa gudaha ku barakacay, waxayna u oggolaanaysaa dadka inay si buuxda uga qayb-qaataan gaarista go’aannada saameeya noloshooda iyo mustaqbalkooda,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay.

Waxaa 10-ka Diseembar loo asteeyay Xuska Maalinta Xuquuqul Insaanka 1948-kii maalintii  Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uu meel-mariyay Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha.

Qarammada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay weli ballanqaadeysaa in ay taageerto horumarinta iyo ilaalinta xuquuqul insaanka si ay uga faa'iidaystaan dadka Soomaaliyeed.