Maalinta Caalamiga ah ee la-dagaalanka Musuq-maasuqa, Wakiilka Qaramada Midoobay oo iftiimiyay muhiimadda hay’ado adag oo lala xisaabtami karo

previous next
9 Dec 2021

Maalinta Caalamiga ah ee la-dagaalanka Musuq-maasuqa, Wakiilka Qaramada Midoobay oo iftiimiyay muhiimadda hay’ado adag oo lala xisaabtami karo

Muqdishu – Iyadoo la xusayo Maalinta Caalamiga ah ee La Dagaalanka Musuq-maasuqa, ayuu Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya waxa uu bogaadiyay dadaallada ay DFS ku bixinayso la dagaalanka Aafada caalamiga ah.

"Musuq-maasuqu waa mid ka mid ah dhibaatooyinka aasaasiga ah ee wiiqaya nabad waarta oo ay Soomaaliya hesho... Dhammaanteen waan ognahay in musuq-maasuqu uu si weyn u wax-yeelleynayo waddan kasta, laakiin gaar ahaan dalalka soo koraya," ayuu yiri Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Adam Abdelmoula, oo sidoo kale ah Xiriiriyaha Gargaarka Bani'aadamnimada iyo Deegaanka ee Qaramada Midoobay. Soomaaliya.

“Musuq-maasuqu waxa uu uga sii daraa hanti-wadaagista sinnaan la’aanta ah iyo sidoo kale kala qeybsanaanta bulshada, taasoo sii hurineysa colaadda iyo xasillooni-darrada. Dadku waxaa inta badan ku abuurma kalsooni darro qoto dheer oo ay ka qabaan hay'adaha Dawladda haddii loo arko in Dawladdu uu la degay musuqmaasuq ama siyaasad ka-saarid ah," ayuu raaciyay. "Laakiin inkastoo caqabadahani waaweyn yihiin, waxaa jira astaamo togan oo sii kordhaya oo horumar ah, sidaas awgeedna, sababo niyadsami ah ayaa jiraya."

Mas’uulka Qaramada Midoobay ayaa ka hadlayay munaasabad ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Dowladda Federaalka ah, oo ayna ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan DFS, Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Hay’adaha Qaramada Midoobay, Diblumaasiyiinta, iyo Wakiillo ka socday Dhallinyarada, Haweenka iyo Dadka Naafada ah.

Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee QM u qaabbilsan Soomaaliya, Adam Abdelmoula, iyo Wasiirka Caddaaladda ee Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ku sugan xaflad lagu maamuusayey Maalinta Caalamiga ah ee La dagaallanka Musuq-maasuqa oo lagu qabtay Magaalada Muqdishu 9-kii Diseembar 2021.

Soomaaliya iyo UNCAC

Ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa si gaar ah u guudmaray horumarka ay Soomaaliya dhawaan ka samaysay Axdiga Qaramada Midoobay ee ka dhanka ah musuqmaasuqa (UNCAC), oo ah aaladda kaliya ee ay dhaqan-gelintiisu waajib ka tahay caalamka oo dhan.

"Guul taariikhi ah ayuu sanadkan ahaa ku biirista Soomaaliya ee Axdiga La-dagaallanka Musuqmaasuqa - UNCAC - bishii Ogoosto kaas oo aan si diirran ugu hambalyeyneyno dowladda," ayuu yiri Mudane Abdelmoula.

Sida laga soo xigtay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Maandooriyeyaasha iyo Dembiyada (UNODC), habka fog ee UNCAC iyo dabeecadda qasabka ah ee qaar badan oo ka mid ah qodobadeeda ayaa ka dhigaya aalad gaar ah ee horumarinta jawaabcelin dhammaystiran oo ku saabsan musuqmaasuqa. Soomaaliya waxay noqotay waddankii 188-aad ee xubin ka noqda Axdiga, waxa ayna haatan ka qeyb galeysaa shirka xisbiyada dowlad goboleedyada – oo ah hay’adda ugu weyn ee siyaasad dejineed ee UNCAC – oo todobaadkan ka soconaya dalka Masar.

Mudane Abdelmoula ayaa xusay in saxiixe ahaan, Soomaaliya ay waajib ku tahay dhaqan-gelinta qodobbada Axdiga, isla markaana ay samaysay ballanqaad kaasoo ka gudubaya isbeddello lagu sameeyo maamulka, taasoo xaqiijin doonto sii jiritaanka  dadaalladeeda la dagaalanka musuqmaasuqa.

Sarkaalka Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale tilmaamay doorka muhiimka ah ee bulshada rayidka ah, dhallinyarada iyo warbaahinta Soomaaliya ay ka qaadan karaan la dagaallanka musuq maasuqa iyagoo soo bandhigaya dhaqamada musuq-maasuqa, kashifaya, dhiirigelinaya isla xisaabtanka lana dagaalaya isla xisaabtan la’aanta.

Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Adam Abdelmoula, oo sidoo kalena ah isku duwaha arrimaha beni’aadanimo ee Soomaaliya, ayaa khudbad ka jeediyey xaflad lagu maamuusayey Maalinta Caalamiga ah ee La dagaallanka Musuq-maasuqa oo lagu qabtay Magaalada Muqdishu 9-kii Diseembar 2021.

Ballanqaadka Dowladda  

Khudbadiisa munaasabadda Wasiirka Caddaaladda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayuu kaga hadlay dejinta sharciyada XFS iyo unkidda tillaabooyin kale oo lagula dagaalamayo musuq maasuqa, iyadoo qodobada ugu dambeeya ay ka mid yihiin horumarinta istaraatiijiyadda Qaran ee la dagaalanka musuq-maasuqa iyo sameynta guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya ay ansixisay Axdiga Midowga Afrika ee ka hortagga iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa iyo Axdiga Carabta ee la dagaalanka Musuq-maasuqa.

Wasiir Cabdulqaadir ayaa xusay in Wasaaradiisa – iyadoo la kaashaneysa Xafiisyada Hanti dhowraha Guud, Xeer Ilaaliyaha Guud, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha – ay aasaaseen unug u xilsaaran la dagaalanka musuq maasuqa ka dhex jira Dowladda.

"Waxaan ballan qaadeynaa inaan la shaqeyneyno saaxiibada maxalliga ah, goboleed iyo caalamiga si aan uga hortagno ulana dagaallanno dhammaan noocyada musuqmaasuqa," ayuu yiri. "Dagaallanka ka dhanka ah musuqmaasuqa waa qayb ka mid ah dadaalladeenna guud ee lagu horumarinayo ku dhaqanka sharciga Soomaaliya."

Iyadoo ka hadleysay munaasabadda, ayay Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xaniifa Maxamed Xaabsade, sheegtay in dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa lagu wado gacan, iyadoo gacanta kalena lagu hayo dadaallada looga horjeedo caqabadaha kale sida amni darrada iyo xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha.

"Musuq-maasuqa ayaa si ba’an u saameeya dadka ugu nugul sida haweenka, carruurta iyo dadka naafada ah. Dalkeenu waxa uu horumari karaa oo kaliya hadii aan dhahno maya musuq-maasuqa,” ayay tiri wasiir Xaniifa.

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay UNCAC bishii Oktoobar 2003, isla munaasabadda ayaa sidoo kale, 9 Diseembar, loogu asteeyay maalinta caalamiga ah ee la dagaalanka musuqmaasuqa si kor loogu qaado wacyiga musuqmaasuqa iyo doorka Axdiga ee la dagaalanka iyo ka hortagga. Hal-ku-dhegga caalamiga ah ee sanadkan xuska munaasabadda ayaa ahaa ‘Xuquuqdaada, doorkaaga: maya dheh musuqmaasuqa.’

Sawirro badan oo ku saabsan dhacdadan, halkan ka eeg.