Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa doortay labo iyo toban Xildhibaan, Doorashoyinka Aqalka Hoose

13 Nov 2016

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa doortay labo iyo toban Xildhibaan, Doorashoyinka Aqalka Hoose

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo gabagabeeysay maalinti shanaad ee doorashada aqalka hoose, iyagoo doortay lix xildhibaan oo kale, kuwaso ka tirsanan doona  baarlamanka federaalka.

Ilaa iyo hadda waxa la doortay guud ahaan 27 xildhibaan, waxaana harsan oo wali go,aan laga gaarin 17 kursi. Lixda kursi ee maanta lagu tartamay Kismaayo waxaa ku guuleystay dhamaantooda rag.

“Waa inaan sameeyaa wixii dadkeyga igu doorteen” ayuu yiri xildhiban cusub Liiban Cabdiraxman Cusmaan kadib markii uu ku guuleystay tartankii maanta. “ Dalka waxa uu u baahanyahay dib-u-dhis, waxbarashada oo kor loo qaado iyo arinta ugu muhiimsan oo ah in xasiloonida iyo nabad-galyada dalka la hagaajiyo”.

Mid ka mid ah ergadii wax dooraneysay maanta Jamiila Cabdi Malanow ayaa tiri cod-bixiyayaasha waxa ka go,an iney doortan hogaamiyayaal daacad ah una shaqeynaya sidii loo hagaajin lahaa xaalada dadkooda. “Xubnaha cusub ee maanta aan dooranay  waa iney ka shaqeeyan danaha dadka Soomaliyeed” ayay tiri Jamiila. “Waa inuusan noqon qof raadinaya dano khaas ah. Waa inuu noqdaa qof ka shaqeynaya danaha dadka, dalka iyo diinta”.

Ergada joogta caasimada Puntland ee garowe ayaa iyana maanta doortay lix xildhibaan oo cusub, taas ayaa tirada la doortay ka dhigeysa 18 xildhibaan guud ahaan 37 kursi oo ku soo aaday Puntland. Murashaxiinta maanta guuleystay waxaa ka mid ahaa labo haween ah.

Xildhibanad Sacdiyo Maxamed ayaa wacad ku martay iney u olaleyn doonto xuquuqda haweenka waxayna ku boorisay haweenka Soomaaliyeed iney soo raacan tusaalena ka dhigtaan iyada.

“Waxaan ku boorinayaa dhamaan haweenka Soomaliyeed iney horey yimaadan una tartamaan kuraasta hartay” ayay tiri Marwo Sacdiyo.

Shamso Faarax Daahir oo ah ardayad dhigata jaamacada ayaa ku guuldareysatay tartankii loogu talo galay haween kaliya iney ku tartamaan ee aqalka hoose. Marwo Shamso ayaa rajo ka qabta iney guuleysan doonto mustaqbalka haddii ay tartanto.

“Tani waa markii ugu horeysay oo aan tartamo,”

“Waxaan rabay inaan matalo qabiilkeyga laakin waa ku guuldareystay, waxaan u hambalyeysanayaa walaashey iga guuleysatay”. Ayay tiri.

Maalinti labaad codeynta aqalka hoose ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa dib-u-dhac ku yimid iyadoo lagu balansanaa iney maanta dib uga bilaabato magaalda Cadaado. Maalintii ugu horeysa Khamiistii ayaa codeynta bilaabatay xilli danbe taas oo sababtay in la doorto saddex xildhibaan kaliya.

Ugu danbeyntii labo xildhibaan ayaa manta lagu doortay Galmudug, arintan ayaa ka dhigeysa wadarta guud ee la doortay ilaa iyo hadda 5 xubin 36 kursi oo laga rabo Galmudug.