Lix Kursi ayaa la Doortay Doorashada Aqalka Hoose ee Jubbaland, Maalintii Afaraad

13 Nov 2016

Lix Kursi ayaa la Doortay Doorashada Aqalka Hoose ee Jubbaland, Maalintii Afaraad

Lix xubnod oo kale ayaa maanta lagu doortay Kismaayo caasimada dowlada goboleedka Jubbaland iyadoo lagu jiro maalintii afaraad ee doorashada.

 

Xubnaha cusub ee baarlamanka la doortay waxa ku jira labo dumar ah Xaawo Maxamed Aadan oo ah ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud dowlada federaalka iyo Sahro Jaamac Cali oo ka tirsaneed baarlamanka ilaa 2011

 

Arintan ayaa ka dhigeysa wadarta guud ee haweenka ku guuleystay kuraaasta aqalka hoose toban guud ahaan dalka ilaa iyo markii la bilaabay doorashada aqalka hoose 5 November.

 

 “Waxaan rabaa inaan ka mahadceliyo taageeridii aan idinka helay. Guushan ma ahan mid aniga igu kooban dhamaanteen waan guuleysanay, waxay noo sahleysaa inaan bulshadeena ku matalno Golaha Shacabka. Ayay tiri Marwo Xawo Aadan

 

Murashaxiinta kale ee guuleystay waxaa ka mid Maxamed Aadan Macalin Cali, Maxamed Cabdi Gaandi, Aadan Isaaq Cali iyo Maxamed Xasan.

 “ Ujeedkeyga waa in la xaqiijiyo inaan keeno sharci dajiyayaal kor u qaada xaaladaha xuquuqda aadanaha dalka. Sidoo kale waxaan ka shaqeyn doonaa in laga miro dhaliyo midnimada iyo nabad waarta oo ka dhaqan gasha Soomaaliya,” Ayuu yiri Mudane Gaandi

Cod-bixinta ayaa ka bilaabatay galintii danbe ee Khamiistii Magaalada Cadaado Caasimada ku meel-gaarka ah ee dowlada goboleedka Galmudug, caqabado dhanka saadka ah darted ayaa keenay dib-u-dhacaas. Saddex xildhibaan ayaa la doortay isla maalintaas oo ka tirsan Aqalka hoose.

 

Xussen Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha gudiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee Galmudug ayaa ku dhawaaqay natiijada hordhaca aheyd ee doorashadii maalintaas.

 

Murashax baarlaman  Cabdirisaaq Jaamaca ayaa si iskiisa ah uga baxay tartanka wax yar kadib markii la bilaabay cod-dhiibashada Khamiistii, isagoo ku macneeyay ka bixitaankiisa arimo shaqsiyadeed.

Xildhiban Mahad Maxamed Salaad oo ahaa xildhiban hore ayaa balan qaaday inuu si dhow ula shaqeyn doono dadkiisa si kor loogu qaado bixinta adeega bulshada, kadib markii uu ku guuleystay inuu ka mid noqdo xubnaha baarlamanka cusub.

 “ Afarta sano ee soo socota waxaan wajihi doonaa caqabado fara badan kuwaasoo u baahan xal. Xildhibaan ahaan waa in aan dhankeena u helnaa jawaabo waafi ah arimahaas waana inaan hormar ka gaarno dhinacyada amniga, siyaasada iyo waliba hormarka. Waxaan rajeynaa inaan awoodi doono inaan wax ka qabano arimahaas,” ayuu sheegay xildhabaanka la doortay.

 

Codeynta 33 kursi ee Aqalka hoose qoondad ku soo aaday qabaa,ilka dega Galmudug ayaa berito kasii socon doonta Cadaado.