Maamulka HirShabeelle oo dib u billaabaya doorashada xubnaha Aqalka Hoose ka dib hakintii ku-meel-gaarka ahayd ee doorashooyinka

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Michael Keating (bidix) ayaa la kulmaya Madaxweynaha maamulka HirShabelle , Cali Cabdullahi Cosoble (midig), gudaha magaalada Jowhar ee Soomaaliya, 20ka Nofembar 2016. Sawir QM

20 Nov 2016

Maamulka HirShabeelle oo dib u billaabaya doorashada xubnaha Aqalka Hoose ka dib hakintii ku-meel-gaarka ahayd ee doorashooyinka

Ismariwaa ka dhashay muran la xiriira doorashada ka socotay maamulka HirShabeelle ayaa maanta xal laga gaaray, ka dib markii ay soo farageliyeen Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating iyo Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira.

Mudane Keating iyo Danjire Madeira ayaa ka shaqeeyay heshiiska lagu xalliyay muran u dhaxeeyay labo beelood, oo sababay in doorashada Golaha Shacabka ay si ku-meel-gaar ah hakad u gasho. Hakinta doorashada ayaa lagu dhawaaqay ka dib markii rasaas la isku waydaarsaday afaafka hore ee xarunta doorashada ee ku taalla Jowhar, taas oo u dhaxeysay ilaalada labo musharrax oo loollamaysay 18-kii Nofembar.

“Waxaan og nahay in ay imaanayaan caqabado siyaasadeed, balse ka beesha caalamka ahaan, waxaan rumaysan nahay, in kastoo caqabado imaan karaan, in tixgelinta qawaaniinta degsan uu faa’iidooyin badan u keenayo maamulka cusub, uuna dhambaal u dirayo qeybaha kale ee dalka iyo beesha caalamka,” ayuu yiri Mudane Keating, wax yar ka dib kulan uu la qaatay Guddiga maamulka HirShabeelle u xil saran hirgelinta doorashooyinka dadban, madaxweynaha HirShabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa.

“Farriinta aan la wadaagnay madaxweynaha iyo guddiga doorashooyinka gobolka iyo cid kasta, waxay ahayd in la xushmeeyo xeerarka geeddisocodka sida uu u dejiyey Madasha Hoggaanka Qaranka, oo ay ka mid tahay qoondada haweenka, anagoo HirShabeelle ka filayna in 11 haween ah loo dooran doono Aqalka Hoose,” ayuu carrabka ku adkeeyey Keating.

Maamulka HirShabeelle ayaa qoondo 37 kursi ah ku leh Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. 

Madaxweyne Cosoble ayaa qiray ahmiyadda kuraasta loo qoondeeyey haweenka.

“Waxaan isku afgarannay dardar-gelinta hannaanka doorashada, tixgelinta qoondada haweenka iyo sidii aan isaga kaashan lahayn caawinta maamulka HirShabeelle,” ayuu yiri madaxweynaha HirShabeelle.

Danjire Francisco Madeira ayaa taageerada Midowga Afrika u ballanqaaday maamulka dhowaan la dhisay.

“Waxaan idinka taageeri doonnaa dhinacyada amniga iyo siyaasadda,” ayuu Danjire Madeira u sheegay madaxweynaha HirShabeelle.

Guddiga heer federaal ee hirgelinta doorashooyinka dadban ayaa shaacin doona taariikhda cusub ee dib loo billaabi doono doorashooyinka maamulkaasi.

Dhinaca kale, doorashooyinka ayaa wali ka socda maamulka Koonfur Galbeed, halkaas oo codayntii ugu dambeeyey lagu doortay saddex xildhibaan oo hor leh.

Cabdirashiid Maxamed Axmed, wasiirka dowladda federaalka ee Ganacsiga iyo Warshadaha, ayaa ka mid ahaa musharraxiintii ku soo baxay codayntii dhacday maanta.

Maxamed Cabdullaahi Mursal, oo ah guddoomiyaha guddiga Koonfur Galbeed ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban, ayaa ku dhawaaqay in diiwaangelinta ergada gobolka Shabeellaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed ay billaaban doonto maalinta berri ah.

“Arrintani ayaa ka mid ah caqabadaha aan badnayn ee aan wajahaynay kuwaas oo aan hadda ka guulaysannay,” ayuu yiri.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ilaa hadda doortay 30 xubnood oo ka mid noqday Golaha Shacabka, kuwaas oo qayb ka ah 69-ka kursi ee Koonfur Galbeed uu ku leeyahay Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka. Guddiga heer gobol ayaa ku rajo wayn in uu ku soo gunaanado doorashooyinka ka socda Koonfur Galbeed tobanka cisho ee soo socda.