Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Soomaliya Danjire Keating ayaa soo Kormeeray sida ay Magaalada Baydhabo uga Socoto Cod-bixinta

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Michael Keating ayaa kormeeraya hanaanka doorashada ee lagu xulayo Golaha Shacabka. Kormeerka wuxuu dhacay xili uu wakiilka Gaarka ah uu howl shaqo u tagay magaalada Baydhaba ee Soomaaliya, 19ka Nofembar 2016. Sawir QM

19 Nov 2016

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Soomaliya Danjire Keating ayaa soo Kormeeray sida ay Magaalada Baydhabo uga Socoto Cod-bixinta

Wakiilka gaar ah ee u qaabilsan qaramada midoobay arimaha Soomaliya Michael Keating ayaa maanta booqday xarun cod-bixin ka socotay Magaalada Baydhabo, Caasimada maamul goboleedka Koonfur Galbeed. Wakiilka ayaa kormeeray habsami u socodka tartanka Aqalka hoose.

Mudane Keating iyo wafdigiisa oo ay ku jirto ku xigeenka u qaabilsanaha Midowga Africa Arimaha Soomaliya  Lydia Wanyoto ayaa goob joog ka noqday ergo dooraneysay kursi ay ku tartamayeen saddex murashax oo haween ah.

 “Waxay u muuqataa in si wanaagsan loo agaasimay, Jawiga waa deganyahay. Tani waa tartan dhab ah  ayuu yire danjire Keating”.

Murashaxada guuleysatay waa 25 jir lagu magacaabo Hani Maxamed Aadan, waxay ku guuleystay 26 cod 51-dii cod ee la dhiibtay.

 “Waxan rajeynaa tani iney tahay guul u soo hoyatay dhalinta Soomaliyed maadama aan ka mid ahay dhalinyarada ayay tiri Hani Aadan. “Waxay u muuqataa in maamulka Koonfur Galbeed xaqiijinayo qoondadii haweenka ee aheyd boqolkiiba 30.”

Danjire Keating ayaa muujiyay sida uu ugu qanacsanyahay hormarka laga gaaray doorashada ilaa iyo hadda.

 “Waxa muhiimka ah ee kusoo jiidanaya ayaa ah inaad aragto Soomali codeyneysa. Waa macquul ineysan aheyn doorasho caalami ah laakiin waa calaamad muujineysa awooda go,aanka Soomalida iyo waliba qaban-qaabada doorashado, waxa rajeynaa in la aqbali doono natiijada,” ayuu yiri Danjire Keating.


 “Tani waa war wanaagsan kaliya uma ahan Koonfur galbeed waa Soomali oo idil sida ay u qaban-qaabiyeen una hirgaliyeen habkan doorashada.”
Danjire Keating iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale la kulmay madaxweynaha Koonfur galbeed Sharif Xasan Sheekh Aadan iyo waliba odeyaal beeledyada. Wada hadalada labada mas,uul ayaa diirada lagu saaray caqabadaha ka jira jadwalka iyo saadka ee soo wajahaya habsami socodka doorashada. 
 
 “Waxyaabo fara badan ayaan ka doodnay oo ku saabsan doorashooyinka iyo waliba qorshaha lagu keeni lahaa ergada ka imaaneysa Shabeelada hoose,” ayuu yiri Madaxeyne Shariif Xassan. Wuxuu kaloo saadaliyay in doorashada Koonfur galbeed lagu soo gabagabeyn doono muddo 10 cisho ah.

Maanta ayaa labo kursi oo kale oo aqalka hoose ah lagu doortay Magaalada Baydhabo. Danjirihii hore ee Turkiya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Idiris Cabdi Takar ayaa ku guuleystay kuraastii maanta lagu tartamay.

Sidoo kale doorasho ayaa ka dhacday Dowlad Goboleedka Galmudug, iyadoo lagu tartamay saddex kursi. Labo haween ah iyo nin ayaa ku guuleystay doorashadas, tani ayaa ka dhigeysa haweenka lagu doortay Galmudug ilaa iyo hadda saddex haween ah doorashada Aqalka hoose.