Maamulka Koonfur Galbeed oo xusay maalinta haweenka adduunka

8 Mar 2016

Maamulka Koonfur Galbeed oo xusay maalinta haweenka adduunka

Xaflad lugu maamuusayey xuska Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka oo ka dhacday magaalada baydhaba ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa guddoomiyey Madaxweyne Shariif Sheekh Aaden. Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Koonfur Galbeed ayaa haweenka ku boorriyey in ay hormuud ka noqdaan dadaallada nabadda ee gobolka ka socda, si ay u gaaraan riyadooda ku aadden sinnaasha jinsiga. Wuxuuna bulshada ugu baaqay in ay garab istaagaan dumarka.

“Hambalyo ayaan ku leeyahay haweenka oo dhan, gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed iyo Baydhaba. Waxaan Ilaah ka baryayaa in uu sannadkan kiisa kale nugu ggarssiyonabad aan ku xusno 8-da Maarso. Waxaana ku rajo weynahay in bishan bisheea kale ku dabbaaldegno annagoo Al-Shabaab ka adkaannay, ayuu yiri Shariif.

Amelie Runesson oo ku hadashay magaca Hawlgalka Taakuleynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobey (UNSOM), ayaa tiri. “Anigoo ku hadlaya magaca QM, waxaan rabaa inaan halkaan uga mahadceliyo cid kasta oo suurtagelisey munaasibaddan. Maanta waa maalin xaawaley, farxadeed iyo rajo. Waa dareen kugu abuurmaya marka aad qolkaan soo gasho. Haddaan dumar nahay, maanta waa maalin muhiim noo ah dhammaanteen. Sidoo kalena waxay muhiim u tahay bini’aadamka oo dhan.  Dumar ahaan waxaan ka dhigannahay 50 boqolkiiba bulshada. Sidaas darteed, marka haweenka la quursado, la bahdilo ama lugu jawrfalo, 50 boqolkiiba bulshada ayaa xaqiran,”

Amelie waxay sidoo kale carrabka ku adkeysey muhiimadda ay leedahay in haweenka lugu dhiirrigeliyo ka qaybgalka doorashooyinka 2016-ka. Waxay ku tilmaantay ka qaybgalka haweenka ee arrimaha siyaasaddda iyo amniga mid xasaasi ah, iyadoo intaas ku dartay in ay lamahuraan u tahay mustaqbalka Soomaaliya sida tan ka habboon”.

Wasiiradda Arrimaha Haweenka iyo Qoyska ee Maamulka KMG ah ee Koonfur Galbeed, Binti Ibraahim Cali ayaa haweenka ugu hambalyeysey kaalinta ay uga jiraan horumarka bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasadda gobolka. “8-da Maarso waa tan qura ah ee aan ku leennahay 12-ka bilood ee sannadka. Sidaas darteed waa inaan ku maamuusnaa dabbaaldegyo waaweyn. Waxaan hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa hooyooyinka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed. Haweenka Soomaaliyeed waa laf-dhabarka bulshada.  Haweenku waxay u ololeeyaan nabadda iyo dib-uheshiisiinta, waxay ku lugleeyihiin waxsoosaarka, waxayna mas’uul ka yihiin qoysaska.

Dhanka kale, munaasibad middan la mid ah oo lugu qabtay magaalada Kismaayo, ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka KMG ah Jubbaland iyo Qaramada Midoobey.

Wasiiradda Arrimaha Haweenka ee Maamulka KMG ah ee Jubbaland, Ms. Qamar Khamar Xaaji Sheekh ayaa farta ku goddey caqabadaha haysta dumarka, laga soo billaabo aqoon la’aan illaa saboolnimo.

“Haweenka Soomaaliyeed waa in la tabantaabo heer kasta oo la joogo, ragguna waa in ay taageeraan,” ayey tiri Qamar. Wasiiraddu waxay soo dhaweysey qoondada haweenka laga siiyey siyaasadda dalka 30%. Ms. Michiko Suzuki, oo UNSOM u qaabilsan siyaasadda ayaa haweenka ku boorrisey in ay si weyn uga dhex muuqdaan arrimaha dalka.