UNSOM oo warfidiyeenka Puntland u tababartay bedbaadada, anshaxa, dhismaha dowladnimada iyo hannaanka siyaasadda

12 Jan 2016

UNSOM oo warfidiyeenka Puntland u tababartay bedbaadada, anshaxa, dhismaha dowladnimada iyo hannaanka siyaasadda

Shir labo maalmood socday oo looga hadlayeyistiraatijiyadda horumarinta warbaahinta Soomaaliya” ayaa lugu soo gebagabeeyey magaalada Muqdisho, waxaya dhinacyadii ka qaybgalay isku raaceen qaabka loo hirgelinayo qorshahan shanta sano ee soo socda. 

Shirkan oo ay soo abaabushay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, islamarkaana ay ka soo qaybgaleen dowladdaha Federaalka ku jira iyo kuwa samaysmaya, ayaa lagu lafoguray hirgelinta xeerka saxaafadda dalka ee uu dhawaan saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo madasha hadal ka jeediyey ayaa ku nuuxnuuxsaday in xeerka saxaafaddu dhabbaha u xaarayo warfaahin xirfadyahan ah oo Soomaaliya ka hanaqaadda.

“Soomaalia waxaa ka jira warbaahin firfircoon oo shaqaaleysa dad badan, laakiin hadda kahor ma jirin sharci lugu hago, sidoo kalena dhowra xaquuqda warbaahinta dadweynaha, midda gaarka loo leeyahay iyo dadka ku xiran,” ayuu yiri wasiirku.

Madaxa Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed, Maxamed Ibraahim Pakistan, ayaa xusay in istiraatijiyadda horumarinta warbaahinta Soomaaliya, oo ahaa qodobka diiraddu shirku saarreyd, ay la xiriirto xeerka saxaafadda.

“Horumar ayey horseedeysaa,” ayuu yiri Pakistan oo intaas ku daray, in ujeeddada xeerku tahay in la helo xeer qaabeysan oo wax ka taraya dhowrista amniga, sumcadda iyo xaquuqda warfidiyeenka.

Layla Abdulahi, oo ah Guddomiyaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed ee Suxufiyiinta ah, carrabka ku dhufatay in xeerka saxaafaddu uu wariyeyaasha ka ilaalinayo milkiileyaasha xarumah warbaahinta oo sida ay sheegtay kula dhaqma waxyaabo sharciga ka baxsan.

Farxiya Maxamed Khayre, oo ah Guddomiyaha Isbahaysiga Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed, ayaa dhankeeda taageero u muujisey xeerka saxaafadda.

“Sameynta xeerka warbaahintu waxay gacan ka geysaneysaa xallinta khaladaadka lugu galo xirfadda saxaafadda dhexdeeda,” ayey tiri Farxiya oo intaas ku dartay. “Hadda wixii ka horreeyey dalka kama jirin sharci lugu xalliyo tabashooyinka saxaafadda iyo danleyda siyaasadda ama dhaqaalaha dalka, laakiin wixii hadda ka daambeeya ma dhaci doonto in la caburiyo ama awood lugu maquuniyo warbaahinta Soomaaliya.