Madasha Iskaashiga Soomaaliya - Warmurtiyeed - 7da Disembar 2020

7 Dec 2020

Madasha Iskaashiga Soomaaliya - Warmurtiyeed - 7da Disembar 2020

Madasha Iskaashiga Soomaaliya

WARMURTIYEED

7da Disembar 2020

Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamka ayaa Muqdisho ugu kulmay 7-dii Diseembar 2020 ka qeybgalka Madasha Iskaashiga Soomaaliya. Ka-qaybgalayaashu waxay dib-u-eegeen horumarada la sameeyay ilaa Madashii ugu dambaysay, saamaynta Faafida Covid-19, waxayna isla garteen arrimaha mudnaanta gaarka ah leh yadoo la tixgelinayo doorashada dadban ee Federaalka ee soo socota.

Saaxiibada caalamku waxay garwaaqsadeen guulaha Soomaaliya iyo horumarka socda ee hirgelinta dib-u-habaynta laamaha amniga, dhul ka qabsashada Al-Shabaab, dib-u-eegista socota ee Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya waxayna soo dhoweynayaan dib u billaabista kulamada Guddiga Amniga iyo Caddaaladda iyo ballanqaadka ah in la qabto saddexdii biloodba mar, kadib in ka badan laba sano oo aanu qabsoomin, iyo sidoo kale yareynta saameynta COVID-19, qabashada shirarka u dhexeeya DFS iyo wakiillada Somaliland, iyo horumarka laga gaarayo deyn cafinta.

Si kastaba ha ahaatee, caqabado waaweyn ayaa weli jira. Horumar degdeg ah ayaa loo baahan yahay si loo xoojiyo dhaqanka dimoqraadiyadda loona ilaaliyo horumarka Dib -u -eegista Dastuurka ee maamulkani sameeyay. Waxaa kale oo jirta baahi loo qabo in la sii wado lana sii xoojiyo ka hortagga Al-Shabaab iyo Daacish iyadoo la adeegsanayo tabo intii hore ka ballaaran, arrimaha kale oo loo baahanyahay waxaa ka mid in la xaqiijiyo soo kabashada dhaqaalaha iyo koboca (iyo abuurista shaqooyin) iyada oo maanka lagu hayo aafada COVID, in la dhammaystiro dib-u-eegista iyo hirgelinta Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya (STP), sameynta fagaarayaal wax-ku-ool ah oo wax ka qabta dhibaatooyinka bani'aadamnimada iyo xoojinta u adkeysiga arrimo ay ka mid yihiin dhibaatooyinka la xiriira cimilada, iyo in la ilaaliyo xuquuqda haweenka iyo gabdhaha iyada oo la dejinayo sharci ku saabsan dembiyada galmada oo waafaqsan sharciga xuquuqda aadanaha.

Soomaaliya waxay ka niyad jabtay in aysan gaarin yoolkii ahaa in la qabto doorasho hal qof iyo hal cod ah wareegan. Si kastaba ha ahaatee, Golaha Wadatashiga Qaranku wuxuu gaaray heshiis siyaasadeed oo ah in la qabto doorashooyin dadban oo waqtigooda ku ku dhaca 2020/2021 waxayna ballanqaadeen in la qabto doorasho hal qof iyo hal cod ah sanadaha 2024/2025. Si taas loo gaaro, Soomaaliya waxay ballan-qaadday in ay degdeg u sameyso, iyada oo loo marayo wada-hadal loo dhan yahay, waddo loo maro doorasho qof iyo cod ah oo ah doorashooyinka federaalka sannadka 2024/25, oo leh halbeegyo iyo hannaan isla-xisaabtan oo ka tarjumaya horumar macno leh, tusaale ahaan qabashada doorashooyin toos ah ee heerar degmo iyo heer dawlad-goboleed, iyo sidoo kale in si degdeg ah loo dhiso Maxkamadda Dastuuriga ah iyo xoojinta Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka. Wadahadal loo dhan yahay oo sii socda oo lagu sii ambaqaadayo heshiiska ku salaysan is afgarad ayaa lagama maarmaan ah si loo hubiyo in waqtigooda lagu qabto doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo la aqbali karo si loo ilaaliyo dhaqanka Soomaaliyeed ee ah in xukunka si nabad ah loogu kala wareego.

Soomaaliya waxay ballanqaaday inay ansixiso isbeddello aan muran ku jirin oo lagu sameynayo Dastuurka Ku-meelgaarka ah ka hor dhammaadka wareegga siyaasadeed ee hadda jira iyo inay soo gudbiso ka hor doorashooyinka waxyaabaha lagu beddelayo arrimaha laysku khilaafsanyahay ee dastuurka kuwaasoo la qaadan karo horaanta wareegga siyaasadeed ee soo socda. Soomaaliya ayaa sidoo kale ballanqaaday inay sii waddo geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta qaranka, iyadoo xaqiijineysa in dhammaan qaybaha bulshada ay metelaad helaan, gaar ahaan haweenka. Saaxiibada caalamku waxay ku heshiiyeen inay sii wadaan ku taageeridda Soomaaliya ballanqaadyadan, iyo inay gacan ka geystaan ​​hirgelinta hannaanka doorasho dadban sannadka 2020/2021 kaas oo lagu gaaray si wadar-oggol ah, in lagu qabto si nabad ah, waqtigii loogu talagalay, lana ilaaliyo qoondada 30% ee haweenka ku leeyihiin kuraasta baarlamaanka iyo qaababka maamulka doorashada.

Beesha caalamku waxay soo dhaweysay dib u bilaabista wada-hadalkii u dhexeeyay madaxda federaalka iyo kuwa dowlad-gobolleedyada taasoo keentay heshiiskii siyaasadeed ee bishii Sebtember ee doorashooyinka dadban. Wadashaqeyntani waa inay noqotaa hannaan joogto ah oo socda si loo suurtogeliyo in horumar laga sameeyo sii xoojinta dawladda federaalka iyo arrimaha hortebinta leh ee qaranka.

Soomaaliya waxay ballanqaaday inay sii waddo geeddi-socod ballaaran oo wadatashi ah si loo ballaariyo taageerada dib-u-eegista lagu sameynaya Qorshaha Kala-Guurka Soomaaliya kaas oo gacan ka geysan doona wargelinta Golaha Amaanka QM maadaama Goluhu ka baaraandegayo cusboonaysiinta waajibaadka AMISOM. Saaxiibada caalamku waxay carrabka ku adkeeyeen in si AMISOM loogala wareego amniga, in hoggaanka amniga Soomaaliya ay tahay in lagu saleeyo istaraatijiyad siyaasadeed oo ay ku jirto wadashaqeyn joogto ah oo dhex marta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha Ka Ah Federaalka.

Soomaaliya waxay oggolaatay inay qabato Shirka Ciidan Ururinta bisha Janaayo 2021 si wax looga qabto dhammaan waxyaabaha ay u baahantahay hawlgallada kala-guurka, oo ay ku jiraan helista ciidan, iyo in la aqoonsado saamaynta dhaqaalaha laga doonayo dowladda iyo saaxiibadeeda caalmaka kaasoo ay tahay in loo helo Qorshaha Kala-Guurka Soomaaliya. Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamka ayaa isku raacay inay sii wadaan taageeridda kala-guurka amniga, oo ay ku jirto dib-u-qaabaynta AMISOM si looga hortago Al-shabaab loona dardargeliyo kala-guurka amniga.

Soomaaliya waxay ku tallaabsatay horumar la taaban karo xagga horumarinta dhaqaalaha, gaar ahaan guushii taariikhiga ahayd ee lagu gaaray Barta Go’aan-qaadashada oo hoos imanayey Hindisaha Dalalka Saboolka ah ee Deymuhu Cusleeyeen bishii Maarso, kaas oo ka dhashay iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliy iyo Dowladaha Xubnaha Ka Ah Federaalka. Calaamadda kalsoonida sii kordheysa ee maareynta maaliyadda dowladda iyo kobcinta dakhliga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa noqotay tallaabo weyn oo dib u soo celisay in Soomaaliya heli karto maal-gelin joogto ah waxayna dalka hal talaabo hore ugu sii dhaweysay in deynta laga cafiyo. Iyada oo taageero caalami ah heleysa, Soomaaliya waxaa weli ka go’an hirgelinta dib-u-habaynno maaliyadeed iyo dhaqaale oo muhiim ah, kordhinta daah-furnaanta iyo isla xisaabtanka, oo ay ka mid tahay in Dawladda Federaalka gaarsiiso Dawladaha Xubnaha ka ah lacagaha, raadinta xubinnimada Ururka Ganacsiga Adduunka, dhiirrigelinta koboc dhaqaale oo loo wada siman yahay, iyo raadinta is-dhexgal dhaqaale oo heer gobol ah taasoo aakhirka noqoneysa wadiiqo lagu gaaro barwaaqo intii hore ka weyn.

Nasiib darro, COVID-19, ayaxa lamadegaanka iyo aafooyinka deegaanka ee isdaba joogga ah ayaa caqabad ku noqday koboca dhaqaalaha Soomaaliya oo si xun u saameeyay quud-maalmeedka dadka, gaar ahaan haweenka iyo kooxaha nugul, gaar ahaan 2.6 milyan oo qof oo ku barakacay gudaha Soomaaliya. Soomaaliya waxaa ka go’an inay sameyso hab qaran oo ku aaddan saameynta isbeddelka cimilada ee amniga aadanaha, siyaasad guud, iyo inay mudnaanta siiso awood-siinta dhallinyarada iyo shaqo-abuuris, dhisidda adkeysiga iyada oo loo marayo ilaalinta bulshada, iyo in la gaaro xalal waara. Tani waxaa ka mid ah xoojinta awoodda dowladda ee ah inay adeegyada u fidiso dadweynaha, wax ka qabashada saameynta waxyeellada leh ee COVID-19 iyo kor u qaadista sharciyadda dowladda.

Saaxiibada caalamku waxay isku raaceen inay Soomaaliya ka taageeraan arrintan, si waafaqsan arrimaha mudnaanta lagu siiyay Qorshaha Horumarinta Qaranka. Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamka ayaa sii wadi doona inay mudnaanta siiyaan tallaabo wadajir ah oo ku saabsan maareynta biyaha, horumarinta qaybaha gaarka loo leeyahay, ganacsiga iyo is-dhexgalka gobolka, iyo hagaajinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Iyadoo maanka lagu hayo doorashooyinka soo socda, Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamka waxay ku heshiiyeen Qaab-dhismeedka Isla -xisaabtanka 2021, oo ay ku jiraan natiijooyinka mudnaanta leh oo la dhammaystiri doono dhammaadka maamulka hadda jira. Madashu waxay mar kale xaqiijisay muhiimadda mabda’a iyo ku-dhaqanka isla-xisaabtanka labada dhinac u leedahay horumarinta siyaasadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya waqtiga fog  iyo in la waafajiyo dadaallada gargaarka arrimaha ay mudnaanta siiyeen DFS iyo Dowladaha Xubnaha ka Ah Federaalka.

Dowladda Federaalka iyo Saaxiibada Caalamka waxay bogaadinayaan naf-hurista iyo doorka muhiimka ah ee ay ciyaareen Ciiddanka Ammaanka Somalia, iyo sidoo kale dalalka ciiddanka iyo booliska ku biiriyay AMISOM iyo Saaxiibadda kale ee Caalamka ee gacan ka geysta ilaalinta Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia. Tani ma suurtoobi lahayn haddii aan la helin ballanqaadka iyo taageerada joogtada ah ee AMISOM iyo saaxiibada caalamku ay siinayaan dadaalka dhismaha dawladnimada Soomaaliya taasoo horseedeysa nabadda iyo barwaaqada dadka Soomaaliyeed.