Warmurtiyeed daba socday shirkii heerka-sare ahaa ee lagu qabtay Muqdihso kuna saabsanaa ka fal-celinta abaarta Soomaaliya

28 Feb 2017

Warmurtiyeed daba socday shirkii heerka-sare ahaa ee lagu qabtay Muqdihso kuna saabsanaa ka fal-celinta abaarta Soomaaliya

1.Iyada oo uu taageerayo Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”, si waafaqsan bayaankii Muqdisho ee 22kii Febraayo 2017, wufuud ka kooban 31 xubnood iyo wakiillo ka socday bulshada rayidka ah, qeybta gaarka loo leeyahay, iyo mid kasta oo ka mid ah Dowladaha  Xubnaha Ka Ah Dowladda Federaalka, ayaa Muqdihso kulan ku yeeshay si ay wax uga qabtaan dhibaatada iminka wajaheysa in ka badan lix milyan oo Soomaali ah abaar ba’an oo ku habsatay darteed, iyo inay isku raacaan tallaabooyinkii looga hortegi lahaa in macluul kale Soomaaliya ka dhacdo.

2. Waxaan soo dhaweyneynaa hogaaminta madaxweyne farmaajo ee ku dhawaaqista musiibo qaran, waxaanan siineynaa taageeradeenna buuxda sidii loo khafiifin lahaa dhibaatada loogana hortegi lahaa in xaaladdu ka sii darto.

3. Waxaan qireynaa horumarka weyn ee Soomaaliya laga sameeyay shantii sano ee la soo dhaafay iyo khatarta abaarta haatan taagan ay ku tahay guulihii hore loo gaaray. Waxaan garwaaqsannahay saameynta gaarka ah ee abaartu ku leedahay haweenka, carruurta iyo dadka naafada ah. Sidaa darteed, waxaan ballanqaadeynaa inaan sii wadno in abaartu tahay mudnaanteenna koowaad iyo inaan garwaaqsannahay baahida dedg-degga ah ee loo qabo inaan qabanno wax kasta oo karaankeenna ah si loo badbaadiyo nafaha.

4. Waxaanu ka faa’iideysaneynaa casharradii laga bartay macluushii ba’neyd ee dhacday 2011-12, waxaanan ballanqaadeynaa inaan qaadno tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si looga fogaado khaladaadkii waagaas la sameeyay, iyo inaan hagaajinno falcelinteenna wadajirka ah.

5. Xajmiga dhibaatada iyo saameynteeda malaayiin nafood, iyo weliba xasilloonida gobolka iyo koboca dhaqan-dhaqaale ee waqtiga dheer, waxa uu u baahanyahay ujeeddo iyo ficil mideysan. Waqtigan oo ay jirto isku-duubni heer qaran iyo mid caalami ah, cid walba wax bay ku biirin kartaa jawaabta la bixinayo.

6.Mas’uuliyadda in tallaabo la qaado ah waxay saarantahay cid kasta:Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha Ka Ah Federaalka, odayaasha iyo hoggaamiyayaasha deegaanka, culumada diinta, bulshada rayidka ah, qeybta gaarka loo leeyahay, warbaahinta, qurba-joogta Soomaalieed, iyo saaxiibada caalamka oo ay ku jiraan Midowga Afrika, deeq bixiyayaasha iyo dalalka deriska ah.

7. Waxaan ballanqaadeynaa inaan sameyno howlgallo deg-deg ah oo waqti gaaban kana kooban waxyaabo isku jira oo caqli gal ah si looga hortago macluul, iyo xalal waara oo sii socon kara oo u oggolaan doona Soomaaliya inay ka gudubto ka jawaabista dhibaatooyinka sanadlaha ah una gudubto dhisidda adkeysi heer qof iyo qaran ah.

8. Iyada oo qeyb ka ah baaqa wadajirka ah ee wax qabad, dhowr tallaabo oo la taaban karo waa in laga fekeraa si degdeg ahna loo meel mariyaa. Tallaabooyinkani waa inay ku jiraan, kuwa ay ka mid yihiin:qaadista caqabadaha hortaagan in kaalmo la gaarsiiyyo dadka u baahan, taasoo ay ku jirto soo dejinta iyo dhoofinta raashinka la quuto iyo shixnadaha kale ee muhiimka ah, iyo weliba xawaaladaha; in si ku meel-gaar ah loo joojiyo shuruurdaha maamul ee cusub oo heer federal ka hooseeya kuwaasoo lagu soo rogo gargaar bixiyayaasha; sugidda amniga, fidinta taageero dhinaca saadka ah oo lagu gaari karo, laguna dayactiri karo kaabayaasha muhiimka ah.

9. Tallaabooyinka dheeraadka ah sidoo kale waa in ay wax ka qabtaan is-waafajinta, hadba intii suurtagal ah, barnaamijyada jira iyo mashaariicda si ay ugu faa’iideeyaan dadweynaha abaaruhu saameeyeen; keenista iyo wadaagista xog iyo macluumaad sax ah si ay u taageerto jawaabta; in si weyn loo kordhiyo qaaaraanka maaliyadeed ee ay bixiyaan qof, shirkad, QM, deeq bixiyayaasha iyo qurba-joogta; iyo in si wax-ku-ool ah oo macno leh looga qeybgalo qaababka isku-duwidda ee la dhisay.

10. Si arrtani loo gaaro waxaanu isku raacnay in la xoojiyo doorka Guddiga Qaran Ee Gurmadka Abaaraha iyo dhiggooda heer dowlad goboleed si loola falgalo dhamaan jilayaasha qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed si ay wax ugu biiriyaan ka jawaabista abaarta ee socota iyo ka hortegista macluul. Waxaan sidoo kale dhiirrigelineynaa taageerada, iyo kala qeybgalka Guddiyada Qaran Ee Gurmadka Abaaraha ee heer dowlad goboleed, waxaana ku baaqeynaa xiriir wax ku ool ah oo isla jaanqaadaya inuu dhex maro hanaannada isku-dubaridka ee heer qaran iyo mid federal.

11.Waxaanu xoojineynaa, gaar ahaan, doorka beesha caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah, iyo haya’daha QM, ee la xiriira bixinta kaalmada naf-badbaadinta ah iyo taageerada quud-maalmeedka la siiyo dadka u baahan; mas’uuliyadda warbaahinta madaxa bannaan ka ilaaliye ahaan, iyo bixinta warar daah-furan oo joogta ah oo ku saabsan abaarta iyo jawaabta laga bixiyo oo ay siinayaan beesha caalamka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyaga oo u marinaya Guddiga Qaran Ee Gurmadka Abaaraha; doorka qeybta gaarka loo leeyahay ee taageeridda gaarsiinta sahayda, soo celinta suuqyo wax-gal ah  iyo gaarista dadka ugu nugul; iyo muhiimadda Qurba-joogta Soomaaliyeed, kuwaasoo aan ku boorrineyno inay kordhiyaan xawaaladaha ay Soomaaliya u soo diraan iyo inay taageeraan ka jawaabidda abaarta ee ka socota Soomaaliya iyo dibadda intaba.

12. Waxaanu soo dhaweyneynaa in Dowladda Soomaaliya ay ka furtay xisaabaad-bangi gaar ah Bangiga Dhexe Ee Soomaaliya iyo lix bangi ganacsi oo kale si loogu shubo lacagaha deeqaha ah ee ka imaanaya muwaadiniinta iyo saaxiibada Soomaaliya. Xisaabaadka-bangiyadani ayaa si madax bannaan loo hubin doonaa lixdii biloodba hal mar warbixinta ka soo baxdana waxaa lagu daabici doonaa bogga internetka ee Wasaaradda Maaliyadda si loo hubiyo in dadweynuhu heli karaan macluumaad ku saabsan sida lacagta loo qoondeeyay loona kharashgareeyay.

13.Maadaama baaqa in tallaabo la qaado ahi loogu talagalay in lagu abuuro jawi suurtageliya in si degdeg ah oo bed-qab leh loo gaarsiiyo kaalmada muhiimka ah, taasoo ay ku jirto iyada oo loo marayao qaadista is-baarooyinka, is-waafajinta shuruucda iyo nidaaminta haboon oo suurtagelin kara in kaalmada caqabad la’aan la soo dejiyo, waxaanu ku dhawaaqeynaa inaan sinaba loogu dulqaadan doonin in kaalmada la leexsado waxaanan ballanqaadeynaa inaan tallaabo adag ka qaadi doonno cid kasta oo lagu helo in ay dhaqan xumi noocaas ahi ku lug leedahay. Tallaabada ceynkaas ah waxaa soo gelaya nooc kasta oo leexsi ah iyo isdaba marin lagu sameeyo jawaabta abaarta laga bixinayo, oo ay ku jirto in si gaar ah faa’iido looga raadiyo 

14. Waxaanu weydiisaneynaa Guddiga Qaran Ee Gurmadka Abaaraha inay si degdeg ah u hagaan, iyaga oo kaashanaya dhammaan daneeyayaasha, caddeynta gurmadka la taaban kara, sameynta habab habboon oo fudud oo kormeeris iyo isla-xisaabtan ah, iyo inay meelmariyaan dhammaan tallaabooyinka loo baahanyahay oo taageeraya warbixin bad-qab ah oo cidda bixineysana aan la magacaabeyn oo ku saabsan in khiyaano ama isdaba marin lagu sameeyo gurmadka abaaraha.

15. Ugu dambeyn, iyada oo la raacayo Baaqii Muqdisho, waxaan waafaqsannahay in la kordhiyo iskaashiga gobolka dhexdiisa ah, si loola tacaalo dhibaatooyinka degdegga ah sila markaana loo qorsheeyo istiraatiijiyado raashin helis ah ee waqtiga dheer iyo in maalgashi lagu sameeyo u adkeysiga gobolka ee aafooyinka ka dhasah isbeddelka cimillada. Caqabadda degdegga ah ee iminka taagan waxaa looga hortegi karaa oo keliya qaadista tallaabo degdeg ah oo loo dhanyahay isla markaana joogto ah iyo in loo sameeyo jiilasha mustaqbalka ee Soomaaliya iyo dersikeedaba deegaan barwaaqo ah isla markaan amaan ah.