Madaxa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating oo wadahadalo la yeeshay Hogaanka Saree e Maamulka Jubaland

Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa kala hadlay arrimaha horumarka xubnaha rugta ganacsiga iyo warshadaha ee Jubbaland, kulan 22kii August 2016kii ka dhacay Kismaayo. Sawir QM

22 Aug 2016

Madaxa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating oo wadahadalo la yeeshay Hogaanka Saree e Maamulka Jubaland

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa wadahadal la yeeshay hogaanka sare ee maamulka Jubbaland iyagoo ka wada hadlay arrimaha ammaanka iyo horumarinta dhaqaalaha iyo geedi socodka doorashooyinka soo socda, booqasho laba maalmood ah oo uu ku joogay Kismaayo.

Danjire Keating ayaa la kulmay Madaxweynaha Jubaland, Sheekh Axmed Islaam "Madoobe" iyo madax ka tirsan Dowladda iyo sidoo kale wakiillo ka socda Xafiiska Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jubaland.

Isagoo shirka ka dib hadlay ayaa Madaxweyne Madobe wadahadalada ku tilmaamay kuwa miro dhal ah. "Arrimaha ugu weyn ee aynu ka wada hadalnay waxay ahaayeen ammaanka Soomaaliya iyo sidoo kale horumarka dhaqaale ee dalka. Waxaa la isku raacay in mudnaanta ay noqoto dadaal dheeri oo wax looga qabanayo ammaanka,"ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Ergeyga Gaarka ah wuxuu ammaanay hoggaanka Jubbaland isbedelka badan gobolka uu maray sannadihii la soo dhaafay tan iyo markii xarakada al-Shabaab laga saaray Kismaayo.

“Waxaan rabaa in aan u hambalyeeyo madaxweynaha iyo dowladda Jubbaland, wax ka yar afar sano ka hor ayaa Kismaayo laga xoreeyay Al-Shabaab waxaana jiro horumaro badan oo la gaaray” sidaasi waxaa yiri SRSG

Kulanka uu la yeeshay wakiilada Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jubbaland ayaa Mr. Keating uga wada hadleen doorka ganacsatada ay ka cayaari karaan soo celinta barwaaqada iyo xasiloonida Jubbaland iyo Soomaaliya

“Waxaan diirada aad u saarnay baahida loo qabo hay’ado xooggan oo amni wanaagsan keeni kara, dhalin da’yar oo tababar fiican leh, si ay u helaan shaqooyin iyo doorka ganacsi oo ay shaqooyin ku soo saari karaan iyo fursado iyo sidoo kale caqabado annaga nagu soo wajahan” ayuu Keating ku daray hadalkiisa

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jubbaland, Fariid Jama Saleeban ayaa soo dhaweeyay booqashada SRSG iyadoo horumarka arrimaha dhaqaalada ee Jubbland kor u sii socda

“Waxaan kala hadalnay meelaha ay tahay in nalaga taageero oo ku saleysan baahideena. Tani waa bilow waxaana rajeyneynaa in wax badan oo wanaagsan ka soo bixi doodaan kulankan,” ayuu yiri Mr. Saleban.