UNSOM oo tababar la xiriira tabinta doorashooyinka u billowday suxufiyiin

Wariyaal Soomaali ah oo ka qeybglaya tababar ku saabsan qaabka loo tebiyo hanaanka doorashooyinka 2016-ka, 21 Agoosto, Muqdisho. Sawir QM

22 Aug 2016

UNSOM oo tababar la xiriira tabinta doorashooyinka u billowday suxufiyiin

Hawlgalka Taakuleynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobey (UNSOM), ayaa billaabay tababarro tixane ah oo warfidiyeenka gudaha lugu barayo qaabka loo tabiyo wararka la xiriira hannaanka doorashooyinka lugu wado in ay dhawaan dalka ka qabsoomaan.

Lugta 1-aad ee tababarradan labada maalmood soconaya ayaa maanta lugu soo gebagabeeyey magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in tababarro kale oo nuuciisa ah lagu qabto magaalooyin ay ka mid yihiin Baydhabo, Kismaayo, Cadaado, Beledweyne iyo Garoowe.

Afhayeenka UNSOM Joseph Contreras ayaa ku tilmaamay hannaanka doorashada 2016, mid ka mid ah doorashooyinkii ugu murugsanaa ee waayadan la qabto, asagoo carrabka ku dhuftay in tababarrada caynkaan ah ay gacan ka geysanayaan fahamka hannaankan ugub.

Afhayeenka wuxuu sheegay in Qaramada Midoobey ay u aragto hannaanka doorashada sannadkan mid dhabaha u xaareya  in doorasho qof iyo cod ah ay ka qabsoomaan Soomaaliya marka lagaaro sannadka 2020.

Qodobada lugu lafo guray aqoon-is-weydaarsigan waxaa ka mid ahaa,  tabo iyo xeelado ku qotoma tabinta wararka ku saabsan hannaanka doorashada, ammin tiriskeeda, doorka QM ay ku leedahay geeddi-socodka, iyo qabyo-qoraalka hab-dhaqanka suxufiyyinta.

Contreras wuxuu intaas ku daray in ay QM taageero saad, mid farsamo iyo xeel-dheeri siyaasadeed u fidineyso Kooxda Fulinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federal (FIEIT), iyo Kooxaha Fulinta Doorashooyinka Dadban ee Dowlad Goboleedyada (SIEITs), marka ay u baahdaan in laga caawiyo fulinta hawlaha loo igmaday.

Qaar ka mid ah wariyeyaasha ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsigan oo halkaas ka hadlay ayaa farta ku fiiqay meelaha ay filayaan in caqabado ka soo foodsaaraan, inta lugu gudojiro tabinta wararka doorashooyinka.

Bishara Cabdirasahid Axmed ayaa ka hadashay baahida loo qabo il wareed sugan oo warfidiyeenku ugu hagaagi karaan xogta doorashada, gaar ahaan marka la gaaro codbixinta doorashada baarlamaanka iyo madaxweynaha.

“Qof ahaan, waxaan filayaa in aan wax ka barto habka loo tabiyo wararka doorashada maadaama aan ku lug yeelanayo. Waxayse caqabad ka taagan tahay cidda warfidiyeenka siineysa wararka iyo macluumaadka kale ee loo baahdo, iyo sidoo kale cidda go’aanka rasmiga ah leh marka ay noqoto arrimaha doorashada,” ayey tiri Bishara.

“Waxaan ka qaybqaatay tabinta doorashadii 2012, waxaana rajeynayaaa in sannadkan uu sidii hore ka fiicnaan doono,” sidaas waxaa tiri wariye Muna Maxamed Geeddi oo intaas ku dartay “Maadaama doorashooyinka lugu kala qabanayo magaalooyin badan oo Muqdisho aysan ku sinnayn, warbaahintu waa in ay karti u yeelato tabinta  hannaanka.”

Si ka duwan hannaaankii doorasho ee 2012, codbixinta sannadkan oo ay ka qaybgalayaan Soomaali badan, waxay ka dhacaysaa magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka qaarkood.

“Qaybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed ayaa ku lug leh hannaanka doorashada ee soo socda,” sidaas waxaa yiri wariye Faarax Abdi Warsame, oo intaas raaciyey, in maadaama hawlaha doorashadu ay xilligan ka dhacayaan Lix dowlad goboleed islamarkaana xubnaha baarlamaanka ay soo dooranayaan dadweyne badan, la is oran karo wax badan ayaa iska beddelay doorka bulshadu ku leeyihiin siyaasadda dalka.

Tababarkan waxaa soo qabanqaabiyey Kooxda Xiriirka Istiraatijiyadda iyo Arrimaha Dadweynaha ee UNSOM, waxaana looga golleeyahay in warfidiyeenka laga dhiso dhanka xirfadaha lamahuraanka u ah warinta geeddi-socodka doorashooyinka dalka.