Madaxda Booliska oo ansixiyey manhaj midaysan oo lagu tababarayo booliska cusub ee Soomaaliya

12 May 2017

Madaxda Booliska oo ansixiyey manhaj midaysan oo lagu tababarayo booliska cusub ee Soomaaliya

Muqdisho – Madaxda booliska ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa ansixiyey manhaj cusub oo loogu talagalay qorashada boolis cusub.

Manhajka midaysan ayaa loo adeegsan doonaa koorsooyinka tababarka ee dalka oo idil si loo horumariyo heerarka xirfadeed ee hay’adaha dhaqan-gelinta sharciga.

Madaxda booliska ayaa saxiixay heshiis si rasmi ah u meelmarinaya manhajka mar Kooxda Shaqeysa ee Booliska ay kulan ku laheyd caasimadda Muqdisho 11-kii May 2017.

Waxaa kulanka ka qeybgalay saraakiil sar-sare oo ka tirsan Booliska Soomaaliya, wakiillo sar-sare oo ka tirsan booliska Galmudug, HirShabeelle, Puntland iyo Koonfur Galbeed, hay’adaha Qaramada Midoobay, Hawlgalka Awood-kobcinta Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUCAP), Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo beesha caalamka.

“Manhajka cusub ee tababarka booliska cusub ee la ansixiyey maanta wuxuu si wayn waxtar ugu leeyahay booliska iyo cid kasta oo daneyneysa sharciga iyo kala dambeynta,” ayuu yiri Kornayl Aadan Axmed Cabdi ‘Baarriyow’, Madaxa Tababarka Booliska ee gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose oo ka wada tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Wuxuu sharraxay in manhajka cusub uu ka caawin doono booliska inay soo celiyaan sharciga kala dambeynta ee Dowladda Federaalka iyo Maamullada Federaalka.

Guddiga Horumarinta Xirfadda Booliska ayaa soo saaray manhajka cusub iyagoo u maray dadaal wadajir ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada iyadoo taageero laga helayay beesha caalamka, sida Mashruuca Qaramada Midoobay ee Sharciga Kala Dambeynta, Mashruuca EUCAP ee Soomaaliya iyo AMISOM. Ansixinta manhajka ayaa timid ka dib Heshiiskii Siyaasadeed ee 16-ka Abriil 2017 ee ku saabsanaa Naqshadda Amniga Qaranka ee ay gaareen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ iyo madaxweyneyaasha maamul goboleedyada.

Heshiiska ayaa sidoo kale yimid isla maalintii Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu u sheegay wufuuddii ka qeybgalaysay shirka arrimaha Soomaaliya ee London in “la joogo waqtigii la samayn lahaa hal barnaamij oo lagu tababarayo ciidanka Soomaaliya iyo Booliska Soomaaliya, iyadoo halkaas barnaamij ee tababar ay tahay inay hoggaamiyaan hay’adaha Soomaaliyeed.”

Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed, oo ah Ku Xigeenka Taliyaha Booliska ee Dowladda Federaalka, ayaa ka codsaday bahwadaagta horumarka ee Soomaaliya inay siiyaan booliska Soomaaliyeed agabka ay u baahan yihiin si ay u gutaan waajibaadkooda. Wuxuu sidoo kale ku baaqay dayactirka saldhigyada booliska ee dayaca ka muuqdo.

“Tababaridda iyo horumarinta awoodda qofka micnaheedu ma aha inuu u gudanayo hawsha sidii loo rabay haddii uusan qalab haysan. Tabar aan la qalab la socon wax macno ah ma la laha,” ayuu xusay Jeneraal Bashiir.

Madaxa Booliska Qaramada Midoobay Christoph Buik ayaa sheegay in ansixinta manhajka ay tahay tallaabo loo qaaday jihada saxda ah marka laga hadlayo dib u habaynta waaxda ammaanka.

“Waxaan jeclaan lahayn inaan xaqiijinno in dhammaan askarta booliska Soomaaliyeed ee mustaqbalka ay qaadan doonaan hal tababar dalka oo dhan. Wax farqi ah uma dhaxeeyo hadduu askariga ka hawlgalo maamul goboleedyada ama dowladda Federaalka. Tababarku wuxuu mar kasta ahaan doonaa mid isku mid ah. Tanina waa tallaabo wayn oo horey loo qaaday,” ayuu sheegay Buik.