Qoraalka shirkii jaraa’id ee wadajirka ahaa ee Xoghayaha-guud ee QM uu qabtay gebegebadii Shirweynaha London ee arrimaha Soomaaliya

11 May 2017

Qoraalka shirkii jaraa’id ee wadajirka ahaa ee Xoghayaha-guud ee QM uu qabtay gebegebadii Shirweynaha London ee arrimaha Soomaaliya

Shir jaraa’id oo gebegebadii Shirweynaha London ee Arrimaha Soomaaliya uu Xoghayaha-Guud wadajir ula qaatay Boris Johnson, Xoghayaha Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqa-sooranka ee Boqortooyada Midowday ee Britain iyo Woqooyiga Ireland, iyo Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Marka hore waxaan aad ugu mahad-celinayaa Dowladda Boqortooyada Modowday ee UK, , iyo Boris Johnson, oo marti-geliyay shirweynahan, iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo abuuray jawigii siyaasadeed ee suurto-geliyay in shirweynahan qabsoomo.

Shirweynahani wuxuu ahaa guul dhamaystiran. Shirweynahani wuxuu abuuray jawi looga faa’iideysto fursadda. Fursad aanan lumin karin. Fursad ay Soomaaliya uga baxayso tobaneeyo sano oo colaado, saboolnimo, iyo dhibaatooyin ba’an ay kusoo jireen dadka Soomaaliyeed. Fursad looga adkaanayo argagixisada laguna dhisayo nabad. Fursad lagu dhisayo hay’adaha qaranka Soomaaliyeed, dhidibbadana loogu aasayo geedi-socod dhaqaale oo caafimaad leh iyo horumar bulsho.

Fursaddani waa mid suurto-gal ah sababtoo ah Soomaaliya waxay leedahay Madaxweyne Dowlad oo leh istiraatiijiyad iyo qorshe-hawleed caqli-gal ah oo mudan taageerada beesha caalamka. Laakiin hadda, si aan fursaddaas loo lumin, beesha caalamku waa inay isku timaadaa oo si baaxad leh u taageertaa Soomaaliya.

Marka hore, waa in laga jawaabaa codsiyada lagu kordhinayo kaalmada bani’aadanimo, si wax looga qabto caqabadda ugu weyn ee cunnada iyo amniga iyo cudurrada kajira dalka.

Marka labaad, waa in si buuxda loogu taageero Dowladda dhismaha hay’adaha qaranka, gaar ahaan, sida uu ka dhawaajiyay Xohayaha Arrimaha Dibadda, ciidanka xoogga dalka iyo ciidanka booliska qaranka oo la doonayo in loo dhiso hab isku xiran oo ku qotoma istiratiijiyadda Dowladda Soomaaliya.

Beesha caalamku waxay sidoo kale u baahantahay - ka-hor inta hay’adaha qaranku ay awood buuxa ugu helayaan ilaalinta dadka Soomaaliyeed – beesha caalamku waa inay taageero xooggan oo la isku hallayn karo oo iskugu jirta dhaqaale iyo qalab ay siisaa AMISOM, Hawlgalka Midowga Afrika, oo si naf-hurnimo iyo geesinimo badan ula dagaallamayay [Al-] Shabaab, iyadoo AMISOM ay ku sugantahay marxalado adag ayay haddane abuurtay jawi lagu qabtay shirweynahan, loona helay fursaddan.

AMISOM waxay mudantahay taageero intaan ka xoog badan iyo taageero si aad ah la iskugu hallayn karo oo ka timaada beesha caalamka.

Ugu dambeyntii, waaxaa dhammaanteen aad noogu muhiimsan in aan taageerno Qorshaha Horumarinta Qaran ee Soomaaliya – si loo abuuro jawi ay arrintaasi ku suurto-gelayso – iyadoo loo marayo dhamaan heshiisyada/hanaanka wada-shaqaynta horumarineed, oo ay ka mid yihiin hababka farsamo ee lagama maarmaanka ah ee la diyaarinayo iyo damaanad-qaadka sii-joogtaynta hawlaha, oo ay ka mid tahay geedi-socod waxtar leh oo lagu cafiyo deymaha.

Haddii beesha caalamku ay wax ka qabato caqabadaha jira, waan hubaa in fursaddani aanay lumi doonin waana hubaa in Soomaaliya ay tusaale u noqon doonto guusha aan uga baahannahay dunidan qasan.

Su’aal kusaabsan tababarka ciidanka xoogga dalka iyo ciidanka booliska Soomaaliya.

Xoghayaha-Guud: Waxaan u maleynayaa waxa ilaa iyo hadda aan aragnay ee ka-socda Soomaaliya inay yihiin dadaallo kala duwan oo waddamo kala duwan ay ku bixinayaan manaahij tababar oo kala duwan oo lagu qabto goobo kala duwan oo dalka ka mid ah. Taasina waxay horseedi kartaa burbur, mana ahan qaab ay ku dhismayaan ciidan qaran iyo boolis qaran oo dhab ah.

Waxay ila tahay inay muhiim tahay inta shirweynahan lagu guda jiro in la isla garto inay lagama maarmaan tahay in la helo dadaal isku xiran oo lagu qabto tababarrada, iyadoo si dhow looga shidaal qaadanayo istiraatiijiyadda Dowladda, iyo qorshaha Dowladda, si loo dhiso hal ciidan, oo leh hal manhaj, oo leh isku xirnaanta iyo qaab-dhismeedka wadajirka ah ee ciidan u baahanyahay si ay awood ugu yeeshaan la-dagaallanka iyo ka-guul gaarista fallaagada iyo kooxaha argagixisada.

Hadda, hawlahaasi waqti ayay qaadanayaan, waa run. Waana taas sababta aan u aaminsannahay inay lagama maarmaan tahay intii laga gaarayo hawshaas, in lasii wado taageerada AMISOM. Laakiin ma ahan in hawshu kusii socoto sida ay hadda tahay: waxaan aaminsanahay in aan u baahannahay in aan xaqiijinno in taageerada la bixinayo loo baxsho hanaan waxtar badan leh oo la isku hallayn karo, loona abuuro AMISOM iyo ciidamada Soomaaliyeed jawi u suurto-gelinaya inay mustaqbalka dhow qaadaan weeraro iyo tallaabooyin muhiim u ah wiiqidda saamaynta Al-Shabaab ay ku leedahay, si gaar ah, koonfurta dalka.

Sidaas darteed, labada arrin wey isku xiranyihiin: isla waqtigaas, taageera AMISOM ilaa ay ka gaaraan marxalad ay hoos ugusii daadagaan oo lagu dhiso hay’adaha qaranka, ciidanka xoogga iyo ciidanka booliska, laakiin ay u dhacdo si isku xiran oo waxtar leh, oo aan ahayn tallaabooyin kala duwan oo ka dhaca goobo kala duwan, taas oo aan suurto gelin doonin dhismaha hay’adaha dalku u baahanyahay.