Madaxda Siyaasadda Soomaaliya oo kulmay si ay dib ugu eegaan horumarka habka doorashooyinka soo socda

24 Jun 2016

Madaxda Siyaasadda Soomaaliya oo kulmay si ay dib ugu eegaan horumarka habka doorashooyinka soo socda

Madasha Hoggaanka Qaranka (NLF) ayaa laga furay magaalada Baydhabo ee koonfur-gelbeed Soomaaliya si loogu gogol-xaaro  hanaanka doorashada ee Agoosto.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa arbacadii furay madasha seddaxda maalmood oo ay ku sugnaayeen madaxweynayaasha maamul-goboleedyada, saraakiil sare oo ka socday dowladda federaalka, xubno ka socday beesha caalamka iyo saaxiibada muhiimka ah ee xorumarinta Soomaaliya.

“Horumarinta siyaasadda waddanka annaga ayay nagu tiirsan tahay, adduunka wuxuu noogu yimid in uu na gargaaro markii ay shaqeyn waayeen nidaamkii amniga iyo sidoo kale waxay naga caawiyeen markii ay abaarta daran jirtay, iyo dib u dhiska wadankeena, laakiin laga soo bilaabo Janaayo 1991-dii caalamku marar badan ayay isku dayeen xasilinta siyaasadda dalka laakiin annaga ka Soomaali ahaan waa doorkeena in aan xaqiijino xasiloonida iyo horumarka siyaasadda. Horumarka siyaasadda maanta aad arkeynaa waa mid aan annaga keennay taas oo ay nagu taageerayeen dunida inteeda kale “ ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlaayay wafuuda madasha.

 Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, (SRSG) Michael Keating oo ku hadlayay magaca beesha caalamka ayaa sheegay muhiimada ay leedahay in la ilaaliyo xiliga doorasha.

 "Arrinta muhiimka ah waa waqtiga hadda, waxaana naga go’an in ay noqon doonto bisha Agoosto, laakiin waxaan u maleynayaa sidoo kale in habka saxda ah loo baahan yahay iyo waxaa laga yaabaa in la isku raaci waayo in waqtiga kama dambeysta ah iyo in la hubiyo in dhammaan arrimaha loo baahan yahay meel la isla dhigo "ayuu yiri Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating.

"Waxaa manta si aad ah noo dhiirigeliyay dhageysiga Madasha Hoggaanka Qaranka oo ku saabsanaa sidii loo hubin lahaa geeddi-socodka 2016ka, inkastoo ay tahay cod xaddidan, waxaa lagu salayn doonaa tiro ka mid ah hababka cad cad iyo in guddiyada la aasaasay, ee Guddiga Hirgelinta doorashooyinka heer federal iyo heer dowlad-goboleed, la xoojin doono si ay u qaataan go'aamo farsamo si loo hubiyo in geedi-socodka si fiican ay u hirgasho iyo in Madasha Hoggaanka Qaranka oo hawshooda taageeri doona sidoo kale xaqiijinaya in geeddi-socodka uu dhaco waqtigii loogu tala galay, "ayuu hadalkiisa raaciyay.

Madasha Hoggaanka Qaranka ee Baydhabo wuxuu daba-socdaa shirkii horay loogu qabtay Muqdisho horaantii bisha Juun. Madasha waxaa loogu tala galay in xal laga gaaro caqabadaha jira ee ku saabsan nidaamka fulinta doorashada ka hor habka doorashada baarlamaanka iyo madaxweynaha. Madasha ayaa la isku raacay in la abuuro guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed, oo ah guddi dusha kala socon doona nidaamka doorashada iyo inuu hubiyo in waqtiyada loo hoggaansamo.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa xaqiijiyay taageerada Qaramada Midoobay ee geeddi-socodka doorashada, laakiin wuxuu xaqiijiyay baahida loo qabo caddaalad iyo wadajir, gaar ahaan haweenka iyo dhalinyarada. Qaramada Midoobay waxay ku bixinaysaa nidaamka doorashada taageero dhinaca farsamada iyo saadka ah.