Soomaaliya oo marki ugu horeysay laga xusay Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubka Jinsiga ee Xiliyada Colaadaha

19 Jun 2016

Soomaaliya oo marki ugu horeysay laga xusay Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubka Jinsiga ee Xiliyada Colaadaha

 

WAR-SAXAAFADEED 15/2016

Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) ayaa maanta xusay Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubka Jinsiga ee Xiliyada Colaadaha. Xadgudubka jinsiga waa arrin dhab ah oo baahsan/faaftay oo fool-xun oo ay la kulmaan malaayiin haween ah iyo qoysaskooda, ayna kamid yihiin kuwa ku nool Soomaaliya.

“Xadgudubka jinsiga ee la xiriira colaadaha wuxuu ka mid yahay xadgudubyada halista ku ah xuquuqul insaanka iyo sharciga caalamiga ah ee xiliyada colaadaha. Waa wax laga xumaado in dambiyada wali kasii socdaan oo laga geysanayo meelo badan oo kamid ah Soomaaliya,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating. “Xadgudubka jinsiga waa in la joojiyaa. Waa in la dejiyo tallaabooyin wax ku ool ah oo lagusoo afjarayo (dhaqanka ku salaysan) in kuwa geysanaya dembiyada noocaas oo kale ah aan waxba loo raacanin, tallaabooyinkaas oo debiilayaasha lagu hor geynayo sharciga Soomaaliya.”

Sanadki 2015 gudihiisa, isbedelka xadgudubka jinsiga ee ku salaysan takoorka dhedig-labka iyo colaadaha la xiriira xadgudubka jinsiga ee ka jira Soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday in labadaas xadgudub ay walaac daran kusii noqonayaan hawlaha badbaadinta. Warbixinadu waxay shaaca ka qaadeen in 94% dhacdooyinka xadgudubyada jinsiga lala beegsado dumarka, taas oo xaqiijinaysa in haweenka iyo gabdhaha ay si gaar ah ugusii suganyihiin khatar.

Waxaa intaa sii dheer in 74% kuwa kasoo badbaada ay yihiin dadka barakacayaasha ah, taas oo sii xoojinaysa xaqiiqada ah in dadka barakacayaasha ah ay sii noqonayaan kuwo aad u nugul, ayna u baahanyihiin badbaadin dheeraad ah.

Sidoo kale, maalinta 19aad ee Juun waxay aqoonsanaysaa muhiimadda ay leedahay in gargaar waqtigiisa aan dhaafin iyo helitaanka taageero dawo, mid sharciyadeed/qareen, mid nafsaani ah (psychosocial), mid dhaqaale iyo mid bulshaba la siiyo kuwa kasoo badbaada xadgudubka jinsiga, iyo muhiimadda ay leedahay sare u qaadidda in xaalkooda caadi lagusoo caliyo oo aan la faquuqin. Sidaas darted, Ergeyga Gaarka ah wuxuu ugu baaqayaa madaxda Soomaaliyeed inay dejiyaa tallaabooyin/qorsheyaal lagu xaqiijinayo sidi loo fidin lahaa adeegyadaas, dib u eegisna loogu samayn lahaa loona horumarin lahaa sharciga iyo nidaamka lagu xoojinayo isla-xisaabtanka iyo badbaadinta dhibanayaasha iyo markhaatiyaalka.

“Sidoo kale, maanta waa maalin lagu maamuusayo dhibanayaasha iyo kuwa kasoo badbaaday xadgudubka jinsiga, laguna bogaadinayo dhamaan kuwii sida geesinimada leh nafsaddooda ugu huray noloshoodana ku waayay iyagoo u taagan ciribtirka fal-dembiyeedyadan,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating.