Madaxweyne Xasan oo ugu baaqay haweenka in ay wax ka qaabeeyaan mustaqbalka dalka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaya shir qaran oo ku saabsan haweenka Soomaaliya  iyo hanaanka doorashoyinka 2016, Moqdisho, 22 Sebteember 2016. UN Photo.

 

22 Sep 2016

Madaxweyne Xasan oo ugu baaqay haweenka in ay wax ka qaabeeyaan mustaqbalka dalka

Haweenka Soomaaliyeed ayaa billaabay  “Olole Haweenku u Dhan Yihiin’ oo ah dadaal qaran oo la doonayo in lagu helo qoondada 30 boqolkiiba ee haweenku ku leeyihiin kuraasta labada aqal ee baarlamaanka federaalka ee soo socda.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daahfuray ololaha mar uu ka qaybgalayay shir heer qaran ah oo arrimaha haweenka looga arrinsanayay, kaas oo Khamiistii lagu qabtay Muqdisho.

“Waxaan doonaynaa geeddisocod doorasho oo xor ah sidoo kalena caddaalad ah, kaas oo hanan kara kalsoonida iyo ogolaanshaha shacabka. Waxaan rabnaa in shacabka ay ku kalsoonaadaan madaxda ay doorteen. Dalkeenna wuxuu wajahayaa caqabado gaar ah. Wali ma gaarsiisnin heerkii la rabay, balse waxaan haynaa dhabbihii saxda ahaa ee aan wanaagga ku gaari lahayn,” ayuu Madaxweyne Xasan ku yiri khudbaddii uu u jeediyay haweenka.

Iyadoo ka hadlaysay shirka, wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee dowladda federaalka, Marwo Sahra Maxamed Cali Samatar, ayaa ugu baaqday haweenka in ay abaabulaan haween badan oo musharraxiin ah oo u loollama kuraasta baarlamaanka.

“Sanadaha soo socda, haweenku waxay awood u yeelan doonaan in ay u tartamaan kursiga Afhayeenka Baarlamaanka,” ayay tiri Wasiir Sahra.

Haweenka ka qaybgalayay shirka oo ka kala socday dowlad goboleedyada, ururrada bulshada rayidka ah iyo kuwa haweenka, ayaa isku raacay in nidaam xog-kaydin ah loo sameeyo haweenka musharraxiinta ah lana xaqiijiyo in loo diiwaangaliyo boosaska loo doortay. Kulanka halka maalin socday ee lagu qabtay caasimadda ayay sidoo kale haweenka ku go’aansadeen in ay xoojiyaan dadaallada looga dhaadhicinayo odayaasha qabaa’ilka meelmarinta qoondada 30 boqolkiiba ee ay haweenku leeyihiin.

“Farxadda ka muuqata wajiyadeenna waxay marag ka tahay sida aan maqsuud uga nahay guulaha la gaaray iyo libinta ay gaareen haweenka Soomaaliyeed. Madashan ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, waxaan ku soo bandhigaynaa sidaan raalli uga nahay go’aamada Madasha Hoggaanka Qaranka ee la xiriiray qoondada haweenka ee 30 boqolkiiba,” ayay tiri Batuula Axmed Gaballe, ku xigeenka guddoomiyaha guddiga Danjireyaal Sharafeedka arrimaha haweenka, oo sidoo kalena ah Guddoomiyaha Ururka Qaranka Haweenka Soomaaliyeed, mar ay la hadlaysay haweenka ka qaybgalayay shirka.

Soomaaliya ayaa diyaar u ah in ay billowdo geeddisocodka doorasho ee 2016, kaas oo soo dooran doona xubnaha baarlamaanka federaalka ee cusub, kuwaas oo markaas kaddib u codayn doona musharraxiinta madaxweynenimo dabayaaqada Oktoobar.

Qabsoomidda shirka waxaa gacan ka gaysatay Qaramada Midoobay, wuxuuna shirka soo jiitay haween damacsan in ay u tartamaan baarlamaanka, kuwaas oo ka kala yimid afarta dowlad goboleed ee dhisan iyo kuwa dhismaya ee Galmudug, Koonfur-galbeed, Puntland iyo Jubaland iyo sidoo kale gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.