U diyaargarowga doorashooyinka Soomaaliya ee 2016 oo si xawli ah ku socda

Taageere sita boorka ololaha Subeyda Maxamed Malak Mukhtar oo u sharaxan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka, Baydhabo, Soomaaliya Sebteembar 21, 2016. UN Photo 

21 Sep 2016

U diyaargarowga doorashooyinka Soomaaliya ee 2016 oo si xawli ah ku socda

U diyaargarowga geeddisocodka doorashooyinka 2016 ayaa sii siyaaday xilli Soomaaliya ay isu diyaarinayso in ay doorato wakiillada baarlamaanka iyadoo doorashooyinka lagu soo khatimi doono tan madaxweynaha oo dhici doonta dabayaaqada Oktoobar.

Musharraxiinta dooran doona xubnaha aqalka hoose ayaa durba ololahooda si xawli ah u billaabay iyagoo taageero ka raadsanaya odayaasha qabaa’ilka, hoggaamiyeyaasha diinta iyo xubnaha kale ee saamaynta leh ee ka mid ah bulshada.

Booqasho qaar ka mid ah magaalooyinka waa wayn ee dalka ayaa muujinaysa u diyaargarowga geeddisocodka doorashada oo maraya heerkiisii ugu sarreeyay.

Magaalada Baydhabo, musharraxiinta u loollamaysa kuraasta kala duwan ee baarlamaanka ayaa boorar surtay hareeraha waddooyinka iyagoo dadaal ugu jira in ay hantaan taageerada odayaasha qabaa’ilka iyo ergada kooxaha doorashada.

Subayda Xaaji Mukhtaar oo ah haweeney u sharraxan xildhibaannimo, ayaa isu diyaarinaysa doorashada. Subayda oo ku cusub masraxa siyaasadda, waxay sheegtay in haddii la doorto ay mudnaan siin doonto arrimo ay ka mid yihiin waxbarashada, shaqo abuurista iyo caafimaadka haweenka.

Haweeney kale oo musharraxad ah laguna magacaabo Samra Ibraahim Cumar ayaa sheegtay in qoondada 30 boqolkiiba ee looga qoondeeyay haweenka labada aqal ee baarlamaanka federaalka, ay ka mid tahay waxyaabaha ku dhiirrgeliyay in ay ku biirto siyaasadda, waxayna ugu baaqday haweenka in ay u babacdhigaan qabashada hoggaanka sare ee dalka.

Sida uu sheegay Siid Cali Abuukar, Ku xigeenka Madaxa Diiwaangelinta ee Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Gobol, diiwaangalinta ergada kooxaha doorashada ee Maamulka Koonfur-galbeed, ayaa ku socota si habsami leh.

“Waxaan durba barnay odayaasha dhaqanka nidaamka soo xulista ergada. Waxaan sidoo kale helnay liisaska ergooyin badan oo beelahooda ka soo dhex dooran doona  xubnaha baalamaanka. Guddiga wuxuu si joogto ah u hubiyaa ergada la soo gudbiyay si loo xaqiijiyo in nidaamka lagu heshiiyay la raacay,” ayuu yiri Siid.

Xeerarka hannaanka doorashada waxay qeexayan 275 kooxood oo doorasho oo kooxdiiba ay ka kooban tahay 51 xubnood ay soo dooran doonaan xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka. 16 ka mid ah 51-ga ergo waa inay noqdaan haween, 10 kalena dhallinyaro halka 25-ka haray laga soo dhex xuli doono beesha guud, oo ay ku jiraan xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

Baarlamaannada maamul goboleedyada ayaa soo dooran doona inta badan 54-ta xubnood ee aqalka sare ee baarlamaanka.

Suldan Warsame Suldaan Caliyow Ibrow oo ka mid ah 135-ta odayaal dhaqameed ee u xil saaran soo xulista ergada ka mid noqonaysa kooxaha doorashada, ayaa sheegay in ahmiyadda ugu wayn la saaray sidii loo xaqiijin lahaa in qoondada haweenka ay ku leeyihiin baarlamaanka la helo.

“Odayaasha dhaqanka waxay soo dhoweeyeen dadaalka ay beesha caalamka, Dowladda Federaalka iyo Madasha Hoggaanka Qaranka ugu jiraan qoondada 30 ee loogu talagalay haweenka. Sidaas awgeed, saddex kursi oo  kasta oo loo qoondeeyay qabiil kasta, hal ka mid ah waxaa si toos ah ugu loollamaya haween kaliya,” ayuu sharraxay Suldaan Ibrow.

Siid wuxuu kaloo sheegay in la cayimay goobaha ay kooxaha doorashada ku kulmi doonaan, amni ku filan-na la diyaariyay.

“Goobaha doorashada iyo qorsheyaasha amniga waa la xaqiijiyay. Madaxda Maamulka Koonfur-galbeed waxaa ka go’an in ay xaqiijiyaan in la qabto doorashooyinka. In kastoo caqabad dhanka waqtiga ah ay jirto, wax kasta waxay u socdaan sidii loogu talagalay. Aad ayaan ugu rajo wayn nahay in aan qabsan doonno doorashooyin guulaystay,” ayuu raaciyay.

Marka loo yimaado Muqdisho, madaxa guddiga federaalka ee loo xil saaray maamulidda geeddisocodka doorashada ayaa bixiyay ballanqaadyo in hannaanka uu ku socon doono sidii loogu talagalay, in kastoo ay wali jiraan arrimo aan wali xal laga gaarin.

“Hannaanka doorashada waa mid wali ku socda jadwalkii loogu talagalay, arrinta la xiriirta samaynta guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka waa la xalliyay balse waxaa wali jira arrimo kale oo aan la xallin. Tusaale, in ciidamo ka tirsan AMISOM la geeyo Cadaado, u diyaargarow la’aanta Somaliland ee doorashooyinka iyo cayimidda xarun doorasho ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Caqabadahaasi waa kuwo farsamo oo u baahan go’aamo siyaasadeed, waana la tixgelinayaa,” ayuu yiri Cumar Maxamed Cabdulle, Guddoomiyaha Guddiga Federaalka ee Hirgalinta Doorashada Dadban, oo hadlayay mar uu booqanayay dugsi boolis oo ku yaalla Muqdisho.

69 xildhibaan federal ayaa lagu dooran doonaa Baydhabo, halka 206-da harsan lagu dooran  doono Garoowe, Kismaayo, Muqdisho, Cadaado iyo goob aan wali la cayimin oo ku taalla Hiiraan ama Shabeellaha Dhexe.

Ergo wadartoodu tahay 14,025 oo laga soo kala xulay qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ayaa soo dooran doona 275-ta xildhibaan ee aqalka hoose ee baarlamaanka.