Maqaal – Xarunta Dhalinyarada Baydhabo oo soo martay keyd beereed, gabbaad maliishiyo, meel lagu soo dejiyo qaadka, ilaa xarun dhallinyaro Soomaaliyeed

10 Aug 2024

Maqaal – Xarunta Dhalinyarada Baydhabo oo soo martay keyd beereed, gabbaad maliishiyo, meel lagu soo dejiyo qaadka, ilaa xarun dhallinyaro Soomaaliyeed

Baydhabo – Xarunta Baidoa Youth Hub waxaa ay ku taallaa halka ay ku dhammaato Waddada Wakaalladda Biyaha ee wadnaha magaalada Baydhabo. Albaabkeeda hore markaad eegto, waxaa mar walba qulqulaya dhallinyaro Soomaaliyeed oo tiro badan.

Tamashlahooda deggan iyo dhoolla-caddeyntooda ayaa la jaanqaadaya rinjiga cusub iyo dhirta iyo dhismaha sida wanaagsan looga shaqeeyey ee ay ku yaallaan tas-hiilaadka casriga ah ee Xaruntu leedahay. Kuwaas oo ay ka mid yihiin qolal loogu talogaley tababarrada tiknolojiyada oo casri ah, maktabad agab badan uu yaallo, garoon kubadda cagta lagu ciyaaro, qol lagu shiro iyo meel lagu qaxweeyo.

Xaaladda ay hadda ku sugan tahay – iyo waxa hadda loo adeegsado dhismaha – aad bay uga duwan yihiin qaskii horey u soo marey.

“Goobtan waxay soo martey dhibaatooyin kala duwan ka hor inta aaney noqon Xurunta Dahalinyarada Baydhabo ee hadda soo ifbaxaysa – dhab ahaantiina waxay ahaayeen dhibaatooyin mug weyn,” ayaa uu yiri Cabdicasiis Cabdiraxmaan Maxamed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga (MoYS) ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, oo ay magaalada ugu weyni tahay Baydhabo.

“Markii hore 1970-yadii ayaa dowladdii dhexe ee Soomaaliya ay u dhistey in ay bakhaar u noqoto adeegyada horrumarinta beeraha,” ayaa uu sii raaciyey. “Laakiin, markii uu dagaalku dhacay horraantii 1990-yadii ka dibna ay dowladdu dhacdey, waxaa ay gacanta u gashey maliishiyaad hubeysan. Ka gadaalna waxaa ay soo noqotey meel ay deggan yihiin maliishiyaad qabiil iyo goob lagu soo dejiyo qaadka.” 

Waqti adag

Markii ugu horreysey, ma caddeyn in dhismuhu uu mar kale intuu dib ugu soo noqdo gacanta rayidka si sharci ah loo adeegsan doono.

“Waxaa qabsadey maliishiyaad, iyo dad ganacsato ah, ka dib markii uu dagaalka sokeeye qarxay. Laakiin waxaa  horraantii 2000-meeyadii dib u soo celiyey kooxo dhallinyaro abaabulan oo ka jira Baydhabo,” ayaa uu yiri Mudane Cabdicasiis. 

Kooxaha dhallinyarada ah ayaa qalqaaliyey dadkii dhex degganaa iyo dad kale oo saameyn leh si dib loogu habeeyo oo laga dhigo meel ay dadweynuhu ku dheefsadaan.

Bilowgii hore, ururro aan dowli ahayn oo maxalli ah, sida Kanava Youth Development Organisation (KYDO) ka dibna WARDI Relief and Development Initiatives, ayaa in ka badan 15 sano maamulayey dhismaha oo markaa ahaa xarun dhallinyaro, waxayna u isticmaalayeen goob ay ku qabsadaan shaqada ay bulshada u hayeen. 

Laakiin, markii ay ka baxeen dadkii horey u degganaa, xaaladda dhismaha waxay ahayd mid liidata oo lagu tilmaami karey wax burbursan oo gudaha iyo dibaddaba ay ka muuqdeen burburkii sababay colaaddihii sanadahas jirey.

Haseyeeshee, ka dib markii taageero laga heley Barnaamijka Qaramada Midoobey ee Horumarinta (UNDP), ayaa dhismaha la dayactirey oo loo beddeley qaab ka horreeyey oo u dhow kan hadda ay u dhisan tahay – xarun ay deggan yihiin ururrada bulshada ka jira Baydhabo, ee caawiya dhallinyarada iyo bulshooyinka nugul. 

“Markii aan dib u soo celinney ma ahayn mid la isticmaali karey. Nasiib wanaag, UNDP ayaa dayactirtey dhismayaashii horey ugu yaalley waxaana ay ku dartey musqulo cusub,” ayaa uu yiri Mudane Cabdicasiis.

Bishii Nofembar 2015kii, ka dib markii Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed si rasmi ah loo dhisey, xukuumaddiisu waxaa go’aansatey in dib loo soo celiyo hantidii umadda ee ku jirey gacanta shakhsiyaad. Kuwaas waxaa ka mid ahaa dhismaha  hadda ku taallo xarunta dhallinyarada. 

“Waxaan sanadkii 2018kii kala wareegney ururro maxalli ah waxaana bilowney in aan hay’ado badan ka raadsanno taageero si looga dhiso xarun cusub oo lagu tababaro dhallinyarada. Nasiib wanaag, UN-Habitat ayaa ka soo jawaabtey codsigeenna oo naga caawisey dhisidda Xarunta cusub ee Baidoa Youth Hub iyada oo na siisey maaliyad aan wax ku bilowno,” ayaa uu yiri Mudane Cabdicasis.

Xarunta waxaa dhisey barnaamijka Qaramada Midoobey ee Degsiimooyinka Dadka / United Nations Human Settlements Programme (UN-Habitat) iyada oo qayb ka ahayd mashruuca the Youth and Urban Regeneration Somalia (YOURS) ee beegsanaya in la sii wanaajiyo xirfadaha dhallinyarada degaanka, oo ay dhaqaalihiisa bixisay Dowladda Sweden.

Waxaa xarunta la furey bishii Sebtembar 2023kii – is-beddelkii lagu sameynayey waa la dhammeystirey, laakiin is-beddelka ay ku sameyneyso nolosha dhallinyarada reer Baydhabo ayaa la filayaa in uu sii socdo sanado badan.

“Xarunta dhallinyarada ee cusub ee loogu talogaley dhallinyarada waxaa loo nakh-shadeeyey qaab la isku dhexgelin karo tas-hiilaad iyo adeegyo wax ka qabanaya baahiyaha dadka dhallinyrada ah ee ku nool Baydhabo sida goobo bedqab, isboorti, kor-u-qaadista xirfadaha, shaqo-helid, iyo talo-siin iyo hagid. Xarunta dhallinyarada waxaa ay bixin doontaa adeegyo kala duwan iyo barnaamijyo tababareed oo loogu talogaley shaqo-helidda iyo maciishadda, dimuqraadiyadda iyo nabad-dhisidda, caafimaadka iyo fayoobida, iyo isboortiga iyo madaddaalada,” ayaa ku qoran website Xarunta.

Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa maareysa xarunta waxaana, iyada oo ay ka wareegatey wax ka yar sanad tan iyo markii la furey, ay Xarunta durba raad mug leh ku yeelatey nolosha boqollaal dhallinyarada degaanka ka mid ah. 

“Waxaan halkaan u imid in aan ka qaybgalo tababarkan nabad-dhisidda ee ay qabanqaabisey Wasaaradda – maanta un ayuu bilowdey, waxaana rajeynayaa in uu kor u qaadi doono aqoonta aan u leeyahay yareynta halista iyo maareynta khilaafaadka,” ayaa ay tiri Faadumo Aadan, oo ah gabar da’ yar oo dhowaan ka qaybgashey aqoon-is-weydaarsi saddex maalmood soconayey. 

“Waxaan ku faraxsanahay in aan xirfadaha aasaasiga ah ee kombuyutarka ku bartey xarunta Baidoa Youth Hub. Waxaan Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo hay’adaha maaliyadda siiya, uga mahadcelineynaa in ay noo fududeeyeen barnaamijka xirfadaha nolosha – maanta ayaan dhaannaa shaley,” ayaa uu yiri Xuseen Cali, oo wiil dhallinyaro ah oo 21 sano jir ah isaga oo ka sii baxayey xarunta goor aan fogeyn.

Raadkeedu wuxuu gaarsiisan yahay meelo kala duwan. 

“Waxaan ka mid ahay dhallinyarada ka faa’iideysatey xarunta dhowaan la dhisey. Waxaan bartey xirfadaha ganacsi-abuurka,” ayaa uu yiri Zakariye Maxamed ah 20 sano jir. “Marka taas laga soo tagana, waxaan galab kasta imaadaa garoonkan kubadda cagta ee quruxda badan si aan kubadda ula ciyaaro asxaabteyda iyo saaxiibadeyda. Si fudud ayaa loo imaan karaa maaddaama ay xaruntu ku taallo bartamaha magaalada!” 

Saadaal cusub 

Dalkan oo dadkiisu ay 70 boqolkiiba yihiin dhallinyaro, ayaa ay ku badan tahay shaqo la’aanta, waaxda aan rasmiga ahayn ayaana ah isha ugu weyn ee shaqooyinka laga helo, xarunta Baidoa Youth Hub ayaa aasaasi u ahayd xallinta culeysyadan degaanka ka jira, intii uu socdey dhismaheeda iyo ka dib markii la dhiseyba.

Marka laga soo tago dhisidda xarunta, UN-Habitat waxaa ay maalgelisey mashruuc afar bilood soconayey oo hawsha lagu bilaabayey – mashruuca Youth and Urban Regeneration Somalia project – ka dib markii la dhisey xarunta. NGO maxalli ah, ururka Somali Youth Volunteers Association (SOYVA), ayaa hirgeliyey.

“Intii u dhaxaysey Oktoobar 2023 ilaa Febraayo 2024, ayaa xaruntu waxaa ay in ka badan shan boqol oo arday ku tababartey xirfado nololeed, oo ay ka mid yihiin nabad-dhisidda, akhris-qoraalka, xisaabta, xirfadaha kombuyutarka, ganacsi-abuurista, iyo shaqo-raadsashada. Waxaan UN-Habitat uga mahadcelineynaa xarunta cusub iyo maaliyadda ay ku bixisey tababarka xirfadaha. Waxaan sidoo kale SOYVA uga mahadcelineysaa shaqadii ay qabteen,” ayaa uu yiri Mudane Cabdicasiis.

Haseyeeshee, waxaa loo baahan yahay taageero kale oo lagu ballaariyo awoodda ay xaruntu u leedahay gacan-siinta dhallinyarada degaanka. Maaddaama culeysyo maaliyadeed ay haystaan wasaaradda MoYS, waa ay yar yihiin fursadaha kale ee lagagamaarmi karo taageero kale.

“Aqlabiyadda dhallinyarada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ma haystaan waxbarasho, shaqaaleyn iyo tababar, taas oo ku riixaysa in ay qaarkood ku biiraan kooxaha hubeysan ee ku lug leh gacan-ka-hadalka. Si taas loola dagaallamo, waxaan u baahannahay in la kordhiyo maaliyadda lagu bixiyo barnaamijyada dhallinyrada,” ayaa uu yiri Mudane Cabdicasiis, oo si toos ah dhabarka ugu ritey kormeeridda hawlgallada xarunta, isaga oo si joogto ah ula shaqeynaya agaasimaheeda, macallimiinteeda iyo ardaydeeda. 

Baaqa sarkaalka dowladda waxaa mid la mid ah ka dhawaajiyey NGO-yo maxalli ah.

“SOYVA ahaan, waxaan bah-wadaagta caalamiga ah ugu baaqeynaa in ay caawiyaan dhisidda kartida dhallinyarada iyo haweenka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyaga oo diiradda saaraya nabad-dhisidda, xirfadaha nololeed, iyo ganacsi-abuuridda xoojiya shaqo-helidda,” ayaa uu yiri maareeyaha barnaamijka kooxda dhallinyarada, Maxamed Cabdisalaam.

Taageerada QM 

UN-Habitat waa hay’adda QM u qaabilsan dhammaan arrimaha la xiriira magaaleynta iyo degsiimooyinka dadka. Waxaa ay la shaqeysaa bahwadaag si loo dhiso magaalooyin iyo bulshooyin loo dhan yahay, bedqaba, adkeysi leh oo waara taas oo looga tusaale qaatey xaqiiqda ah in magaaleyntu ay tahay xoog is-beddel wanaagsan ku keenaya dadka iyo bulshooyinka, yareeynta sinnaan-la’aanta, takoorka iyo saboolnimada.

Hay’addan QM ayaa in ka badan 30 sanadood si joogto ah uga shaqeyneysey waaxda magaalooyinka ee Soomaaliya. Waxqabadyada oo markii hore ku wajahnaa wax-ka-qabashada baahiyaha degdegga ah ee degaanka ayaa isu rogey dadaallo nidaamsan oo wax looga qabanayo horumarka waara ee magaalooyinka iyada oo loo marayo barnaamijyo iskudhafan oo degsiimo ku aadan. 

“Xarunta Baidoa Youth Hub waa maalgelin muhiim ah oo ay sameysey UN-Habitat si ay wax uga qabato culeysyada kala duwan ee haysta dhallinyarada Soomaaliyeed. Waxaa ay bixisaa waxbarasho, fursado shaqo, waxaana ay xoojisaa wadajirka bulshada, iyada oo door muhiim ah ka ciyaarta nabad-dhisidda, gaar ahaan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed gudihiisa,” ayaa uu yiri Sarkaalka Barnaamijka Dalka ee UN-Habitat Cabdiraxmaan Barkhadle.

“Xarunta ayaa bixisa goob amaan ah oo loo dhan yahay oo ay dhallinyarada ku kulmaan, ku wadaagaan fikirkooda, ayna kaga wada shaqeeyaan waxqabadyo waxtar leh,” ayaa uu hadalkiisa ku darey. “Tani waxaa ay gacan ka geysaneysaa yareynta halis ay u galaan in ay askareeyaan kooxaha xagjirka ah ama ay ku lug yeeshaan gacan-ka-hadal.”