Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada: 12 dhallinyaro Soomaali ah oo horseeday isbeddel iyo horumar

12 Aug 2024

Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada: 12 dhallinyaro Soomaali ah oo horseeday isbeddel iyo horumar

Muqdisho – Maanta waa Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada, oo ah munaasabad looga hadlayo arrimaha dhallinyarada adduunka looguna dabbaaldegayo kartida ay dhallinyaradu leeyihiin maadaama ay bah-wadaag yihiin bulshada caalamka ee maanta.

Iyadoo dadka Soomaaliyeed boqolkiiba 70 ay yihiin dhallinyaro, da'yarta Soomaaliyeed ayay waxay qayb weyn ka qaadan karaan horumarka dalkooda ka-dib tobannaan sano oo lagu soo jirey colaad iyo dagaalo sokeeye.

Si loo xuso munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay u dabbaaldegaysaa dadaallada iyo guulaha ay ku tallaabsadeen 12 dhallinyaro Soomaaliya ah kuwaas oo wax muhiim ah ku biirriyey dhinacyada kala duwan ee horumarka dalkooda, haddii aan in yar oo tusaale ah ka bixiyo meelaha ay wax ku biirriyeen waxaa ka mid ah waxbarashada, cadaaladda bulshada, deegaanka iyo horumarka bulshada. Waxqabadyadooda waxay muujinayaan sida dadka dhallinyarada ah ay u horseedi karaan horumar ayna wax ugu biirrin karaan adkeysiga bulshada.

Fanka iyo Dhaqanka | Cumar Cali Xassan

Cumar Cali Xassan, oo xiiseeya in uu u ololeeyo fanka iyo hiddaha dhaqanka Soomaaliyeed, ayaa jaceyl u qaaday gabeyada, suugaanka, iyo dhaqanka isaga oo wiil da'yar ah wuxuunna soo marey waayo-aragnimo uu la soo koray sida in uu dhegeysto barnaamijyo idaacadeed. In kastoo uusan lahayn raadraac faneed, haddana wuxuu waxbarashadiisa tacliinta sare ku qaatey warbaahinta iyo xiriirka caalamiga ah isagoo saaxadda fanka Soomaaliyeed ku soo galey wariyenimo iyo soo-saare ahaan. Hawlkarnimadiisa ayaa wuxuu ku gaarey in buuggiisa 'Fan iyo Fannaan,' la daabaco kaas oo ah bug gudbinaya sheekooyinka fannaaniinta Soomaaliyeed waanna buug muhiim u ah aqoonyahannada, oo ka tarjumaya dib-u-soo nooleynta lagu wado dhaqanka Soomaaliyeed ee hodanka ah. Sheekada oo dhammeystiran halkan ka akhriso.

Isbeddelka Cimilada | Maxamed Cukaash

Maxamed Cukaash, oo ah macallin iyo hal-abuure, ayaa wax-ka-qabanaya caqabadaha isbeddelka cimilada isagoo adeegsanaya hoggaaminta uu hoggaamiyo Machadka Cimilada iyo Deegaanka (ICE) ee Jaamacadda SIMAD. Isagoo aqoonsanaya baahida degdegga ah ee loo qabo horumar la joogteyn karo xilli ay jiraan arrimo amni iyo kuwo bani'aadamnimo, ayuu Cukaash wuxuu ku dedaallay awoodsiinta bulshooyinka Soomaaliyeed iyo u qareemaynta xallal hal-abuur ku saleysan. Marka la eego raadraaca waxbarashadiisa, oo ay ka mid yihiin diblooma macallinimo ah iyo shahaaddada mastarka ee culuunta horumarinta, ayaa waxay sii xoojinaysaa ballanqaadkiisa ee sii wanaajinta tayada nolosha bulshada. Isagoo adeegsanaya hindiseyaasha sida Rays Initiative iyo ICE, ayaa wuxuu kor u qaadaa adkeysiga cimilada. Wuxuu iskaashi iyo wada-shaqeyn la leeyahay daneeyayaal kala duwan oo ay ka mid tahay Qaramada Midoobay, si ay wax uga qabtaan isbeddelka cimilada ee ka jira Soomaaliya, iyadoo xoogga la saarayo muhiimadda ay leedahay hoggaanka degaanka si loo abuuro mustaqbal waara. Sheekada oo dhammeystiran halkan ka akhriso.

Warbaahin iyo Suxufinimo I Maryan Zeylac

Maryan Zeylac, oo ah gabar suxufiyad ah oo ka soojeeda Dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya, ayaa si weyn gacan uga geysatey metelaadda sii kordheysa ee ay haweenka ku yeellanayaan xirfadda warbaahinta, in kastoo ay ku wajahayaan caqabado badan deegaanka ay raggu ku badan yihiin. Waxay wax ka aasaastey madasha the Somali Media Women Association (SOMWA) si ay ugu qareemeyso gabdhaha suxufiyiin ah iyo xaqiijinta xuquuqdooda iyo bedqabkooda iyadoo la dhiirrigelinayo sinnaanta jinsiga ee warbaahinta. Inkastoo ay jireen haliso kaga imaanayay kooxaha sida Al-Shabaab oo ku khasbey in ay meel kale u wareegto, haddana Marwo Zeylac ayaa sii wada hiigsigeeda ee awoodsiinta gabdhaha ku hamineya in ay suxufiyiin noqdaan iyadoo u fidineysa tabbabar iyo shabakooyin taageero. Sheekada oo dhammeystiran halkan ka akhriso.

Waxbarasho | Cabdhullaahi Mire

Cabdhullaahi Mire, oo horey u ahaa qaxooti, ayaa noqdey qof u ololeeya waxbarashada iyo awoodsiinta qaxootiga, waxaana ku dhiirrigeliyay la kulankii uu la kulmey Hodan Bashiir, taas oo ku dhalisey in uu wax-ka-qabto sinnaan la'aanta waxbasharada ee ka jirta xerooyinka qaxootiga. Wuxuu aasaasey Xarunta Refugee Youth Education Hub (RYEH) sanadkii 2018, taas oo tan iyo waqtigaasna in ka badan 150,000 buugaag deeq ah u qaybisey ardayda xerooyinka qaxootiga Dhadhaab waxayna bilowday barnaamijyo waxbarasho oo kala duwan. Aqoonsiga uu Mudane Mire ku heley Abaalmarinta Caalamiga ah ee Nansen Refugee Award ee ay bixiso hay'adda UNHCR sanadkii 2023 ayaa muujinaysa sida ay uga go'an tahay in uu kor-u-qaado in dhallinyarada Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho, iyadoo xoogga la saarayo kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadan karto kobcinta nabadda iyo xasilloonida gobolka. Sheekada oo dhammeystiran halkan ka akhriso.

Caafimaadka iyo Wanaagga | Fardowsa Wehliye

Xiisaha qoto-dheer ay Fardowsa Wehliye u qabto badda, oo ku bilowdey carruurnimadeeda iyadoo ku nool magaalada Muqdisho, ayaa isku beddelay hiigsi ay kor ugu qaadeyso dabaasha, gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed, inkastoo ay jiraan caqabado dhaqan iyo kuwa bedqab. In kastoo caqabado la xiriira caado-dhaqameedka bulshada ay wajahayso, ayaya haddana waxay noqotey qof ku qalqaaliya bulshada dabaashu in ay tahay hab-nololeed, marka loo adeegsado caafimaad iyo awoodsiin ahaan. Waxay si firfircoon uga qaybqaadatey hindiseyaal lagu yareynayo dhacdooyinka maashoodka/qarqidda iyo sii wanaajinta xirfadaha dabaasha, gaar ahaan haweenka. Sarafkeeda ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah guulo waxbarasho oo dhinaca culuunta badda ah, oo wax ku biirrineya waxbarashada iyo horumarinta waaxda badda ee Soomaaliya, waxay dhammaan ku guuleysatay iyadoo la-dagaallamaysa fahamka khaldan ee laga haysto jinsiga iyo u-qareemeynta kheyraadyada loo baahan yahay iyo taageerada loogu talagalay haweenka dabaasha. Sheekada oo dhammeystiran halkan ka akhriso.

Nabad-dhisidda | Maxamed Sheekh Saciid Xaaji

Maxamed Sheekh Saciid Xaaji waa qof kaalin muhiim ah ka qaato u ololeyta nabadda Gaalkacyo, waxaa uu door muhiim ah ka qaatey dadaallada nabad-dhisidda xilli ay magaaladu ka jireen colaado taariikhi ah. Maxamed ka-dib markii uu waxbarashadiisa soo dhammeystay, wuxuu maamule ka noqdey Dugsiga hoose, dhexe iyo sare ee Waaberi (Waaberi Primary and Secondary School), oo caan ku ah guulaha uu ka gaarey dhinaca waxbarashada iyo dhiirrigelinta nabadda. Mudane Maxamed wuxuu si firfircoon u qabanqaabiyay bannaanbaxyo nabadeed iyo ololayaal wacyigelineed, oo xoogga lagu saarayo in dhallinyaradu ay ka qaybgalaan wadahadallada nabadda, gaar ahaan xilligii colaadaha 2015 iyo 2016. Waxa uu hoggaamiyaa dadaallo ay ka mid yihiin madasha wadahadalka ee 'Nabdoon' iyo ururka 'Peace and Development Forum,' oo ay ku mideysan yihiin dhallinyarada Galmudug iyo Puntland. Dadaalladiisu waxay gacan ka geysteen in ay aad u kordhaan ardeyda isku-qoreysa dugsiga iyo xasilloonida bulshadda, wuxuu kaloo qabanqaabiyay Bandhigga Buugaagta ee Galkayo Peace Book Fair si uu u kobciyo wadahadallada ku saabsan nabadda iyo isdhexgalka. Sheekada oo dhammeystiran halkan ka akhriso

Awoodsiinta Haweenka | Faadumo Cali Iimaan

Faadumo Cali Iimaan waa gabar u ololeysa bulshada oo wax ka aasaastey Ururka Xuquuqda Gabdhaha Soomaaliyeed (Somali Girls Rights Organisation - SGRO) ee Baydhabo, Soomaaliya, halkaasi oo ay kaalin muhiim ah ka qaadato awoodsiinta gabdhaha yaryar oo loo marayo waxbarasho iyo tabbabar mihnadeed. U heellanaanta ay u heellan tahay ilaalinta iyo awoodsiinta haweenka ayaa ku dhalatey iyadoo u shaqeynaysa NGO-ga caalamiga ah ee INTERSOS, laga bilaabo 2013 ilaa 2017. Inta ay hoggaaminaysay, SGRO waxaa ay ku guuleysatay in ay ka-faalo-qaado gabdho badan oo arday ah in laga qoro dugsiyada sare waxayna furtey xarun mihnadeed oo tabbabar xirfadaha aasaasiga ah loogu qabto haweenka da'yarta ah, oo intooda badan ah barakacayaal. Faadumo waxay aaminsan tahay isbeddelka wanaagsan ee ay waxbarashadu reebto waxayna si firfircoon taageero uga raadisaa maamullada degaanka iyo ururrada caalamiga ah si ay u sii wanaajiso kheyraadyada hindiseyaasheeda. Sheekada oo dhammeystiran halkan ka akhriso.

Deegaanka | Axmed Cabdi Cismaan ‘Faroole’

Axmed Cabdi Cismaan ‘Faroole’ waa 24-sano-jir u dhaqdhaqaaqo deegaanka Soomaaliya, oo loo aqoonsadey sida ay uga go'an tahay in uu wax-ka-qabto caqabadaha isbeddelka cimilada ee dalka ka jira. Waxaa uu ku dhashey magaalada Muqdisho xiligii dagaallada sokeeye, waxaa uu isaga oo yar ku baraarugay arrimaha deegaanka, waxaa uuna shahaaddada koowaad ee jaamacadda ka qaatey jaamacada Umadda Soomaaliyeed (Somali National University) oo uu ku qaatey culuunta beeraha iyo deegaanka. Dabayaaqadii sanadkii 2021-kii, waxaa uu aasaasey Ururka Somali Environmental Forum (SEF), oo ah urur aan dowli ahayn (NGO) oo ay dhallinyaro hoggaaminayso waxaanna diiradda lagu saarayaa isbeddelka cimilada iyo hirgelinta dadaallo ay ka mid yihiin dhir beeris ay ka hirgelinayaan magaalada Muqdisho. Mudane Axmed wuxuu si firfircoon ula tacaamulaa bulshada isaga oo adeegsanaya warbaahinta bulshada iyo warbaahinta caadiga ah si uu kor ugu qaado waxbarashada deegaanka oo uu u kobciyo wadahadallada ku saabsan arrimaha cimilada, iyadoo xoogga la saarayo doorka muhiimka ah ee ay dhallinyaradu ka qaadan karaan in Soomaaliya laga sameeyo isbeddelo wax-ku-ool ah. Sheekada oo dhammeystiran halkan ka akhriso.

Ka-mid-noqoshada Bulshada | Muna Maxamed Cabdi

Muna Maxamed Cabdi waa gabar Soomaaliyeed, da'yar, u ololeysa bulshada oo reer Kismaayo ah, waxay dhalatey sanadkii 1998, taas oo ka soo baxday caqabadaha ay wajahaan bulshooyinka la hayb-sooco ee Soomaaliya, gaar ahaan dhanka waxbarashada iyo u dhammaanshaha bulsho. Iyadoo taageero ka helaysa qoyskeeda, ayaa waxay sii wadatey waxbarashadeeda, waxayna qaadatey shahaadadda heerka koowaad ee jaamacadda oo ay ku baratey maamulka ganacsiga waxayna qaadatey tabbabar macallinimo. Marwo Muno waxa ay noqotey qof u doodda kooxaha la haybsooco, wacyigelin bixiya oo dhiirrigeliya is-dhexgalka bulshada oo loo marayo dadaallo iskaa-wax-u-qabso ah, oo ay ku jiraan aqoon isweydaarsi karti-dhisid iyo hindisayaal bulsho. Waxaa ay hadda ka shaqeysaa Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Jubaland, waxay dhallinyada beelaha la hayb-sooco ku dhiirrigeliyaa in ay fursado dhaqaale ka raadiyaan waaxda badda, iyadoo hoosta ka xariiqday baahida loo qabo isbeddello nidaami ah oo wax looga qabanayo sinnaan la'aanta horey u sii wada saboolnimada iyo bulsho ka-saaridda. Sheekada oo dhammeystiran halkan ka akhriso.

Jarjaridda Saxaaxa Dheddigga/Gudniinka (FGM) | Faatumo Ismaaciil Maxamed

Faatumo Ismaaciil Maxamed waa ololeeye Soomaaliyeed oo u heellan la dagaalanka gudniinka (FGM) iyo u-qareemeynta xuquuqda iyo wanaagga gabdhaha iyo haweenka ay dhibaatadu ka soo gaartey hab-dhaqankan waxyeellada leh. Ka-dib markii ay goobjoog u ahayd in badan oo saaxiibadeed ah oo wajahayey xanuun iyo murugo xilliga caadada oo sabab u ah gudniinka, ayaa waxay raadisay waxbarasho si ay isugu qalabeyso aqoonta iyo xirfadaha lagama maarmaanka u ah u-qareemaynta taabogalka ah. Inkastoo ay jiraan caqabado la xiriira bulshada, waxay qaadatey laba shahaado oo heerka koowaad ee jaamacadda ah waxayna si firfircoon ugu qaybgashey wacyigelinta bulshada, bixinta taageero iyo macluumaad la siiyo dhibbanayaasha ku jira xerooyinka barakacayaasha (IDP). Marwo Faadumo ayaa sidoo kale qortey buug diiwaangelinaya waayo-aragnimada dhibbanayaasha gudniinka (FGM) waxayna hadda ka shaqeysaa wax-ka-qabashada tacaddiga jinsiga ku saleysan iyadoo ku guda jirta qaadashada shahaadada mastarka ee culuunta caafimaadka si ay u sii wanaajiyo saameynta ay ku yeellan karto caafimaadka iyo xuquuqda haweenka ee Soomaaliya. Sheekada oo dhammeystiran halkan ka akhriso.

Boloog wax-ku-qoris | Farxiya Maxamud Xasan

Farxiya Maxamud Xasan waa gabar Soomaaliyeed, dhallinyaro ah oo ku dhalatey magaalada Muqdisho xilligii ay socdeen dagaalada sokeeye, waxay ka soo gudubtey caqabado waaweyn si ay u sii wadato waxbarashadeeda iyo xirfadeeda. Ka-dib markii Jaamacadda SIMAD ay ka qaadatey shahaaddada heerka koowaad ee jaamacadda oo ay ku baratey Culuunta Dhaqaalaha sanadkii 2019, waxay ka soo shaqeysay iibka iyo suuq-geynta ka hor inta aysan ku biirrin Somali Public Agenda oo ay ka noqotey Kaaliyaha Maaliyadda, halkaasi oo ay ka sameysay cilmi-baaris waxayna wax ku biirrisey siyaasadda guud. Inkastoo ay dhibaateyn kala kulantey nolosheeda xirfadeed, haddana way adkeysatey waxayna bilowdey in ay boloog wax ku qorto sanadkii 2021 si ay uga hadasho arrimaha bulsho-dhaqaale iyo si ay u dhiirrigeliso dhallinyarada kale ee Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka, si ay u wadaagaan sheekooyinkooda iyo kor-u-qaadista sheegooyinka wanaagsan ee ku saabsan dalkooda. Marwo Farxiya ayaa sidoo kale qabanqaabisa aqoon-isweydaarsiyo tabbabar oo ku saabsan boloog wax ku qoridda oo ay u qabato dhallinyarada, iyadoo hiigsaneysa in ay awood u siiso in ay fikradooda muujiyaan oo ay ka hortagaan macluumaadka khaldan ama wararka been-abuurka ah. Sheekada oo dhammeystiran halkan ka akhriso.

Tiknoolajiyadda | Axmed Xasan Wehliye

Axmed Xasan Wehliye waa qof xiiseeya tiknoolajiyadda oo isku darsadey jaceylka uu u qabo tiknoolajiyadda iyo ballanqaadka isbeddel bulsho. Ka-dib markii uu la kulmay dhac isagoo wax ka baranaya Jaamacada SIMAD University, ayaa waxaa uu ku hamiyey in uu diiradda saaro sidii uu u horumarin lahaa dalkiisa beddelkii uu raadin lahaa guul shakhsiyeed. Ka-dib markii uu jaamacadda ka qalin-jabiyey sanadkii 2021, wuxuu ku biirrey xarunta iRise Mogadishu Innovation Hub, halkaasi oo uu ka noqday hoggaamiyaha koox isgaarsiinta ka shaqaysa. Mudane Axmed wuxuu aasaasay Galka Nabadda, oo ah qorshe ay dhallinyaradu hormuud ka tahay oo lagu horumarinayo nabadeynta, iyada oo loo tababarayo dhallinyaro xirfadaha dhexdhexaadinta iyo gorgortanka, iyo in jawaabcelinta bulshada loo adeegsado hagidda aqoon-isweydaarsiyadooda. Inkastoo ay ku hawlgalaan dhaqaale xaddidan, Galka Nabadda ayaa waxaa taageera iRise waxayna ujeeddadiisu tahay in uu awoodsiiyo dhalinyarada Soomaaliyeed iyo in la ballaariyo meelaha uu gaaro iyo kala duwanaanshahiisa. Sheekada oo dhammeystiran halkan ka akhriso.