Maryan Zeylac: Horseed u-noqoshada suxufiyiinta dheddigga ah ee Dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya

30 Mar 2024

Maryan Zeylac: Horseed u-noqoshada suxufiyiinta dheddigga ah ee Dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya

Baydhabo – Waqti dheer, ayaa codka Maryan Zeylac uu ahaa mid ka mid ah codadka haweenka ee tirada yar ee ay maqlaan dhegeystayaasha idaacadda ugu weyn ee gaarka loo leeyahay ee ku talla Dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya. 

“Waxaa ahaa gabadha keliya ee suxufiyad ah ee ka shaqeysa Raadiyo Baydhaba, oo dhowr barnaamij ku dhex daadihineysa deegaan ay raggu ku badan yihiin,” ayaa ay tiri  Maryan Zeylac, oo barnaamijyadeedu ay ku saabsanaan jireen mowduucyo kala duwan, oo ay ka mid yihiin waxyaabaha siyaasadda ku soo kordha, arrimaha haweenka iyo arrimaha bulshada.  

Maryan Zeylac kuma cusba in ay ka dhex shaqeyso meel ay raggu ku badan yihiin – waxaa ku dhowaad 20 sano ay ka dhex shaqeyneysay warbaahinta Dowlad-Goboleedka Koonfur-Galbeed waxaana ay u noqotey wax caadi ka ah agteeda. 

Laakiin dhinaca kale iskama aqbalin xaaladda jirtey.

Shaqo-ku-dhex-tababarasho

Maryan Zeylac oo sanadkii 1987 ku dhalatey magaalada Baydhabo oo ah tan ugu weyn Dowlad-Goboleedka Koonfur-Galbeed waxaa ay carruurnimadeedii ku fekeri jirtey in ay ka shaqeyso baahinta wararka. 

Waxaa ay waxbarashadeeda hoose/dhexe iyo tan sare ku qaadatey Muqdisho, ka dibna waxaa ay Baydhabo ku noqotey sanadkii 2005. Islamarkiiba waxaa ay kaalin shaqo-ku-tababarasho ah ka heshey qolka wararka ee idaacadda Radio Baydhabo. 

Tababarkeedii iyo dabeecaddii ay u dhalatey ayaa u sahley in ay kobciso xirfadaheeda, waxaana ay ugu dambeyntii doorar kala duwan, oo ay ka mid yihiin war-tebin iyo barnaamij soo-saaris, uga soo shaqeysey warbaahin kala duwan oo wakiilo ku lahaa Dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed, sida SBC TV, Universal TV iyo Radio Shabelle, iyo kuwo kale. Sanadkii 2007, waxaa ay diblooma suxufinimo ah ka qaadatey mac-hadka Kenya Institute of Mass Communication.

Haweenka isku dayaya in ay ka dhex shaqeeyaan baahinta wararka waxaa soo wajihi kara caqabado badan, min takoor ilaa mushaar-yaraan. 

Marka ay dib u gocato, waxaa ay Maryan Zeylac soo xusuusaneysaa sida ay u yareyd in haweeney Soomaali ah ay ku shaqeyso suxufinimo.

“Markii aan bilaabayey sanadkii 2005, carruurta xaafadaha jooga ayaa magacayga kor ugu dhawaaqi jirey – waxaa ay iila dhaqmayeen sidii in aan ahay wariye caan ah oo u shaqeeya BBC Somali ama Yurub!” ayaa ay tiri. “Waxaan ahaa gabadha keliya ee wararka soo tebisa, oo ka soo warrami jirtey wararkii ugu dambeeyey ee arrimaha bulshada iyo siyaasadda ee taagneyd meel walba oo ay wax ka dhacayaan. Waxaan xusuustaa in dhammaan xarumaha idaacadaha ay maareynayeen rag marka laga reebo keyga.”

Bilaabiddii SOMWA

Maaddaama ay ogsooneyd in warbaahinta degaanka ay ku yar yihiin gabdhaha ka shaqeeya ayaa sidoo kale ku dhalisey in ay arrintaas wax ka qabato si looga gudbo xaaladdaa jirtey.

Iyada oo kaashaneysa dad kale, ayaa waxaa ay sanadkii 2006 aasaastey madal ay ku midoobaan haweenka suxufiyiinta ah ee Baydhabo taas oo sidoo kale loo adeegsan karo in haween kale ay soo galaan saxaafadda: madasha the Somali Media Women Association (SOMWA).

“Anniga, iyo saddex gabdhood oo kale oo ka kala shaqeynayey Radio Warsan iyo Radio Shabelle, ayaa aasaasey SOMWA si uu ugu qareemeeyo in gabdho tiro badan oo suxufiyiin ah ay ka soo baxaan magaaladeyda. Waqtigaa, waxaan ahayn keliya afar gabdhood, laakiin hadda waxaa jira ku dhowaad boqol haween ah oo saxaafadda uga shaqeeya Baydhabo oo keliya, iyo guud ahaan Dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed,” ayaa ay tiri Maryan Zeylac, oo sidoo kale ah Agaasimaha Fulinta ee SOMWA.

Ururkan aan dowliga ahayn (NGO) oo xafiisyo ku leh Baydhabo iyo Muqdisho, caasimadda Soomaaliya, ayaa ka mid ah ururrada ugu waaweyn ee ay xubnaha ka yihiin haweenka ka shaqeeya baahinta wararka ee Soomaaliya. 

Waxaa u shaqeysa 20 shaqaale oo mushaar qaata iyo 253 xubnood oo matadawiciin ah, waxaana uu cod dheer ugu qareemeeyaa xuquuqahooda, baahiyahooda iyo doorka ay ku dhex leeyihiin bulshada Soomaaliyeed.

SOMWA waxaa uu ka shaqeeyaa dhiirrigelinta xuquuq u lahaanshaha helidda  iyo adeegsiga macluumaadka si loo abuuro bulsho u siman helidda fursadaha. Waxaa uu la socdaa xadgudubyada la xiriira xuquuqda shaqaalaha iyo bedqabka haweenka suxufiyiinta ah waxaana uu macluumaad aan dhinacna u eexaneynin ka bixiyaa weerarrada loo geysto suxufiyiinta haweenka ah sida dhibaateynta, cabsi-gelinta iyo fiiro galmo la xiriirta oo aan dhaqanka ku habbooneyn iyo xadgudubyada loo adeegsado internet-ka. Waxaa uu sidoo kale ururku soo muujiyey arrinta la xiriirta ku lug lahaanshaha haweenka ee geeddi-socodyada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan geeddi-socodyada go’aan-qaadashada.

“Waxaan ku faraxsannahay in dadaalladeennii ay mirodhal noqdeen – waa uu sii dhammaanayaa fikirkii khaldanaa ee laga qabey haweenka suxufiyiinta ah, tirada haweenka sufiyiinta ah aad bey u korodhey, waxaana ka dib markii aan si xooggan ula shaqeyney hoggaamiyeyaasha dhaqanka, uu ka-qaybgalka haweenka ee siyaasadda ee Dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed ee ka sarreeyaa kan Dowlad-goboleedyada Kale. Waxaan aaminsanahay in aanu dadaalkeennu xumeyn,” ayaa ay tiri. 

Wariye la beegsadey

Maryan Zeylac waa ay ka dheregsan yahay waxa ay tahay in lagu beegsado adiga oo haweeney suxufiyad ah – waana sababtaas waxa ku khasbey in ay hadda ku nooshahay meel aad uga fog dalkeeda.

Sanadkii 2008, SOMWA ayaa waxaa ay bah-wadaag la noqotey hay’ado caalami ah sida Care International iyo hay’adda United States Agency for International Development (USAID) oo kooxda argagaxisada ee Al-Shabaab ay kaga soo horjeeddey sababo aydiyolajiyadeed.

Sanadkii 2008, markii argagaxisada Al-Shabaab ay gacan-ku-haynta magaalada Baydhabo kala wareegtey Dowladda Ku-meelgaarka Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa suxufiyadda dhallinyarada ah waxaa ay u soo wareegtey Muqdisho. 

“Waxaa igu bilowdey hanjabaadyo dil ah oo iga soo gaarayey Al-Shabaab, kuwaas oo ahaa kuwo aad u ba’an oo joogto ah oo sababey in aan xataa ka bixi waayo gurigeyga,” ayaa ay tiri. 

Intii ay joogtey caasimadda, waxaa ay sii wadatey hawsheedii warbaahinta iyo u-qareemeynteedii, laakiin hanjabaadihii Al-Shabaab ma yaraan. Shaqadii ay halkaas ka haystey, iyo sidoo kale shaqadeedii Baydhabo ayaa keeney in la beegsado. Dabayaaqadii sanadkii 2009, waxaa ay u soo carartey Kenya halkaas oo ay uga sii gudubtey dalka Boqortooyada Midowdey (Ingiriiska). 

“Annigu ma dooneynin in aan u soo wareego Ingiriiska – dalkeyga waxaan uga soo tegey sababo bedqabkeyga la xiriira. Al-Shabaab ayaa mar walba iga dalbaneysey in aan xiro xafiiska SOMWA. Waxaa ay igu eedeeyeen in aan ‘iskaashi wada-shaqeyn’ la leeyahay Care International iyo USAID, iyaga oo warbaahinta ka sheegey in aan ‘murtad’ ahay,” ayaa ay tiri.

Dhowaan, dalka Ingiriiska Dhexdiisa, ayaa Maryan Zeylan waxaa ay shahaadda koowaad ee jaamacadda ee culuunta caafimaadka iyo daryeelka bulshada kaga qaadatey jaamacadda the University of Bedfordshire – laakiin waxaa ay sii waddaa doorkeedii hoggaamineed ee SOMWA iyada oo ka soo maamuleysa halka ay joogto iyo iyada oo booqashooyin joogto ah oo aan la buun-buunin ku tagta Soomaaliya. 

“Si ahaan xaaladdu waa ay igu culus tahay, laakiin SOMWA xubnaheedu waa ay xooggan yihiin, ugu dambeynta, muhiim ma aha halka aan joogo intiiba aan xaqiijin karno yoolalkeenna aan la dooneyno haweenka Soomaaliyeed ee Dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed iyo Muqdisho,” ayaa ay tiri.

20kii sano ee la soo dhaafey, SOMWA waxaa ay la soo shaqeysey ururo heer qaran iyo heer caalamiga isugu jira, oo ay ka mid tahay Qaramada Midoobey, si ay aqoon-is-weydaarsiyo tababar taxan ay ugu qabato shaqaalaha haweenka ah ee warbaahinta ee Koonfur-Galbeed Soomaaliya. 

“Saamiga ay suxufiyiinta haweenka ay ka yihiin warbaahinta waa uu ka yar yahay 30 boqolkiiba, taas oo hoosta ka xarriiqeysa in loo baahan yahay in tirada ku mataleysa intaa laga badiyo. In la siiyo tababarro kartidooda lagu dhisayo, shaqo-ku-tababarasho, fursado shaqo, iyo in hoggaamiyeyaasha warbaahinta lagula xisaabtamo xadgudubyada loo geysto haweenka ka shaqeeya warbaahinta ayaa ah arrimo istiraatiiji ah oo dhiirrigelin kara suxufiyiinta haweenka ah,” aya ay tiri Maryan Zeylac.

“Si guud markaan u hadalno, waxaan dhihi karnaa haweenku waa kalabar bulshadeenna waana in ay matalaad u dhiganta helaan. Haweenku waxaa ay badanaa daneynayaan in ay dhegeystaan codadka iyo fikradaha haweenka kale, oo ragguna waxaa ay wax ka baran karaan dhegeysashada fikirka ay haweenku ka qabaan dunida.” Ayaa uu yiri Magnus Bjarnason, oo ah Madaxa Xafiiska QM ee hawlgallada ee Dowlad-Goboleedka Koonfur-Galbeed.

Laakiin, xataa iyada oo taageeradan la bixinayo, haddana Mudane Bjarnason shaki ugama jiro xaaladda waddada sugeysa haweenka Soomaaliyeed ee da’da yar ee ka fekeraya in ay ka shaqeeyaan baahinta wararka.