Faaduma Cali Aadan: Shaqaalenimo iyo mutadawacnimo ugu shaqeynta haweenka iyo gabdhaha reer Jubbaland

20 Mar 2024

Faaduma Cali Aadan: Shaqaalenimo iyo mutadawacnimo ugu shaqeynta haweenka iyo gabdhaha reer Jubbaland

Kismayo – Iyada oo Soomaaliya ay  dib-u-dhismeyso ka dib tobanaan sano oo colaad iyo dagaal uu ka jirey, ayaa dad badan oo Soomaaliyeed ay u soo istaageen in ay dhinacyo kala duwan ka caawiyaan ragga iyo haweenka dalkooda.

 Mid ka mid ah dadkaas waa Faaduma Cali Aadan. 

Faaduma oo 42 sano jir ah waa qof caan ah oo u dhaqdhaqaaqda waxbarashada magaaladeeda Kismaayo, oo ah magaala-madaxda Dowlad-goboleedka koonfur ugu xiga Soomaaliya ee Jubbaland, oo dhaca xuduudda Kenya.

Hadda waxaa ay tahay Guddoomiye-ku-xigeenka Xoogagga Aan Dowliga ahayn ee Jubbaland Non-State Actors (JUNSA), oo ah urur aan dowli ahayn oo ah daladda ugu ballaaran ee bulshada rayidka ah, oo diiradda ay u saaran tahay u-qareemeynta xuquuqda dadka deggan dowlad-goboleedka iyo dhiirrigelinta in ay matalaad caddaalad ku dhisan ay bulshooyinka la fogeeyo, haweenka iyo dhallinyarada ka helaan fagaarayaasha looga hadlayo arrimaha bulshada.

Iyada oo Soomaaliya ay  dib-u-dhismeyso ka dib tobanaan sano oo colaad iyo dagaal uu ka jirey, ayaa dad badan oo Soomaaliyeed ay u soo istaageen in ay dhinacyo kala duwan ka caawiyaan ragga iyo haweenka dalkooda.

Laakiin tani waa mid ka mid ah doorar badan oo ay Faadumo ka ciyaarto degaanka. Waxaa sidoo kale jirta tobannaan sano oo ay shaqaale ka ahayd oo ayna mutadawacnimo uga shaqeyneysey arrimaha la xiriira sii-wanaajinta nolosha iyo rajooyinka haweenka iyo gabdhaha.

“Marka aan marayo waddooyinka Kismaayo, oo aan la kulmo qaar ka md ah haweenkan iyo gabdhahan oo ii salaamaya macallimaddooda ahaan – waxaa ay ii tahay dhiirrigelin weyn waana mid maskaxda ii dejisa,” ayaa ay tiri Faadumo.

U wareegiddii Dhadhaab

Faaduma waxaa ay ku dhalatey Kismaayo sanadkii 1982. Waxaa ay soo dhigatey Dugsiga Hoose/Dhexe ee Luuq ka dibna waxaa ay waxbarashadeeda ku sii wadatey Dugsiga Sare ee Gabdhaha ee Mandheera, oo u dhow xuduudda Kenya-Soomaaliya. Min 1999 ilaa 2000, waxaa ay culuunta caafimaadka guud ku baratey kuleejka Kismayo College

Sanadkii 2001, waxaa ay u wareegtey xerooyinka qaxootiga ee Dhadhaab ee dalka Kenya ka dib markii uu qoyskeedu halkaa degey, gaar ahaan degsiimada Xagar Dheere, ka dib markii ay ka soo carareen gacan-ka-hadalkii faraha kulul ku hayey Soomaaliya. Xarumo waxbarashada oo halkaas ku yaalla, ayaa waxaa ay ka qaadatey diblooma culuunta xisaabaadka ah sanadkii 2007.

Intii ay joogtey Xagar Dheere ayaa ay ahayd markii ugu horreysey ee ay xiiso u qaaddey in ay dadka kale caawiso. Sanadkii 2003, iyada oo da’deedu tahay 21 jir, ayaa ay go’aansatey in ay si mutadawacnimo ah ugu shaqeyso sida macallin waxbarashada dadka waaweyn. Halkaas, ayaa iyada oo ay ku hareereysan yihiin arday u heellan waxbarashada, waxaa ay  is-ogaatey in ay xiise cusub u hayso gacan-qabashada iyo waxbaridda dadka. 

Inkasta oo xoogaa caqabado ah ay jireen – sida kheyraadka maaliyadeed oo yaraa iyo iyo culeysyada aasaasiga ah ee guud ahaan la halmaala ku noolaanshaha iyo ka-shaqeynta xero qaxooti – haddana waxaa ay go’aansatey in ay macallinimo u go’do, iyada oo y gudbineysa aqoon oo waxbarashadana jecleysiinaysa ardeydeeda.

 Dib-ugu-soo-noqoshadii dalka

Sanadkii 2006, waxaa ay ku soo noqotey magaladeedii oo ku taalla Soomaaliya. Waxaa ay dareentey in xaaladda amniga ay ahayd mid la aqbali karo, waxaana ay aad u jecleyd in ay gacan ka geysato horumarinta bulshadeeda iyo dalkeeda.

“Markii aan imid Kismaayo, waxaan arkey in qaar badan oo ka mid ah carruurta aaney dhigan iskuul, iyo in heerka isqorista iskuulladu uu aad u hooseeyey,” ayaa ay tiiri, iyada oo intaa raacisey in ay taasi soo nooleysey wixii ay weligeedba uurka ku haysey.

Iyada oo ay ka go’an tahay in ay is-beddel dhaliso iyo iyada oo u jecleysatey hawshii macallinimada ee Dhadhaab ay ka haysey, ayaa waxaa ay dhex muquuratey u-dhaqdhaqaaqidda waxbarashada waxaana ay ku biirtey ururka Kisima Peace Development Organisation, oo ah urur aan dowli ahayn oo bulshadu sal u tahay (NGO) oo u go’ay dhiirrigelinta iyo u-qareemeynta waxbarashada carruurta nugul, oo ay ka mid yihiin kuwa ku nool waddooyinka ama derbi-jiifka ah, ee Kismaayo.

“Shantii sano ee xigtey, waxaan ururka u qaabilsanaa arrimaha xuquuqaha aadanaha, anniga oo wax ka qabanaya dhibaatada carruurta nugul iyo bulshooyinka la fogeeyo,” ayaa ay tiri. “Waxaa la ii xilsaarey in aan dejiyo barnaamijyo akhris-qoraal loogu taloglaey reer miyiga, oo looga dan-lahaa ciribtiridda akhri-qoraal la’aanta iyo jahliga oo dad badan ka-hor-istaagey in ay si buuxda uga faa’iideystaan wixii ay qabsan kareen. Waxaan fasallo waxbarasho hadba meel taga ka fulinayey degaanno ku hareereysan Kismaayo, sidaasna waxaan waxbarasho ku siinayey dhallinyaro aan tiro lala gaareyn kuwaas oo aan heli lahayn fursad ay wax ku bartaan.”

Heerkii ku xigey

Sanadkii 2012, Faaduma waxaa ay dib ugu biirtey waaxda waxbarashada Jubbaland. Waxaa ay maamule ka noqotey dugsiga Ganane Primary and Secondary School ee ku yaalla Kismaayo, halkaas oo ay hoggaan u ahayd hawsha dugsiga.

Shan sano ka dib, sanadkii 2017, waxaa ay dib ugu noqotey bulshada rayidka ah. Waxaa ay ku biirtey NGO degaanka laga leeyahay, Action for Social and Economic Progress (ASEP), waxaana ay ka shaqeysey barnaamij hadafkiisu ahaa badbaadinta dhallinyarada halista ugu jira in ay la shaqeeyaan kooxaha sharci-darrada ah ayna ku lug yeeshaan fal-dembiyeedyo taas oo ay sabab u tahay jiritaan la’aanta fursado.

Mashruucan dhexdiisa, waxaa ay door muhiim ah ka qaadatey in 150 haween iyo gabdho degaanka ku nool ah la siiyo xirfado nololeed oo muhiim ah si ay u awoodaan in ay gaaraan isku-filnaansho iyo madax-bannaani, tusaale ahaan iyada oo loo marayo ganacsiyo uu dakhli ka soo galo sida hagaajinta timaha iyo cunto-karinta.

“Barnaamijka ka koobnaa saddexda marxaladood waxaa uu wax ka beddeley nolosha haween dhallinyaro ah iyo gabdho, kuwaas oo xataa maanta ka faa’iideysanaya xirfadihii ay barteen intii ay socotey koorsada tababar ee lixda bilood ahayd,” ayaa ay tiri. 

Sanadkii 2019, Faaduma waxaa ay u wareegtey barnaamij waxbarashada madaniga ah, kaas oo markaan uu maamulayey NGO-ga the Somali Women Studies Centre (SWSC), kaas oo sanadkii 2011 loo aasaasey si uu  haweenka Soomaaliyeed awood ugu siiyo in ay adeegsadaan saameyntooda, hoggaamintooda, ayna u qareemeeyaan xuquuqahooda, kaas oo hawlo ka wada Muqdisho iyo Kismaayo oo uu xafiis u qaabilsan xiriirka uga furan yahay Nayroobi, Kenya.

Halkaas, waxaa ay hoggaan u ahayd tababaridda 50 gabdhood, kaas oo ay xuddun u ahayd in la siiyo tababar gacan-ka-qabasho ah oo ku saabsan xirfadaha hoggaaminta iyo u-dhaqdhaqaaqidda xuquuqaha, iyo sidoo kale arrimaha labada jinsi (gender iyo caddaaladda.

“Gabadhaha ayaa muujiyey in ay si cajiib ah u fahmeen lafagurista fikirka (critical thinking) iyo xallinta dhibaatooyinka, waxaana haddii ay qaataan tababar dheeri ah oo ku saabsan hoggaaminta iyo dhiirrigelinta, ay awood u yeelan karaan in mustaqbalka ay hoggaamiyeyaal adag u noqdaan haweenka Soomaaliyeed,” ayaa ay tiri Faaduma. 

Sanadkii 2022, Faaduma waxaa ay ballaarisey barnaamijka waxbarashada madanig ah ee SWSC iyada oo ku soo dartey dadaallo la halmaala ilaalinta carruurta gabdhaha ah iyo la-dagaallanka tacaddiga ku saleysan jinsiga. Waxaa ay awood u yeelatey in ay ilaa 60 gabdhood oo ka-qaybgalayaal ah barto xirfado nololeed iyo aqoon aasaasi ah oo ay ku ilaalin karaan naftooda ayna ugu qareemeyn karaan xuquuqahooda.

“Ilaalinta, gabdhahaha dhallinyarada ah ee aan cid difaacda haysan, iyo in la baro xirfado nololeed ayaa ah arrin muhiimad weyn leh,” ayaa ay tiri.

Shaqo dheeri ah oo mutadawacnimo ah

Dadaalka Faaduma waa uu dhaafsiisan yahay shaqadeeda caadiga ah – waxaaba ay u aragtaa in ay taas tahay fasax oo kale, waxaana ay sidoo kale waqtiga ay firaaqada leedahay ku shaqeysaa mutadawacnimo. 

“Xooggeennu waa mutadawacnimada. Maalin kasta, waxaa i-xiiso-geliya awoodda wadajirka ah ee dadka gacmaha is-qabsanaya si ay is-beddel u dhaliyaan. Mutadawacnimada waa dhiigga ay ku shaqeyso nolosha waxqabadyadeenna u-qareementa ah ee aan ka wadno degaan kheyraadkiisu xaddidan yahay,” ayaa ay tiri.

Marka laga soo tago shaqada hadda ay ka waddo JUNSA, Faaduma waxaa ay sidoo kale maamushaa urur mutadawaciin oo la yiraahdo the Somali Women Development Organisation (SWDO). Iyada oo ay ku weheliyaan sagaal xubnood oo kale oo dadaal badan, ayaa ururka SWDO waxaa uu wax ka qabtey dhibaatooyinka degaanka ka dhaca, sida fatahaadihii dhowaan ka dhacay gobolka Jubbada Hoose ee Jubbaland.

"Intii ay socdeen roobabkii xoogganaa ee dhowaan da’ay, ayaan waxaa xerada barakacayaasha ee Ceel-Jaalle ee ku taalla daafaha Kismaayo kula kulmey haweenney; iyada iyo saddexdeeda carruurta ah ayaa looga tegey buulkii ay ku noolaayeen iyada oo dhinac walba ka soo hareereeyaan ay biyaha fatahaaddu,” ayaa ay tiri Faaduma. “Waxaa inoo suuragashey in aan soo badbaadinno oo aan geyno meel ay bedqab ku helaan, waxaana markii aan arkey farxadda ka muuqatey iyo sida ay uga mahad naqdey ay i xasuusisey sababta aan u sameynayo waxa aan sameynayo!”

Ururka SWDO waxaa uu sidoo kale ka hadlaa arrimaha degaanka ka dhaca ee la halmaala xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo tacaddiga ku saleysan jinsiga, sidoo kalena waxaa uu wadaa dadaallo lagu joojinayo jarjaridda saxaaxa dheddigga (gudniinka).

“Maaddaama aaney xaq ahayn in gabdhaha yaryar silica noocaas ah loo geysto, waxaan halkaan u joognaa in aan soo sheegno xaaladahaas, oo aan ku soo wargelinno maamullada, oo aan gacan ku siinno in ay soo xiraan dembiilaha,” ayaa ay xustey. Qaar badan oo ka mid ah kiisaskan waxaa ay dhacaan iyada oo aan cidna wax  iska weydiin.”

QM iyo mutadawacnimada

Qaramada Midoobey waxaa ay u qareemeysaa faa’iidooyinka ay mutadawacnimadu u leedahay bulshooyinka degaanka. Marka si habboon loo taageero, waxaa ay gacan ka geysan kartaa fududeynta helidda adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo dhinacyo kale oo laga taageero bulshooyinka ugu saboolsan, loogu fogeyn og-yahay ama kuwa ugu nugul, taas oo hubineysa in aan cidna laga tegin. 

“Mutadawacnimadu waxaa ay wax cad ku biirisaa horumarka iyo arrimaha la xiriira bulshada – maaddaama ay bulshada dhex galaan, mutadawaciinta waxaa ay bulshada la yeeshaan xiriirro adag, shakhsi-shakhsi ah oo shaqeeya,” ayaa uu yiri Madaxa Xafiiska hawgallada QM ee Jubbaland, Arnaud Laloum. 

“Mutadawaciinta iyo dadka ay ka barbar-shaqeeyaan ayaa midba uu fahamsan yahay waayo-aragnaimada, xirfadaha shabakadaha midka kale waxaana ay soo saari karaan xalal degaanka laga leeyahay oo waara, waana dadaalkan iskaashiga ku dhisan kan Faadumo ay sidan weyn ugu lug lahayd ayna muddo dheer uga go’neyd in ay gacan siiso haweenka iyo gabdhaha ku nool Kismaayo.”