Mashruuc la daahrogey si loo kordhiyo fahamka bulshooyinka Soomaaliyeed ee ka qabto xuquuqaha aadanaha

14 Jun 2024

Mashruuc la daahrogey si loo kordhiyo fahamka bulshooyinka Soomaaliyeed ee ka qabto xuquuqaha aadanaha

Muqdisho – Dadaallo lagu doonayo in mabaa’diida xuquuqda aadanaha laga dhigo  kuwo si ka wanaagsan sida hadda looga yaqaanno loogana fahamsan yahay bulshooyinka Soomaliya ku nool dhexdooda ayaa lagu kaabey mashruuc luuqado badan oo ku qotoma Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqaha Aadanaha / the Universal Declaration of Human Rights (UDHR).

Mashruuca oo uu taageero ka heley Hawlgalka Qaramada Midoobey ee Kaalmada Soomaaliya (UNSOM) oo ay iskaashanayaan Matxafka Qaranka Soomaaliyeed ayaa ah mid fudud laakiin hal-abuur ku dhisan: Baaqa UDHR ayaa loo tarjumey luuqado kale oo badan oo looga hadlo Soomaaliya -  Maadoonte, Chimini, Garre, Jiiddo, Baajuuni, Dabarre iyo Af Maay. 

“Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqaha Aadanaha waa mid loo dhan yahay, waa mid khuseeya qof kasta. Intiiba aan ku qori karnol uuqado kala duwan oo intii hore ka badan, waxaa uu sii noqonayaa mid loo dhan yahay marka laga eego dadka fahamsan in kuwani ay yihiin xuquuqahooda aadamenimo iyo in ay yihiin kuwo ay dalban karaan,” ayaa ay tiri Madaxa Kooxda Ilaalinta Xuquuqaha Aadanaha ee UNSOM, Kirsten Young. 

Sarkaalka QM ayaa ka hadleysey daahrogga mashruuca oo ka dhacay Matxafka Qaranka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku yaalla. Munaasabadda waxaa sidoo kale ka soo qaybgaley wakiillo ka socda bulshada iyo saraakiisha matxafka, waxaana lagu soo bandhigey UDHR ku qoran luuqadaha kala duwan iyo farshaxan ka tarjumaya dhaqanka bulshooyinka afafka kala duwan ku hadla kuwaas oo loo soo bandhigey dadweynaha.
 
Af iyo huwiyad  

Ms. Young waxay hadalladeeda ku sheegtay in munaasabaddu ay ahayd figtii ugu sarreysey ee mashruuca muddada dheer socday oo ay ku lug lahaayeen bulshooyin kala duwan. 

“Afku wuxuu si qoto-dheer ugu xiran yahay huwiyadda, waanna habab muhiim ah oo lagu muujinayo cidda aad tahay, taariikhdaada. Fahamka wixii la soo dhaafey waxay gacan ka geysanaysaa sameynta macnaha hadda marka la eego kaalinta taariikhdii hore ee Soomaaliya, taas oo ka turjumaysa hiddaha, dhaqanka iyo kala duwanaanshaha hodanka ah ee dalka,” ayay hadalkeedii raacisay.  

Agaasimaha Madxafka Qaranka, Cusmaan Geedow Caamir, ayaa soo dhaweeyay mashruuca ku caawinaya shakhsiyaadka iyo bulshooyinka in ay fahmaan oo ay xuquuqdooda ku helaan lahjadahooda maxalliga ah sida Maadoonte, Chimini, Gare, Jiido, Baajuni, Dabaare iyo sidoo kale Af Maayga. 

Wuxuu xusay in mashruuca la waafajiyay kaalinta madxafka ee ku aaddan dhiirrigelinta midnimada, isukeenidda bulshooyinka iyo gacan ka siinta ilaalinta hiddaha iyo dhaqankooda.

“Bandhiga dadweynaha, oo ay ka mid tahay in UDHR loo turjumo lahjado kala duwan, ayaa waxay fududeynaysaa oo ah fahamsiinaysaa xuquuqda aadanaha, taas oo Soomaaliya mararka qaar aan la fahmin,” ayuu yiri Mr. Caamir.

Aamina Maxamed Faarax waxay ka mid ahayd wakiillada bulshada eek a soo qaybgaley munaasabadda. UDHR waxaa loo turjumay lahjadeeda oo ah lahjadda Jiido. 

“Dadkeygu waxay hadda si fiican u fahmi karaan xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah waxayna fahmi doonnaan habdhaqanka bani’aadamnimada ka baxsan ee lagula dhaqmo haweenka, carruurta iyo dadka waayeellada ah iyo xuquuqda gabdhaha carruurta ah,” ayay tiri. 

UDHR, oo uu ansixiyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay 10kii Disembar 1948, ayaa markii ugu horreysay dhigay xuquuqda aadanaha ee aasaasiga ah in ay noqoto mid si caalami ah loo ilaaliyo, waxaanana loo aqoonsadey in ay waddada u xaartey ansixinta in ka badan 70 heshiisyo xuquuqda aadanaha ah oo maanta lagu dabaqey heerarka caalamiga ah iyo kuwa gobolka.