Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ugu deeqay gaadiid, agabka lagu baaro miinooyinka

2 Mar 2016

Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ugu deeqay gaadiid, agabka lagu baaro miinooyinka

 

Ergada Midowga Yurub u Qaabilsan Soomaaliya iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Miino Saarista (UNMAS) ayaa maanta qalab kala duwan ugu deeqay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed si looga caawiyo dhanka miino baarista iyo amniga badda iyo berrigaba, taas oo ka caawin doonta inay si wanaagsan u gutaan hawshooda, si guudna u hagaajiyaan amaanka.

Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u Qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d'Urso iyo Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xog-hayaha-Guud ee Qaramada Midooby (DSRSG) u Qaabilsan Soomaaliya  Raisedon Zenenga ayaa soo bandhigay qalabka oo ka koobnaa qalab isgaarsiin, gaadiid, qalab xafiis, agabka lagu baaro laguna furfuro miinooyinka iyo doon, kuwaa oo lagu wareejiyay Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

"Midowga yurub wuxuu ku faraxsanyahay is si wadajir ah uu Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ugu wareejiyo qalab muhiim ah oo lagu shaqeeyo iyo kuwo miinooyinka lagu baaro, tallabadan waxay kaabaysaa dadaaladeena ballaaran ee aan ku taageerayno tayo-dhiska, tababarka iyo qalabaynta booliska si ay si wanaagsan ugu ilaaliyaan dadka Soomaaliyeed. Naf kasta waxay leedahay qiimeheeda, waxaana ku faraxsanahay in aan arko in Ciidanka Booliska ay hadda haystaan cusub oo muhiim ah oo ka caawiya sidi ay ku badbaadin lahaayeen nolosha dadka ku nool Soomaaliya iyagoo si gaar ah u adeegsanaya baarista iyo furfuridda haraaga waxyaabaha qarka iyo miinooyinka gaboobay, kuwaa oo dhimasho sababi kara haddii aan loo maarayn si," ayuu yiri Danjire Michele Cervone.

“Kani wuxuu ahaa go’aan Midowga Yurub uu gaaray waqtigi ku habboonaa kuna wareejiyay qalabkan. Hadii aan nahay Qaramada Midoobay, Hay’adda Miina Saarista ee Qaramada Midoobay iyo dhamaan inti ka qaybqaadatay, waxaan aad ugu mahad celinaynaa Midowga Yurub, waxaan aad ugu mahad celinaynaa dowladaha Canada, Italy, Japan, UK, waxaan u mahad celinaynaa Wasaaradda Amniga Gudaha iyo hogaanka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo aan uga mahad celinayno sida ay noogala shaqeeyeen suurto gelinta arrinkan”, ayuu yiri Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xog-hayaha-Guud Zenenga.

Qalabka miina baarista waxaa ku deeqday Hay’adda Miina Saarista ee Qaramada Midoobay (UNMAS) waxaana marki hore maal-geliyay Midowga Yurub. Qalabku wuxuu sidoo kale taageero u noqon doonaa tababarka iyo hawlgalada 5 unug oo qaabilsan miinooyinka kuwaa oo hadda hormuud u ah dadaalada Soomaaliya looga sifaynayo haraadiga aan weli qarxin ee meelaha looga tegay tobaneeyadi sanadood ee colaadaha.

"Soomaaliya waxay ka mahad celinaysaa taageerada Midowga Yurub, Hay’adda Miina Saarista ee Qaramada Midoobay iyo guud ahaan Qaramada Midoobay. Hay’adda Miina Saarista ee Qaramada Midoobay, iyadoo adeegsanayso dhaqaalaha deeq-bixiyeyaasha, ayay horumarisay cutubka miinooyinka ee Booliska Soomaaliyeed oo hadda loo tababaray sida loo baaro loona baabi’iyo si nabad ahna loogu soo saaro haraadiga qaraxyada si loo badbaadiyo nolosha. Waxaan ku boorinayaa Boliska inay dhaqaaleeyaan qalabka iyo deeqaha kaleba ayna sii wadaan ilaalinta nolosha dadkeena," ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha Cabdirisaaq Cumar Maxamed.