UNESCO iyo UNSOM oo hay’adaha ammaanka u tababaray xiriirka saxaafadda

28 Jan 2016

UNESCO iyo UNSOM oo hay’adaha ammaanka u tababaray xiriirka saxaafadda

Muqdisho – Tababar muddo 3 cisho ah soconaya oo lugu baranayo xiriirka warbaahinta ayaa xubno ka socda hay’adaha ammaanka Soomaaliya maanta uga furmay magaalada Muqdisho.

Tababarka oo diiradda lugu saarayo bedbaadinta warfidiyeenka iyo hagaajinta wadashaqeynta laamaha amniga iyo warbaahinta Soomaaliyeed, waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ammaanka Gudaha, Yuusuf Cali Maxamed.

Agaasime Yuusuf oo furitaankii tababarka qudbad ka jeediyey ayaa ka hadlay ahmiyadda uu tababarkaan ku fadhiyo, wuxuuna tibaaxay in wasaaraddiisu si hoose ula shaqeyneyso warbaahinta si loo hagaajiyo bedqabka wariyeyaasha.

“Warbaahinta Soomaliyeed iyo Wasaaradda Ammaanka Gudahu waxay garowsadeen baahida loo qabo wadashqeyn dhex marta labada dhinac. Shaqaalaha wasaaraddu waxay u baahan yihiin in ay fahmaan xiriirka warbaahinta, si ay wax badan uga bartaan”, ayuu yiri Yuusuf Cali oo hoosta ka xarriiqay sida ay lamahuraanka u tahay in la yeesho isdhexgal iyo kala warqab.

Yuusuf  Cai Maxamed ayaa intaas ku daray in dowladdu ay diyaarisay tillaabooyin loogu talogalay in looga gaashaanto weerarrada warfidiyeenka. Wuxuuna carrabka ku dhuftay Xeerka Saxaafadda Qaranka ee dhawaan la meelmariyey oo uu sheegay in uu qayb ka yahay tillaabooyinka la qaaday si loo hufo hab-dhaqanka saxaafadda, islamarkaana dhowraya xaquuqda shaqadooda wariyeyaasha.

Tababarkan waxaa fududeeyey Ian Lafreniere oo ka mid ah waaxda xiriirka shirkadaha ganacsiga ee Adeegga Booliska Montreal.

“[Warfidiyeenka iyo saraakiisha ammaanka gudahu] waa in ay is xushmeeyaan. Dhammaantood waxay hayaan hawl, kaalintooduna waa muhuum ah.  Laakiin isku meel ayey wax u wadaan:waxay rabaan in ay dimuqraadiyadda horumariyaan,” ayuu yiri Ian Lafreniere oo tusaaleynayey baahida loo qabo wadashaqeyn dhow oo labada dhinac ay yeeshaan.

Mr. Lafreniere wuxuu u sheegay ka qaygalayaasha, oo badankood ka socday Wasaaradda Ammaanka Gudaha, in isdhexgalkooda ugu horreeya ee warbaahinta laga yaabo in uu adkaado, wuxuuse ku waaniyey in dulqaad la yimaadaan ayna qadarin u muujiyaan xirfadda [warbaahinta].

Mid ka mid ah ka qaygalayaasha oo lugu magacaabo Jibriil Axmed ayaa rajo ka muujiyey in Booliska, Waaxda Sirdoonka, Xoogga iyo Saxaafaddu ay iskaashi wax-ku-ool ah iyo xiriir shaqo miro-dhala yeeshaan

Tababarka waxaa si wadajir ah u qabtay Ururka Waxbarashada, Cilmiga iyo Dhaqanka ee Qaramada Midoobey (UNESCO) iyo Hawlgalka Taakuleynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobey (UNSOM).

Soomaaliya waxaa lugu tiriyaa mid ka mid ah meelaha ugu halista badan ee saxaafadi ka shaqeyso. Sida uu sheegay ururka aan dowliga ahayn ee Guddiga Difaaca Wariyeyaasha (CPJ), 59 wariye ayaa lugu diley Soomaaliya tan iyo 1992-dii.