Mulki Ibraahim Axmed: ‘Waanu qaban karnaa shaqooyinka ay raggu u badan yihiin’

22 Mar 2018

Mulki Ibraahim Axmed: ‘Waanu qaban karnaa shaqooyinka ay raggu u badan yihiin’

Guusha taariikhiga ah ee ay haweenka ka tirsan baarlamanka ay ka soo hoyeen geeddi-socodka doorashooyinka 2016-kii lama gaari lahayn haddii aysan ahayn dadaalka xooggan ee ay bixiyeen dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha haweenka, sida Mulki Ibraahim Axmed.

Mulki oo ah gabar ku soo barbaartay Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxaa ay ka xumaatay tirada yar ee dumarka ku dhaqan dalkeeda oo ku lug leh arrimaha siyaasadda. Waxaa ay bilowday in ay si mutadawacnimo ay heer deegaan ka bilowdo ol’ole ku aaddan in haweenka si weyn looga qaybgaliyo siyaasadda Soomaaliya.

“Waxaan mar hore dareemay in haweenka intooda badani aysan ku lug lahayn siyaasadda sida ay ugu lug leeyihiin arrimaha bulshada. Sababtuna ma ahayn in aysan wax dan ah ka lahayn qaabka waddanka loo maamulayo, laakiin waxaa jiray caqabado ka hor taagnaa ku lug lahaanshahooda,” ayay tiri haweeneydan 46 sano jirta ah ee u dhaqdhaqaaqda arrimaha haweenka.

Sannadkii 2005-ka waxaa ay isku biirisay ururkeedi xuquuqda aadanaha oo markaas sannad jirsaday afar urur oo kale oo aan dowli ahayn, iyaga oo aasaasay Ururka Horumarinta Haweenka ee Baay [Bay Women’s Development Network], waxaa ayna bilowday in ay abaabusho siminaaro badan iyo tababaro kuwaas oo ay ku dhiirigelinayso haweenka Soomaaliyeed in ay u tartamaan xafiisyada dowladda.

Mulki waxaa ay intii lagu guda jiray diyaargarowga geeddi-socodka doorashooyinka 2016-kii ka qaybqaadatay ol’ole lagu guuleystay ee ku aaddanaa in ay haweenka helaan qoondo boqolkiba 30.

Tirada haweenka loo doortay baarlamanka tobanaad ee dowladda federaalka ah ayaa ka hoos maray yoolkaas, balse boqolkiba 24 ee kuraasta ay ku guuleysteen murashaxiinta haweenka ah ee ka tirsan baarlamanka hadda jira waxaa uu ka turjumaya in la gaaray horumar weyn markii loo eego boqolkiba 14 ee kuraasta baarlamanka ay ku guuleysteen haweenka doorashadii 2012-kii.

“Waxaa loo baahnaa in tallaabo deddeg ah la qaado si sare loogu qaado maqaamka haweenka,” ayay tiri Mulki. “Dadaalladeena waxaa ay bilaabeen in ay miro dhal sameeyaan iyadoo tirada haweenka u tartamaya boosaska doorashada ay ka laba jibbaarmeen Maamulka Koonfur Galbeed.”

Mulki waxaa ay sheegtay in natiijooyinka doorashooyinka 2016-kii ay saameyn dhiirigelin leh ku yeesheen haweenka Soomaaliyeed, waxaa ayna ballanqaadaysaa in ay sii wadayso dadaalladeeda ay ku dhiirigelinayso haweenka in ay raadsadaan boosaska hoggaaminta ee golayaasha deegaanka, baarlamaanka heer gobol iyo heer federaalba. Waxaa ay aaminsan tahay in ay shaqo badan weli dhiman tahay si Soomaaliya looga gaaro sinnaan jinsi., hase yeeshee waxaa ay sii wadi doontaa dagaalka ay ugu jirto in haween badan ay ka qayb qaataan siyaasadda ayna helaan aqoonsi.

“Waxaanu dareemaynaa in ay muhiim tahay in la beddello fikradda khaldan ee ku aaddan haweenka Soomaaliyeed taas oo loo bandhigay dunida kale,” ayay xustay. “Waxaan rabnaa in aan u caddayno dalka iyo dunidaba in aan la mid nahay haweenka kale ee ku nool adduunka dacalladiisa kuwaas oo leh rajo iyo riyo isla markana ay ka qayb qaadan kara kaalinta ragga ay hayaan.”