Haweenka Soomaaliyeed waxaa ay horumarinaayan dalkooda

22 Mar 2018

Haweenka Soomaaliyeed waxaa ay horumarinaayan dalkooda

Kaddib sanado badan oo ay socdeen dagaal kuwaas oo Soomaaliya ka dhigay dal aan lahayn dowlad dhexe, haweenka Soomaaliyeed ayaa waxaa ay hormuud ka noqonayaan aayaha dalka iyaga oo sare u qaadaya nolosha boqollaal qof.

Iyaga oo u maraya barnaamijyadooda haddii ay ahaan lahaayeen kuwo yar iyo kuwa waaweynba, iyaga oo ah xirfadleyaal, haweenka ganacsatada, siyaasiyiin ama dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada, ayaa waxa ay saameynayaan isla markana horumarinayaan nolosha bulsho muddo sanado ah la daala-dhacayay colaad, saboolnimo iyo abaar. Sheekooyinkan sawir ahaan oo qayb ka ah taxane ayaa lagu maamuusayo qaar ka mid ah haweenka Soomaaliyeed kuwaas oo caqabado badan u soo maray si ay u horumariyaan dalkooda iyo bulshadooda.

Sumaya Cilmi Dhuxulow, oo ah haweeney 31 sano jir ah, oo ah dhakhtarka hooyada iyo dhallaanka iyo dhakhtarka cudurrada ku dhaca haweenka, waxaa ay ka mid ah tahay dadka saameynta ku leh nolosha haween badan oo u baahan adeegyada daryeelka caafimaadka taranka.

Diktoreeso Sumaya waa haweeneydii lahayd maskaxdii ka dambeeysay aasaaska mid ka mid ah xarumaha caafimaad ee ugu horreeyay isla markana u gaar ah dhalmada iyo taranka. Isbitaalka Daryeel Dumar oo ku yaalla magaalada Muqdisho waxaa albaabada loo furay bisha Agosto ee 2017-kii, waxaana uu ilaa iyo haatan ku guuleystay in uu badbaadiyo nolosha dumar badan.

Isbitaalka wuxuu bixiyaa adeegyada sida daryeelka hooyada ka hor iyo kaddib dhalmada, waana xarun si buuxa ugu qalabeysan bukaannada haweenka ah. Isbitaal waxaa uu durbaba fulinaya baahida loo qabay isbitaal haweenka u gaar ah, oo ay muddo dheer dumarka baahi weyn u qabeen.

“Waxaan ogayn in sida caadiga ahba ay haweenka jecelyihiin in ay daweeyaan dhaqaatiir haween ah, si ay u ilaaliyaan sharaftooda, gaar ahaan xilliga dhalmada,” ayay tiri Dr. Sumaya, oo sidoo kale ah shakshi u ol’oleeya daryeelka caafimaadka hooyada.  

Tani iyo markii uu shaqo bilaabay, isbitaalka waxaa aad ku sii kordhay tirada bukaannada haweenka ah ee soo booqanaya, gaar ahaan haweenka uurka ah, waxaana celcelis ahaan bishiba ku dhashaa 14 carruur ah. Diktoreeso Sumaya ayaa sheegtay in isbitaalka uu gacan ka geystay ka hortagga geerida la xiriirta dhalmada.

Magaalada Beledweynena, oo boqollaal kilomitir u jirta caasimadda dalka, Magaalo Muxumed Cusmaan ayaa waxaa saameyn ku yeelaneysaa nolosha dad badan iyada oo  mareysa barnaamijyada nabadeynta ee ay ka waddo maamulka HirShabeelle.

Sanaddii 2012-kii, Magaalo waxaa ay aasaastay hay’ad lagu magacaabo Salbarwaaqo si ay wax uga qabato baahida isa soo tareysa ee bulshada. Waxaa ay ka mid tahay dadka maamul goboleedka ku nool ee ugu cadcad dhaqdhaqaaqa nabadda iyada oo u mareyso shaqadeeda ku aaddan dib u heshiisiin iyo nabad oo loo marayo ol’ole iyo dhiiriggelinta wada-hadalka.

Dadaallada ay Magaalo ku bixineyso nabadda ayaa waxaa ku dhaliyay rabitaankeeda ah in ay noolaato duni xor ah oo aan lahayn colaad. Xafiiskeeda ayaa waxaa ay u adeegsataa in ay u ol’oleyso xuquuqda rayidka si loo ilaaliyo xuquuqda dadka nugul, oo ay ka mid yihiin haweenka, carruurta iyo barakacayaasha.  

“Waxaan aad u dhibtooday xilligii uu dagaalka socday, waxaan ku waayay dad xigaalkeyga ah iyo saaxiibbadeyda. Hantideennii waa la burburiyay waxaanna noqonay dad ku tabaaleeysan gudaha dalkeena,” ayay tiri haweeneydan.

Dhibaatooyinkaas aya ku dhaliyay Magaalo in ay bilowdo barnaamijyo looga gol leeyahay in lagu yareeyo saameynta colaadda isla markana xiisadaha laga dul qaado bulshada. Hay’addeeda waxaa ay diiradda saareysaa horumarinta hab-nololeedka bulshada ku dhaqan HirShabeelle, waxaa ay fidisaa adeegyada waxbarashada, iyo dib u heshiisiinta dhinacyada dagaalamayo.

Dib haddii aan ugu laabanno caasimadda Soomaaliya, Sahra Cabdikariim Ibraahim ayaa heer gaartay iyada oo aasaastay mid ka mid ah shirkadaha guuleystay ee Tiknoloojiyadda Macluumaadka (IT) Soomaaliya, oo loo aqoonsan yahay ganacsi aad u tartan badan.

Waxaa ay aasaastay ganacsi ay iyadu leedahay, kaasi oo ah Shirkadda Somali Software and Technology Company, sannadii 2006-dii, xilligaas oo ay ku billoowday hal kombiyuutar oo keliya iyo qol yar oo kiro ahaa.

Si ay guul uga gaarto rabitaankeeda, Sahra waxaa ay u dhabar adeegtay caqabado badan, laga bilaabo amni darro iyo dhaleeceynta mashruucaas, iyo dhibaatooyinka la xiriira in la isku wado shaqo iyo qoys.

“Waan dareensanaa in aan galay ganacsi ay ku badan yihiiin ragga, balse taasi igama hor istaagin in aan maalgashto ganacsiga,” ayay tiri.

Muddo sanado ah gudahood, Sahra waxaa ay kobcisay shirkaddeeda oo ay ka dhigtay shirkadda ugu weyn Soomaaliya ee bixisa adeegga tiknoloojiyadda. Shirkadda waxaa haatan u shaqeeya 20 dhallinyaro oo xirfadleyaal ah waxaa ayna bixisaa adeegyo kala duwan ee Tiknoloojiyadda sida martigelinta bogga internet-ka iyo naqshadeynta, tebinta tooska ah, keydka xogta iyo tababarka Tiknoloojiyadda Macluumaadka (IT). Sahra ganacsigeeda kaliya ma aha mid faa’iido doon ah, balse waxaa ay sidoo kale si dhow ula shaqeyneysa dugsiyada iyo kulleejyada si loo xulo loona tababaro xirfadlayaasha Tiknoloojiyadda ee mustaqbalka.

Dhinaca Dowlad Goboleedka Puntland, Faaduma Diiriye Nuur waa haweeney leh hiigsi. Faadumo oo ah dadka halgamaa iyo ol’oleeye, si hagar la’aan ah ayay u sameysaa ol’ole ka dhan ah kufsiga, guurka carruurta iyo gudniinka fircooniga. 

“Markaan yaraa, waxaa la igu khasbay gudniinka fircoooniga, mana doonayo in gabdhaha kale ay maraan xanuun taasi la mid ah. Halkaas ha ku ekaato,” ayay tiri Faaduma oo guddoomiye ka ah Hay’adda Horumarinta ee Samofal. 

“Waa fal dembiyeed in la oggolaado in gabdhaha ay u dhintaan dhiig bax, ama ay xilli dambe umul raacaan, dhaqankan dartiis,” ayay raacisay.

Sida ay sheegtay Faaduma, arrimaha ay hay’adda diiradda saareyso ayaa isbeddelay kaddib markii ay sare u kacday shaqaaqada ka dhan ah haweenka ee Puntland. 

“Waxaan xoogga saari jirnay horumarinta haweenka iyo dhallinyarada, balse 2006-dii magaalooyinka waaweyn ee Puntland waxaa laga soo warramay toddoba kiis oo kufsi ah,” ayay xustay Faaduma. “Dhibaatadan waxaa ay noqotay in laga hortago, mana ka aamusi karin falal dembiyeed noocaas ah oo loo geysanayay haweenka.”

Faaduma waxaa ay xustay in hawenka iyo gabdhaha barakacayaasha ah ayaa ka mid ah dadka ugu nugul, gaar ahaan xaaladaha liita ee xerooyinka ka jira awgood. Waxaa ay intaasi raacisay in dadka falal dembiyeedkan geysta waxaa ay noqdaanba, aan loo dulqaadan shaqaaqadan oo kale.

“Xerooyinka intooda badan waxaa ay ku yaalaan meelo magaalooyinka ka baxsan, waxaa ayna la’yihiin hooy fiican, biyo iyo koronto,” ayay tiri Faadumo. “Markii ay haweenka iyo gabdhaha masaafo fog u socdaan si ay biyo u soo dhaansadaan, si fudud ayaa loo bartilmaameedsan karaa.”

In kastoo ay jiraan caqabado, waxaa ay xiriir xooggan la sameysay hoggaamiyeyaasha maxalliga ah iyo hay’adaha kale si loo joojiyo xadgudubka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Balse kaliya ma aha dadka aasaasay hay’ado ama shirkado dadka saameynta ku leh bulshada Soomaaliyeed. Haweenka heer ka gaaray xirfadahooda sida Asli Xasan Cabaade, oo ah duuliyaha ugu horreeyay ee dumar ah, ayaa sidoo kale saameyn wanaagsan leh.

Asli waxaa ay Soomaaliya ka tagtay 1970-kii si ay duuliyenimo ka soo barato dalka Talyaaniga kaddibna waxaa ay u wareegtay Mareeykanka. Waddankeedii ayay ku laabatay si ay ugu biirto Ciidamada Cirka ee Soomaaliya waxaa ayna shaqada duuliyenimo bilowday 1976-dii.

Kaddib marka ay toban sano shaqeyneysay, Asli mar labaad ayay waddanka ka tagtay kaddib markii uu jacayl dhex maray injineer diyaarad oo Mareykan ah. Asli oo leesan ka heysata hay’adda Federaaliga ah ee Maamulka Duulimaadyada ee loo yaqaano (FAA) waxaa ay sanadkiiba duulimaad samaysaa ugu yaraan labo mar si waafaqsan sida uu dhigayo qaanuunka FAA. 

“Waxaan sidoo kale ahay bare duulimaad, waxaana koorsooyin ku bixiyaa si bilaash ah. Ka dulliye ahaan, waxaan duuliyaa diyaaradda loo yaqaanno Airbus,” ayay tiri duuliyahan ku soo kortay Muqdisho.  

Asli ayaa aad ugu hanweyn in ay xirfaddeeda iyo khibraddeeda ugu faa’iideyso dhalinyarada Soomaaliyeed iyadoo taasi u arkeysa in ay qayb ka tahay xasilinta waddanka. ​

“Wakhtigeenna waan soo qaadannay, jiilkeenna waa ay ka faa’ideysteen dhallinyaranimadooda. Waxaa nalaga doonayaa in aynu tabobarno oo aan hagno dhalinyarada hadda joogta sababtoo ah mustaqbalka iyaga ayuu gacantooda ku jiraa,” ayay xustay. 

Xirfadlaha kale ee saameynta ku leh bulshada Soomaaliyeed waa saxafiyadda Leyla Cusmaan Maxamuud.

Leyla waxaa ay u soo joogtay dhibaatooyinka shacabka aan waxba galabsan ka soo gaaray dagaalladdii sokeeye ee socday in ka badan labaatan sano, taasi ayaana ku dhalisay in ay noqoto weriye raadiyo. 

“Waxaa aan mar walbo jeclaa in aan qayb ka noqdo isbeddelka nabadda si  ay jiilalka mustaqbalka  ku noolaadaan nolol teyda ka wanaagsan,” ayay tiri weriyahani da’da yar oo dhowr mar dhimasho ka badbaadday iyada oo howlo shaqo ku maqan si ay warar dhab ah oo ku saabsan Soomaaliya u gudbiso. 

“Waxaa jirtaa marmar oo aan is arko aniga oo taagan meel la isku xabbadeynayo aniga oo warar tebinaya. Mar, qof aan wada shaqeyno ayaa horteyda lagu dilay. Waxaa ay ahayd dhacdo xanuun badan oo saameyn xooggan igu reebtay,” ayay tiri Leyla. 

Mar kalena, weriyahani da’da yar waxaa ay dhimasho ka badbaadday kaddib markii madfac uu ku dhacay dhismo ku yaalla Muqdisho oo ay si toos ah uga soo warrameysay. “Dad badan oo warka toos u dhagaysanayey waxaa ay moodeen  in aan dhintay,” ayay tiri.

Labadaasi dhacdo ayaa ku filneyd Leyla in ay ku dhalato dareen ah in ay isaga tagto shaqada weriyenimo, balse waxaa ay go’aansatay in ay sii waddo oo ay awoodda warbaahinta u adeegsato u ol’oleynta nabadda. Leyla oo soo saare, soo jeediye iyo war akhriye ka ah warbaahinta Goobjoog oo ah mid ka mid ah warbaahinta ugu waaweyn, waxaa ka go’an in ay la dagaalanto waxyaabaha horseday colaadaha iyo dagaallada dalkeeda ka jira.  

“Soomaaliya muddo dheer ayay colaad ku soo jirtay, warbaahintana waa in ay si buuxda u gutaan kaalintooda ku aaddan nabadeynta,” ayay tiri.