Muna Ibraahim Dakhtar: Horseedidda tusaale ay ku hirtaan haweenka suxufiyiinta ah

24 Feb 2024

Muna Ibraahim Dakhtar: Horseedidda tusaale ay ku hirtaan haweenka suxufiyiinta ah

Hargeysa – Toddobaadkiiba laba maalmood, ka hor inta aan waagu beryin, maqaaxiyaha laga qaxweeyaana ay markaas uun albaabada furayaan, ayay kaligeed iyadoo degdegsan soo dhex jibaaxdaa dariiqyada oo cidlo ah magaaladuna ay huruddo.

Wakhti iskama luminayso oo hawl ayay u heellan tahay. Socodkeeda ayaad ka garanaysaa in ay degdegsan tahay meelna ku jihaysan tahay.

Degdegeedu waa mid la fahmi karo. Waxay daadihin doontaa barnaamijka subaxnimo oo hawada soo gala 6.30ka subaxnimo, kaas oo laba saacadood ka socda xarunta warbaahineed ee ugu caansan magaalada.

“Asalaamu calaykum dhagaysteyaasha sharafta leh. Ku soo dhawaada barnaamijka subaxnimo ee idaacadda Raadyow Hargeysa. Magacaygu waa Muna Ibraahim Dhakhtar, saaka barnaamijka aniga ayaa idiin daadahin doona," ayay ku bilawdaa.

Muna waxay shaqadan qabataa maalmaha Isniinta iyo Arbacada, iyada oo ka timaadda gurigooda oo ku yaalla xaafadda Idaacadda ka hor inta aanay qorraxdu soo bixin, waajibaadkeedana gudata. 

Shaqadan waxay haysay laga soo bilaabo 2011kii, kallahaaduna dhib ah kuma hayso.

“Waxaan jecelahay in aan xafiiska joogo saacad ka hor baahinta barnaamijka halkii aan ka soo habsaami lahaa daqiiqad,” ayaa ay tidhi. 

Gabiley iyo Hargeysa

Muna oo ku dhalatay Gabiley sannadkii 1992, waxa ay suxufinimo ku shaqaynaysay saddex iyo toban sanno. Waxa ay yaraanteedii ku hamiyi jirtay in ay noqoto dhakhtarad, laakiin muddadii ay waxbarashadeeda ku guda jirtay ayaa waxa soo jiidatay mihnadda saxaafadda.

Markii ay magaaladan ku dhammaysatay waxbarashadeedii hoose/dhexe iyo sare, waxa ay shahaadadda heerka koowaad ka qaadatay jaamacadda Gollis ee Hargeysa- taas oo ku saabsanayd cilmiga xisaabaadka, shahaadadda darajada labaad oo ah maamulka hay'adaha dawliga ahna waxay ka qaadatay Machadka Shaqaalaha Dawladda ee Hargeysa.

“Markii aan diyaarinayey shahaadadda koowaad Hargeysa kama jirin kuliyadda saxaafaddu. Markii aan mastarta dhiganayeyna, waxaan door biday in aan qaato aqoon la xidhiidha maaraynta iyo hoggaaminta,” ayaa ay tidhi.

Laga soo bilaabo 2011 waxa ay ka shaqaysaa idaacadda Raadyow Hargeysa – oo ah idaacaddii ugu horraysay dunida ee Af-Soomaali ku hadasha. Waxaa la aasasay sannadkii 1942 ilaa maantana horumarkeedu si wacan ayuu u socdaa.

Muna waa suxufiyad ay dhagaystayaashu si wanaagsan u yaqaanaan, iyadoo magac ku yeelatey barnaamijka arrimaha qoyska iyo haweenka ee ay ka soo jeedin jirtay idaacadda iyo telefishanka.

Waxa ay sidoo kale saddex sannadood la soo shaqaysay BBC Media Action oo ah hay’ad warbaahintan caalamiga ah ee Ingiriiska ah u qaabilsan samofalka, iyada oo qaabilsanayd barnaamij ku saabsan hal-abuurka ganacsiga iyo haweenka, kaas oo ay iska kaashanayeen Raadyow Hargeysa. Sidoo kale waxay shaqooyin ka soo qabatay Royal 24 TV iyo Horyaal 24 TV.

In kastoo ay wakhti badan shaqayso, dhaqaalaha ka soo galaana aanu badnayn, haddana Muna way jeceshahay shaqadeeda sababo la xidhiidha haweenka oo ay ku dhiirrigeliso in ay ku soo biiraan saxaafadda iyo in ay kor u qaaddo wacyiga dadweynaha ee ku saabsan awoodda aan xaddidnayn ee haweenka.

“Waxaan doonayaa in aan wax ka beddelo fikradaha khaldan ee ay dadweynuhu ka qabaan haweenka, waxaanan aaminsanahay sida ugu wanaagsan ee aan wax kaga beddeli karaa in ay tahay adeegsiga warbaahinta” ayaa ay tidhi, iyadoo ku faraxsan in ay u baydhay dhinaca saxaafadda kana leexatay ganacsiga.

Iyadoo sidaas maanka ku haysa, Muna waxa ay isku daydaa in ay tusaale u noqoto haweenka kale ee Soomaalida ee ka fikiraya in ay ku biirraan shaqada saxaafadda. Barteeda Facebook oo ay kala socdaan 20,000 oo qof waxay dadka kala socodsiisaa arrimaha ku saabsan shaqadeeda iyadoo soo dhigta sawiro muujinaya goobta shaqadeeda wakhtiyada ay ku guda jirto hawl-maalmeedkeeda.

Cutub cusub

Mas’uuliyadaha saaran Muna ayaa sannadkii la soo dhaafay kordhay.

Bishii August, waxay ka mid ahayd 120 suxufi oo loo tababaray ka-warbixinta taxadirka leh ee colaadaha. Tababarka waxa fidiyay Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo taageero ka helaya QM. 

“Waxaan bartay aqoon iyo xirfado la xidhiidha in aan si taxadar leh u diyaariyo warbixinaha colaadaha iyo in aan si wax-ku-ool ah u qaado waraysiyada adag ee madaxda sare lala yeesho. Waxaan rajaynayaa in QM ay sii wadi doonto bixinta tababarro dheeraad ah oo loogu talagalay suxufiyiinta Somaliland,” ayay tidhi Muna.

Wakhtigaa may sii ogayn in doorka ay ku leedahay SOLJA uu sii xoogaysan doono, isla markaana ay taariikh cusub dhigi doonto.

Dhammaadkii sannadkii 2023, waxay u tartantay doorashada xoghayaha fulinta SOLJA. Waxay hore uga tirsanayd Golaha Sare ee SOLJA, 2021-2023.

In kastoo ay markii hore ka cabsi qabtay 17 musharixiin ah oo rag ah oo aqoon iyo xirfad lagu guulaysan karo lahaa oo u tartamayay Golaha Sare iyo laba rag ah oo u tartamayay jagada Xoghayaha, haddana waa ay ku guulaysatay, iyadoo noqotay haweenaydii ugu horraysay ee qabata xilka xoghayaha fulinta tan iyo markii ururkan aan dowliga ahayn la aasaasay sannadkii 2003. Muddo-xilleedkeeda saddexda sanno ah wuxuu u bilaabmay January 2024.

SOLJA waa urur aan dawli ahayn, madax-bannaan oo ay ku midaysan yihiin suxufiyiinta Somaliland, wuxuunna ka kooban yahay 38 xarumo warbaahineed iyo 800 oo xubnood oo bahda warbaahinta ah. Hawshiisu waa ilaalinta iyo kor-u-qaadista xuquuqda saxaafadda, ballaadhinta xorriyadda hadalka ee Somaliland, iyo xoojinta aqoonta iyo xirfadaha xubnahiisa.

“Doorashada Muna maaha wax aan la filayn- waxay ahayd qof si fiican ugu habboon xilka. Maaha oo kaliya suxufiyad xirfad leh oo la jecel yahay balse sidoo kale waa hoggaamiye adag oo awoodda in ay hoggaamiso urur kasta,” ayuu yidhi Agaasimaha Fulinta SOLJA, Ismaaciil Axmed Ismaaciil.

Waraysi ay telefishanka Horn Cable TV siisay ka dib markii ay guulaysatay, waxay kaga warrantay safarkii ay ku soo gaadhay xilka iyo dadaalka iyo diyaar-garowga uu u baahnaa.

“Doorashadaydu aniga oo kaliya macno weyn iiguma fadhido balse waxay sidoo kale macno u samaynaysaa dhammaan haweenka ku haminaya in ay suxufiyiin noqdaan. Waxaan hadda ka tirsanahay hoggaanka ururka SOLJA, anniga oo qayb ka ah go’aanada la qaadanayo” ayay tidhi. 

Iyadoo sii wadata hadalakeeda la xidhiidha 2023, waxay tidhi, “Kuma hamminayo oo kaliya in aan noqdo suxufiyad wanaagsan balse waxaan sidoo kale ku hamminayaa in aan hoggaamiye wanaagsan ka noqdo warbaahinta.”

Muddo-xileedkeeda xafiiskan aan dawliga ahayn inta ay ku gudo jirto waxay mudnaanta siinaysaa dhisidda aqoonta, kartida iyo xirfadda suxufiyiinya Somaliland, gaar ahaan haweenka suxufiyiinta ah.

Haweenka suxufiyiinta ah

Caqabado waaweyn ayaa horyaalla haweenka suxufiyiinka ah ee Soomaalida – kuwaas oo ay ugu horreeyaan fikrado khaldan oo laga haysto iyo iyadoo xirfadda saxaafadda badanaa loo arko in ay tahay mid ragga u gaar ah iyo jiritaan-la’aanta tababar warbaahineed oo ku habboon.

“Haweenka suxufiyiinta ah way dedaal badan yihiin laakiin waxay inta badan qaataan tababaro muddo gaaban soconaya halkii ay ka raadsan lahaayeen shahaaddooyin heer jaamacadeed ah. Waxaan gabdhaha ku dhiirrigeliyaa in ay waxbarashada saxaafadda meel sare ka gaadhaan,” ayay tidhi.

Muna waxay sidoo kale haweenka ku dhiirigelisaa in ay si niyadsami ah u fikiraan isla markaana aanay ka  tanaasulin ku raad-joogidda yoolasha ay higsanayaan.

“Dariiqa aan soo maray wuxuu daliil u yahay, inkastoo ay caqabado jiraan, in haweenku ay samayn karaan horumar ayna qaban karaan jagooyin sare,” ayay tidhi, iyada oo intaas ku dartay in hal-ku-dheggeeda nolosha laga dheehan karo hadalkii ay hore u tidhi Marwadii hore ee Madaxweynaha Maraykanka Michelle Obama kaas oo ah “Xuduud ma laha waxa aynu ku guulaysan karno haddii aynu nahay haween.”

Taageerada QM

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, waa aasaasi in warbaahintu dhiirrigeliso sinnaanta xuquuqda jinsiga ee goobaha shaqada iyo metelaadda haweenka. Ururrada suxufiyiintu door muhiim ah ayay ka qaadan karaan shaqadan, ugu yaraan iyagoo hubinaya in ajandaha warbaahinta uu ku jiro in si siman loola dhaqmo dhammaan shaqaalaha warbaahinta.

Warbixino hore ayaa QM waxay ku xustay in meelo badan haweenku ay ka shaqeeyaan qaybaha wararka laakiinse ay raggu weli ku xeeran yihiin xilalka sare ee warbaahinta. Haweenka waa la gacan-bidixeeyaa warbaahinta dhexdeeda marka la eego shaqooyinka ay qabtaan iyo fursadaha ay heli lahaayeen si ay xirfadda heer sare uga gaadhaan. Mararka qaar, waxaa xitaa lagu muquuniyaa ururrada shaqaalaha ee iyaga metela.

Qaramada Midoobay waxay taageeraysaa horumarinta saxaafadda iyada oo la shaqeynaysa ururrada saxaafadda ee kala duwan.

Sannadihii 2022 iyo 2023, Xafiiska Isku-dhafka ah ee ay QM ku leedahay magaalada Hargeysa wuxuu taageeray lix kooras oo tababbar ah, oo uu ka mid tahay mid lagu qabtey magaalada Boorama, taas oo ay hirgeliyeen ururka SOLJA, Ururka Suxufiyiinta Haweenka ah (WIJA) iyo Ururka Haweenka Saxaafadda Ku Jira (FIMO).

Casharrada waxaa diiradda lagu saarayay diyaarinta taxadarku ku ladhan yahay ee warbixinaha colaadaha iyo xirfado loogu talagalay haweenka suxufiyiinta ah. Mid ka mid ah tababarada waxa kor loogu qaadayey xirfadda fagaare-ka-hadalka ee haweenka leh hanka siyaasadeed iyo xirafadooda warbaahineed ee mustaqbalka anfici karta.