HADALJEEDIN KU SAABSAN XAALADDA SOOMAALIYA OO AY ERGEYGA GAARKA AH EE XOG-HAYAHA GUUD CATRIONA LAING U JEEDISEY GOLAHA AMAANKA

20 Feb 2024

HADALJEEDIN KU SAABSAN XAALADDA SOOMAALIYA OO AY ERGEYGA GAARKA AH EE XOG-HAYAHA GUUD CATRIONA LAING U JEEDISEY GOLAHA AMAANKA

(Sidii looga jeediyey, New York, 19kii Febraayo 2024)

Marwo Madaxweyne, Xubnaha Sharafta leh ee Golaha Amaanka,

Waxaan soo dhoweynayaa fursaddan aan hortiina ka soo jeedinayo waxyaabihii ku soo kordhey Soomaaliya tan iyo warbixintaydii tan ka horreysey ee aan idin siiyey bishii Oktoobar. Waxaa farxad ii ah in aan warbixintan ka soo barbar-jeedinayo Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC), Souef Mohamed El-Amine. Waxaan doonayaa in aan bogaadiyo hawlgalka Midowga Afrika, ATMIS iyo adeegga daacadnimada ku dheehan tahay ee ay hawlwadeenadiisa iyo ciidamadiisu bixiyaan.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya (DFS) waxay horumar la taaban karo bilihii ugu dambeeyay ka sameysay hirgelinta waxyaabaha hortebinta leh ee ay mudnaanta siineyso, oo ay ka mid tahay dhammeystirka qorshe-hawleedka (roadmap) amniga ee muhiimka ah ee lagu soo bandhigay Shirka Amniga Soomaaliya ee dhacay 12kii Disembar ee sannadkii hore. Warbixinteydii ugu dambeysey ka dib, Soomaaliya waxay sidoo kale ku biirtay Ururka Bulshada Bariga Afrika (East African Community), waxay gaartey xaqiijinta dhammeystirka Hindisaha Dalalka Saboolka ah ee Aadka u Qaameysan/Heavily Indebted Poor Countries (HIPC), waxay ku guulaysatay in laga qaado cunuqabeyntii hubka waxaanna ugu dambeeyay oo ay ku guulaysatay in Golaha Fulinta ee Midowga Afrika (AU) ay isku raacaan in ay u tartanto kursiga Golaha Amaanka ee muddo-xilliyeedka 2025-26.  Kuwani waa guulo aad u waaweyn.

Bahda QM ee Muqdisho ku sugan ayaa sannadka ugu bilowday xaalad adag, gaar ahaan dhacdadii ka dhacday Galmudug markay taariikhdu ahayd 10 Jannaayo oo ay ku luglahayd mid ka mid ah diyaaradaheenna qumaatiga u kaca. Waxaan si dhow ula shaqeynaynaa Dowladda Federaalka iyo dhammaan bah-wadaagta si loo xaqiijiyo in ay si nabad ah ku soo noqdaan rakaabkii iyo shaqaalihii diyaaradda. Waxaan sidoo kale jeclaan lahaa in aan xuso geeridii naxdinta lahayd ee ku timid xubin ka tirsan Ciidanka Ilaallada Qaramada Midoobay (UNGU) kaas oo lagu dilay weerar aan toos ahayn oo ay Al-Shabaab ku soo qaaday xarunta Qaramada Midoobay 11kii Jannaayo. Inkastoo ay jiraan dhacdooyinka naxdinta leh, haddana waxaan diiradda saarnaa in aan Soomaaliya ku taageerno ajandaheeda sida saxda ah u hanweyn ee sannadka soo socda.

Warbixinteyda maanta waxaa ay taaban doontaa siddeed arrimood:

  1. Waxyaabihii ku soo kordhey siyaasadda
  2. Waxyaabihii ku soo kordhey gobolka
  3. Amniga
  4. Haweenka, nabadda iyo amniga
  5. Xuquuqda aadanaha
  6. Xaaladda bani’aadamnimada iyo xiriirrada is-beddelka cimillada
  7. Horumarka dhaqaalaha
  8. Kala-guurka

Waxyaabihii ku soo kordhey siyaasadda

Marwo Madaxweyne, waxaan ku bilaabi doonaa waxyaabihii ku soo kordhey siyaasadda.

Soo-jeedimihii Golaha Wada-tashiga Qaranka (NCC) ee 27kii Maajo ee ku saabsanaa qaabka doorashada ee cusub ee la soo-jeediyay ayaa si xooggan looga doodayaa.  Marka laga eego dhanka wanaagga, waxaa jirta taageero ballaaran oo ay shacabku u hayaan u gudbidda doorashooyinka Hal-qof iyo Hal-Cod (OPOV), laakiinse waxaa sidoo kale jirta in laga dheregsan yahay in jadwalka waqti ee uu soo jeediyay Golaha Wada-tashiga Qaranku ay yihiin kuwo xaqiijintoodu fududeyn.  QM waxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta kala shaqeynaysaa diyaarinta qorshe maangal ah oo xaqiijinaya in la joogteeyo xiisaha loo qabo in loo gudbo doorashooyin hal-qof iyo hal-Cod (OPOV).

Waxaan soo dhoweynaynaa ansaxinta dhowaan uu Baarlamaanka ansaxiyay xeerarka habraaca wax-ka-beddelka dastuurka. Ansaxintan waxay dhabbe cad u xaareysaa hannaanka la raacayo. Waxaa hadda degdeg loogu baahan yahay in heshiis wada-oggol ah laga gaaro guud ahaan qaabka (shuruucda) doorashada. Marka la eego dastuurka, waxaan dhinacyada oo dhan ku dhiirrigelinaynaa in ay isu-tanaasul sameeyaan si hannaanka loo dhammeystiro. Haddii aan la helin dastuur heshiis lagu yahay, Soomaaliya waxay weli u sii nuglaanaysaa xasarad ma-dhammaato ah haddaan la helin xeerar la isku raacsan yahay oo lagu wada dhaqmayo si xal loo gaaro.

Waxaan shacabka Dowlad-goboleedka Puntland ku bogaadinayaa sida nabadgelyada leh ee ay u soo gebogebeeyeen hanaankii doorashadii dhacday 8dii Jannaayo 2024. Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni – Madaxweynihii lixaad ee Puntland – ayaa mar kale waxaa dib-u-doortay Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Puntland si uu u sii hayo talada. Ka-soo-qaybgalkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo saddex Madaxweye Dowlad-goboleed ee xafladii caleema-saarka ee dhacay 25-ka Jannaayo ayaa waxay ahayd wax wanaagsan. Waxaan rajeynaynaa in ay tani abuurtay aasaaska sal loogu dhigo dib u- billaabidda wada-xaajoodka iyadoo Madaxweyne Deni si buuxda uga qaybqaadanayo hannaanka Golaha Wada-tashiga Qaranka (NCC). Shirka la qorsheeyay in uu ka dhaco Garoowe ee ku saabsan mustaqbalka Soomaaliya ayaa noqon kara qayb muhiim ah oo ka mid ah dib-u-bilaabiddan, iyadoo fursad loo helayo wada-tashi ballaaran in lala yeesho daneeyayaasha muhiimka ah, oo ay ku jiraan haweenka iyo dhallinyarada. 

Magaalada Laascaanood iyo gobolka Sool, xaaladda ayaa deggan tani iyo dagaaladdii dhacay bishii Nofembar 2023. Haseyeeshee, ma jirto xabad-joojin rasmi ah. Waxaan sii wadeynaa in aan ugu baaqno dhammaan dhinacyada in lagu dadaalo in dhakhso la isu dhaafsado dadka la kala haysto, ballanqaad ku aaddan in gacan-ka-hadal kale uusan dhicin iyo in la billaabo wada-hadal si wax looga qabto waxyaabaha aasaaska u ah ee sababa colaadda. Waxaan wadnaa in aan gargaar bani'aadamnimo siinno kuwa ay dhibaatadu taabatey iyo in aan taageero ka geysano miino-saarista iyo soo-kabashada hore.

Waxyaabihii ku soo kordhey gobolka

Marwo Madaxweyne, wargelinteyda labaad waxaa ay ka hadleysaa waxyaabihii ku soo kordhey gobolka.

1dii Jannaayo, Itoobiya iyo “Soomaalilaan” ayaa ku dhawaaqay Heshiis Is-Afgarad ah/morandum of Understanding (MoU) kaas oo sida la sheegay Itoobiya 50-sano looga kiraynayo 20-kilimitir oo marin-badeed ah oo looga beddelanayo faa'iidooyin siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale oo ay “Soomaalilaan” helayso. Faahfaahinta heshiiska is-afgaradka (MOU) oo dhammeystiran lama hayo, laakiin hadallo fagaareyaal laga sheegey ayaa waxay Soomaaliya ka dhex dhaliyeen falcelinno dadweyne oo ka soo horjeeda. Waxaa sidoo kale welwel leh in la arko Al-Shabaab oo xaaladdan uga faa'iideysanaysa in ay askar ku qoroto. Waxaan aqoonsanahay in dareenka xooggan ee Soomaaliya ka jira in uu cadaadis Dowladda ku saarayo in ay jawaab ka bixiso falka, waxaanna Madaxweynaha ku dhiirrigelinaynaa in uu jawaabta uu bixinayo ay ahaato mid miisaaman.

Waxaan ku celinayaa hadaladii Xoghayaha-Guud oo xusay in Golaha Amaanka uu si isdaba-joog ah marar badan u caddeeyey inuu qadarinayo gobannimada, midnimada dhuleed, iyo mid-ahaanshaha Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay in dhammaan dhinacyadu ay yeeshaan wadahadal nabadeed oo waxtar leh kana fogaadaan fal ama hadallo kasta oo xiisadda sii kiciin kara.

Xaaladda waa in lagu xalliyaa wadahadal waxtar leh. Marka dhinacaas laga eego, waxaa wax laga xumaado ah in aan wax horumar ah oo la taaban karo laga gaarin shir-madaxeedkii ugu dambeeyay ee Midowga Afrika. 

Amniga

Marwo Madaxweyne, wargelintayda saddexaad waxaa ay diiradda saareysaa xaaladda amniga.

La-dagaalanka Al-Shabaab ayaa weli ah mid ka mid ah mudnaanaha ugu sarreeya ee Dowladda. Roobab mahiigaan ah iyo fatahaado ayaa dabayaaqadii sannadkii 2023 carqaladeeyay hawlgalladii socday. Haseyeeshee, tan iyo bishii Disembar markii ay yaraadeen roobabka, ayaa ciidamada dowladda waxay xoogaa guulo ah ka gaareen koonfurta iyo bariga dowlad-goboleedka Galmudug. Dowladdu waxay hadda isu-diyaarinaysaa in ay dib u bilowdo hawlgallo baaxad-weyn.

QM waxay ku faraxsan tahay in ay ku warbixiso xoogaa horumarin wanaagsan ah oo laga gaarey xasilinta goobaha dhowaan dib loo xoreeyey. Gaar ahaan, waxaa jiray horumar laga gaarey gaarsiinta talinta sharciga, maamul, dib-u-heshiisiin, iyo bixinta adeegyada aasaasiga ah. Mashaariicda barnaamijyada wadajirka ah ee QM ayaa laga hawlgaliyay goobaha dib loo xoreeyey; si kastaba ha ahaatee, maaliyadaha loogu talagalay mashaariicdaas ayaa xaddidan. Waxaan bah-wadaagteenna caalamiga ah ku dhiirrigelinayaa in ay bixiyaan dhaqaalaha loo baahan yahay si loo daboolo baahiyada xasilinta muhiimka ah ee goobaha dhowaan dib loo xoreeyey.

Mas'uuliyadaha amniga Madaxtooyada iyo Villa Somalia ee lagu wareejiyay Ciidamada Ammaanka Qaranka markay taariikhdu ahayd 14kii Disembar 2023 waxay Soomaaliya u ahayd guul muhiim ah oo astaan u ah. Waxaa jiray xoogaa dib-u-dhac ah oo ku yimid dhammeystirka Wajiga 2aad ee dhimista ciidamada, laakiinse waxaa lagu guulaystay in si buuxda loo dhammeystiro dhammaadkii bishii Jannaayo.

Maaddaama uu hadda socdo qorshaha hawlgal uu Midowga Afrika hormuud ka yahay oo cusub laga bilaabo Jannaayo 2024, qorshayaasha dhimista ciidamada ayaa loo baahan karaa in dib loo eego si loo saamaxo in si habsami leh loogu gudbo ciidamo cusub iyo si looga hortaggo in amniga uu gacanta ka baxo inta lagu guda jiro wajiga kala-guurka. Waa muhiim ah in dhimis kastoo kale ee lagu sameynayo ciidamada ATMIS in loo sameeyo hab xaqiijinaya ilaalinta bulshooyinka degaanka iyo suuragelinaya joogitaanka joogtada ah ee beesha caalamka ee Soomaaliya.

Waxaan soo dhoweynayaa ballanqaadkii ay Dowladda Federaalka sameysay 11-ka Febraayo oo ahaa in ay dhammaan rasaasta waaweyn ee aadka u qaraxda ka rareyso xarunta kaydka hubka ee Xalane ugu dambeyn 25ka Febraayo. Arrinatan waxay muhiim u tahay in la yareeyo halista hubkaasi uga imaan karta beesha caalamka iyo dadka deggan degaannada ku hareeraysan.

Haweenka, nabadda iyo amniga

Marwo Madaxweyne, wargelintayda afaraad waxaa ay ku saabsan tahay Haweenka, Nabadda iyo Amniga.

Waxaan sii wadnay in aan kala shaqeyno Dowladda, haweenka ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo ururrada rayidka ah horumarinta hirgelinta kootada haweenka ee boqolkiiba 30. In kastoo la sameeyay dadaallo wadajir ah, haddana metelaadda iyo ka-qaybgalka siyaasadda ee haweenka  ayaa weli caqabad weyn ah. Tusaale ahaan, kaliya mid ka mid ah xubnaha cusub ee Baarlamaanka Puntland ayaa haween ah, marka la eego lixdan-iyo-lix xubnood ee baarlamaanka. Habka doorashada, arrimaha amniga, qaab-dhismeedyada maamul ee raggu taliyo, iyo maalgelin la'aanta ololaha siyaasadeed ee dumarka ayaa dhammaan gacan ka geystay in ay yaraato metelaadda haweenka.

Waxaan bisha Febraayo mar kale la kulmay hoggaamiyayaal sare oo haween ah. Waxay ii dhiibeen saddex farriimood oo muhiim ah. Tan koowaad, waa in Dastuurka hadda ay dib-u-eegistiisu socoto lagu qoraan in haweenku ay ugu yaraan metelaad boqolkiiba 30 ah oo ay haweenku ka helaan dhammaan heerarka kala duwan ee maamul. Tan labaad, waxay ku nuux-nuusadeen taageerada xooggan ee ay u hayaan doorashooyin hal-qof, hal-cod ah. iyo Tan saddexaad, waxay si xooggan uga soo horjeedaan Heshiiska Is-afgaradka u dhaxeeya Itoobiya iyo “Soomaalilaan” maadaama ay suuragal tahay in uu colaad u horseedo gobolka, iyadoo la ogsoon yahay saameynta dheeriga ah ee ay colaadda ku yeellan karto haweenka iyo gabdhaha.

Xuquuqda aadanaha

Marwo Madaxweyne, wargelinteyda shanaad waxaa ay khuseysaa Xuquuqda Aadanaha.

Dhinaca sharci-dejinta, Hindise-sharciyeedka Dembiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada/ Offences of Rape and Indecency Bill (ORIB) ayaa waxaa ansaxiay Golaha Wasiirrada Soomaaliya. Ilmo ama cunug in lagu qeexo in uu yahay qof ay da'diisu ka yar tahay 18 sano jir ayaa tallaabo wanaagsan ah.  Haseyeeshee, waxaa jira qodobbo hindise-sharciyeedka ku jira oo aan waafaqsanayn jaangooyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha. Tusaale ahaan, qeexidda kufsiga waa in cunsurka oggolaanshaha ugu jirtaa in uu yahay qayb dembiga ka mid ah, dembiyada anshax-xumada na waa in si cad loo qeexaa si hab-dhaqankaasi uu u noqdo mid sharciga ku cad, mamnuuc ah oo ciqaab lagu muteysan karo. QM waxay bixisay taageero farsamo oo kor loogu qaadayo u hoggaansamidda waxayna bah-wadaagta kala shaqeynaysaa u qareemaynta in Hindise-Sharciyeedka wax-ka-beddel lagu sameeyo si loo waafajiyo jaangooyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.

Waxaan ka walaacsanahay tirada badan ee carruurta ay waxyeelladu ka soo gaarto haraadiga walxaha qarxa ee ka haray dagaallada iyo dhacdooyinka is-rasaaseynta oo saameyn gaar ah ku yeeshay carruurta. Waxaan aad uga fakaraa tirada xadgudubyada lala xiriirinayo Al-Shabaab iyo sidoo kale afduubka joogtada ah ee kooxdu u geysanayso carruurta iyadoo ujeeddadu tahay in ay askareeyaan oo ay adeegsadaan. Waxaan dhammaan dhinacyada colaadda ugu baaqayaa in ay si dhaqso ah u joojiyaan oo ay uga hortagaan xadgudubyada iyo in ay u hoggaansamaan waajibaadyada ka saaran sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada iyo sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.

Xaaladda bani’aadamnimada iyo xiriirrada is-beddelka cimillada

Marwo Madaxweyne, wargelinteyda lixaad waxaa ay ku saabsan tahay xaaladda bani’aadamnimada iyo xiriirrada is-beddelka cimillada.

Dhibaatada bani'aadamnimada ee Soomaaliya ayaa ah mid ba’an. Sannadkii 2023, Soomaaliya waxaa ka dhacay abaartii ugu xumeyd ee soo marta muddo tobannaan sano ah, waxaanna ku xigay saameyntii El Niño oo horseeday roobab mahiigaan ah iyo fatahaado waaweyn oo ka dhacay bilihii Oktoobar iyo Nofembar 2023. Dhibaatadan ayaa saameysay in ka badan 2.4 milyan oo qof, waxaanna ay biyuhu fariisteen dhul-beereedyo, waxayna waxyeelleeyeen kaabayaasha dhaqaalaha ee muhiimka ah.

Qorshaha Wax-ka-qabashada Baahiyada Bani'aadamnimada ee 2024 wuxuu u baahan doonaa USD 1.6 bilyan si loo haqabtiro baahiyada 5.2 milyan qof oo ah dadka ugu nugul Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, tani ayaa ah hoos-u-dhac boqolkiiba 37 ah marka loo eego tii sanadkii 2023. Dhimistan waxay waafaqsan tahay hab cusub oo wax-ka-qabashada bani'aadamnimada looga dhigayo mid mudnaan la siinayo oo si aad ah loo beegsanayo dadka baahida qaba, iyadoo la eegayo maaliyadaha la helayo ee sii yaraanaya guud ahaan caalamka. Arrintan ayaa u baahan doonta in iskaashi ballaaran lagala sameeyo hay'adaha ka shaqeeya arrimaha horumarinta iyo nabadda si wax looga qabto nuglaanshiyaha salka u ah baahida.

Istiraatiijiyadaha u adkeysiga cimilada in la dhexgeliyo gargaarka bani'aadamnimada waa muhiim si loo abuuro xalal waara, la joogteyn karo oo wax looga qabanayo caqabadaha adag ee Soomaaliya hor-taagan, tanina waxay u baahan tahay wax-ka-qabasho dhammeystiran oo dhaafsiisan qaababka gargaarka caadiga ah si loo dhiso adkeysi loo marayo xalal waara. Ka-dib Guddiga Dhinacyada/Committee of Parties (COP28) iyo dhammeystirka Hindisaha Dalalka Saboolka ah ee Aadka u Qaameysan (HIPC) ee dhowaa, waxaa jira dardar xooggan oo lagu horumarin karo in ay Soomaaliya hesho maaliyadaha cimillada. Soomaaliya ayaa sidoo kale ku biirtay Guddiga Fulinta ee Helidda Maaliyadda Cimiladda/Task Force to Access Climate Finance, taas oo u oggolaanaysa in ay hesho maaliyadihii lagu yaboohay shirkii COP28.

Horumarka dhaqaalaha

Marwo Madaxweyne, wargelinteyda toddobaad waxaa ay ku saabsan tahay horumarinta dhaqaalaha.

Waxaan jeclaan lahaa in aan ugu hambalyeeyo Dowladda iyo dhammaan bah-wadaagta ku taageeray Soomaaliya in ay si guul leh ku soo gebagebeyso bishii Disembar hannaanka deyn-cafinta ee Dalalka Saboolka ah ee Aadka u Qaameysan (HIPC). Waxaa dhiirrigelin leh in Soomaaliya ay sannad kale ka heli doonto maaliyadsiinta deeqda ah ee  Bankiga Adduunka. QM waxay taageeraysaa mudnaanaha Dowladda ee ku saabsan abaabulka dakhliga gudaha, isla-xisaabtanka iyo ballanqaadka ay adeegyada bulshada ku gaarsiineyso muwaadiniinteeda.

Dhinaca maaliyad-siinta qaran-dhiska, QM waxay wajahaysaa hoos-u-dhac weyn oo ku aaddan barnaamijyadeeda wadajirka ah ee istiraatiijiyad ahaan muhiimka ah. Haddii aan la helin maaliyad ku filan, ma awoodi doonno in aan bixinno Qaab-dhismeedka Iskaashiga Horumarinta Waara ee QM/UN Sustainable Development Cooperation Framework, kaas oo la jaanqaadaya Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Soomaaliya. Waxaan bahwadaagta caalamiga ah ku dhiirrigelinayaa in ay dhaqaale ku filan u diyaariyaan Sanduuqa Wadajirka ah ee Soomaaliya.

Qorsheynta kala-guurka

Marwo Madaxweyne, waxaa ugu dambeeya oo aan muhiimad yareyn, in aan jeclaan lahaa in aan war kooban kaa siiyo dhinacyada istiraatiijiga ah ee qorsheynta kala-guurka.

Shirkii Amniga ee la qabtey bishii Disembar, Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ku soo bandhigtay qorshaheeda ku aaddan sidii mas’uuliyad buuxda ee amniga loogu wareejin lahaa si ay u noqoto mid uu qaranku leeyahay. Bahwadaagta caalamiga ah waxay muujiyeen sida wadajirka ah ee ay uga go'an tahay in ay DFS ka taageeraan la-dagaallanka kooxaha hubeysan iyo dhisidda mustaqbal barwaaqo ah oo xasilloon. Iyada oo dhimista ciidamada ATMIS ay socoto, ayaa Soomaaliya waxaa ay codsatey hawlgal cusub oo Midowga Afrika leeyahay, hadafkiisa dib-loo-jiheeyey, oo yar, oo diirradda saarayo ilaalinta. Dalladda amniga ayaa sidoo kale aasaasi u ah in ay suuragal noqoto fulinta hawlgalka QM iyo dadaallada ballaaran ee ay beesha caalamka ka wado Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay codsaneysaa xirmada taageerada saadka QM oo la kobciyey oo lagu xoojinayo awoodda iyo nidaamyada qaranka. Dib-u-eegista Madaxa bananan ee UNSOS, ayaa lagu baari doonaa sida tani lagu gaari lahaa iyada oo ah qaab lagu xoojinayo awoodda Dowladda Soomaaliya. Maaliyadsiin la saadaalin karo, la joogteyn karo oo loogu talagalay hawlgalka Midowga Afrika ee cusub ayaa muhiim ah. Waxaan kala shaqeynaynaa Midowga Afrika iyo DFS, sahaminta dhammaan hababka maaliyadsiinta suuragalka ah, oo ay ka mid tahay in qaraarka 2719 lagu dabaqo maaliyadsiinta Hawlgallada Taageerada Nabadda ee uu Midowga Afrika hormuudka ka yahay. Waxaan sidoo kale Midowga Afrika iyo bah-wadaagta kale kala shaqeynaynaa xaqiijinta in aan si wadajir ah u taageerno qaybta amniga in ay noqoto mid isku-xiran iyo in aan abuurno habab shaqo hal-abuur ku dhisan, fudud, oo kharash ahaanna taabogal ah. Waxaan aqoonsannahay in aan ‘hawsha’ sidii hore si ka duwan in aan u qabanno si loo hubiyo in uu ahaado hab la joogteyn karo.

Gebaggebo

Marwo Madaxweyne, Gebagebadii, Soomaaliya waxaa ay weli tahay mid adkeysi leh, waxaana sii xoogeysanaya sida ay Dowladda Federaalka ay uga go'an tahay ajandaheeda dowlad-dhisidka. Dadaallada ololaha ka dhanka ah kooxaha hubeysan waa kuwo la bogaadin karo, laakiinse dadaal badan ayaa loo baahan yahay si loo xaqiijiyo in guulaha la joogteeyo. Waxaan jeclaan lahaa in aan dadka Soomaaliyeed u xaqiijiyo taageerada hagar la'aanta ah ee Qaramada Midoobay la daba taagan tahay ee ku aaddan ajandaha dowlad-dhisidda iyo in aan hoosta ka xariiqo in taageerada Golahan ay udub-dhexaad u tahay guusha Soomaaliya. Iyada oo la adeegsanayo taageeradeenna wadajirka ah, ayay Soomaaliya waxay muujineysaa in waddan uu ka soo bixi karo colaad daba-dheeraatay iyo in uu noqon karo mid dadkiisa waxtara oo ka shaqeeya wanaagga gobolka.

Mahadsanidiin.