Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee La-dagaallanka Musuq-maasuqa awgeed, ayaa ergeyga QM wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo sarreynta sharciga

9 Dec 2019

Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee La-dagaallanka Musuq-maasuqa awgeed, ayaa ergeyga QM wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo sarreynta sharciga

Muqdisho – Iyadoo la xusayo Maalinta Caalamiga ah ee La-dagaallanka Musuq-maasuqa, ayaa ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya wuxuu maanta soo dhoweeyay horumarka dalku uu ka gaaray xoojinta sarreynta sharciga iyo dhisidda hay’ado daah-furan oo lala xisaabtami karo, wuxuuna hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in lasii wado ka shaqaynta hawlahaas.

“Musuq-maasuqa wuxuu caqabad weyn ku yahay horumarka. Wuxuu wiiqaa dadaallada ku aaddan dowlad dhisidda, nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta. Wuxuu baabi’iyaa kalsoonida dadweynaha wuxuuna daciifiyaa awoodda hay’adaha dowladeed ee wax u qabashada dadweynaha,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. 

“Iyadoo taa ka duulaysa, ayaa Qaramada Midoobay waxaa aad u dhiiri-geliyay saxiixii uu dhowaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ uu saxiixay hindise-sharciyeedkii dhismaha guddiga la-dagaallanka musuq-maasuqa iyo diyaarinta Istiraatiijiyadda Qaran ee La-dagaallanka Musuq-maasuqa,” ayuu raaciyay. “Kuwani waa tallaabooyin ammaan mudan oo Soomaaliya ay horay u qaadday.”

Hab muhiim ah oo lagu joogteeyo, lagu maareeyo laguna raad-raaco dagaalka ay dalalku kula jiraan musuq-maasuqa ayaa ah Heshiiska Qaramada Midoobay ee La-dagaallanka Musuq-maasuqa, oo ah nidaamka kaliya ee dunida u degsan ee leh awood sharci oo si calami ah loogula dagaallamo musuq-maasuqa, kaas oo sanadkaan loo dabaal-degayo sanad-guuradiisii 16aad lagasoo billaabo markii uu ka dhaqan galay dhaman dunida.

Inkastoo Soomaaliya ay kamid tahay dhowr dal oo aan weli saxiixin qalinkana ku duugin Heshiiska, ayaa Qaramada Midoobay waxay soo dhoweynaysaa tallaabooyinka loo qaadayo xaqiijinta yoolkaas, sida horumarka laga samaynayo dhismaha guddiga la-dagaallanka musuqmaasaqa iyo diyaarinta istiraatiijiyadda la-dagaallanka musuq-maasuqa.

[Xafiiska] Qaramada Midoobay ee ka hawlgala Soomaaliya ayaa sidoo kale ogsoon sida ay Dowladda Federaalka ah uga go'an tahay hirgelinta dib-u-habeyn lagu xoojinayo dowladnimada iyo yareynta u-nuglaanta musuqmaasuqa waxaana taa markhaati ka ah meel-marintii uu dhowaan aqalka hoose meel-mariyay Hindise-Sharciyeedkii Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka  iyo ansixintii ay labada aqal ee baarlamaanku ansixiyeen Sharciga Maareynta Maaliyadda Dowladda ee wax-ka-bedelka lagu sameeyay iyo Sharciga Shirkadaha.  

Soomaaliya gudaheeda, nidaamka Qaramada Midoobay wuxuu dhisay hanaan lagula dagaallamo musuqmaasuqa oo ay kala shaqeynayaan hay’adaha lacagta adduunka iyo saaxiibada ku hawllan horumarka si adeegyo talo bixin iyo kuwo farsamo loogu fidiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) oo ku hawlan dadaal ay kula tacaalayso musuq-maasuqa. 

Barnaamijyada kale ee QM ayaa ururinaya dhaqaale lagu taageero dadaallada DFS ay ka waddo dalka oo dhan ee ay kula dagaallamayso musuq-maasuqa, dadaalladaas oo diiradda lagu saarayo [xoojinta] hay’adaha iyo wacyi-gelinta, iyo dhanka garsoorka ee la-dagaallanka musuq-maasuqa, sida dembi ku qaadista iyo fulinta sharciga, iskaashiga caalamiga ah iyo soo celinta hantida maqan si waafaqsan Heshiiska.       

Maalinta Caalamiga ah ee La-dagaallanka Musuq-maasuqa ayaa sanad kasta la xusaa 9ka Disembar iyadoo ujeedadu tahay in wacyi-gelin laga sameeyo musuq-maasuqa iyo kaalinta uu Heshiisku ka cayaaro la-dagaallanka iyo ka-hortagga Musuq-maasuqa.