Ergeyga Qaramada Midoobay ee Midowga Afrika oo soo gabagabeeyay booqashadiisii ugu horreysay ee Soomaaliya, isagoo xog-ogaal u noqday caqabadaha ka jira nabadda iyo ka-qeybgalka siyaasadda

6 Dec 2019

Ergeyga Qaramada Midoobay ee Midowga Afrika oo soo gabagabeeyay booqashadiisii ugu horreysay ee Soomaaliya, isagoo xog-ogaal u noqday caqabadaha ka jira nabadda iyo ka-qeybgalka siyaasadda

Mogadishu – Xilli ay soo gunaanadeysay booqashadii ay ku timi Soomaaliya, Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan xiriirka Midowga Africa maanta ayaa sharraxaad ka bixisay ‘Xaaladda gaarka ah’ ee uu dalka ku sugan yahay marka la eego dadaalka uu ugu jiro in uu ammaan ahaan soo hagaago.

“Xaaladan waa gaar, waayo waa hawlgal nadad ilaalin oo uu hoggaaminayo Midowga Africa (AMISOM) hadana waxaa jira hawlgalka taageerada ee Qaramada Midoobe, UNSOM iyo hawlgalka saadka, UNSOS, oo la shaqeeya AMISOM si loo abuuro jawi u wanaagsan dowlad dhisidda halkan ee Soomaaliya,” ayey tiri Ergeyga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Africa, Hanna S. Tetteh, taas oo sidoo kale ah madaxa Xafiiska Qaramada Midoobe ee Midowga Africa (UNOAU) dhammaadii baaqashadii saddexda maalmood ee ay dalka ku timi.

Xogyaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres iyo Gudoomiyaha Midowga Africa Moussa Faki ayaa Abriil 2017 saxiixay heshiis qorshe hawleed oo ay kuwada shaqeynayaan isagana kaashanayaan nabadda iyo ammaanka. Gaar ahaan, heshiis waxa uu ballan qaaday in UN iyo AU ka wada shaqeyn doonaan wax ka qabashada nabadda Qaaramadda iyo caqabadaha ammaanka iyada oo diiradda la saaray diblomaasiyad balse haddii ay lagama maarmaan noqoto lala tacaalayo collaadaha.

Marka la soo qaato kiiska Geeska Africa, AU waxa ay geysay ciidamo gobolka ka socda oo nabad ilaalin ah, Hawlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya (AMISOM), kaddib markii ay ogolaansho ka heleen Qaramada Midoobe. AMISOM si tartiib tartiib ah ayey mas’uuliyadda ammaanka ugu wareejineysaa ciidamada ammaanka ee Soomaaliya, iyaga oo ku tashanaya waa ay awoodaan oo ay barbar socoto xaaladda siyaasadeed iyo horumarka laga gaaray ammaanka Soomaaliya, dadaallo uu taageeray xafiiska kaalmada Qaramada Midoobe ee Soomaaliya (UNSOS).

“Tan iyo markii aan xafiiska imi… ma helin fursad aan ku soo booqdo Soomaaliya si aan u fahmo shaqada tooska u socotay,” ayey hadalkeeda raacisay Ms. Tetteh, iyada oo xustay in booqashadan ay siisay fursad ay ku fahantay caqabadaha ku wada wajahan Soomaaliya UN iyo AU iyo dadaaladda laga sameeyey si caqabadahaas loo wajaho.”

Tirada kulamada

Marka laga yimaado in ay la kulantay madaxda UNSOS iyo UNSOM - Lisa Filipetto iyo James Swan – mas’uulka booqashada Soomaaliya ku timid waxa ay la kulantay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo Afhayeenka Golaha Shacabka Maxames Mursal Shikeh Cabdiraxmaan.

Waxa ay sidoo kale la kulantay Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, xubno ka tirsan golihiisa wasiirada iyo ku xigeenada afhayeenka baarlamaanka mudaddii ay booqashada ku joogtay Caasimadda maamul gobolleedka ee Jaowhar shalay. Ms. Tetteh waxa ay sidoo kale la kulantay hoggaanka AMISOM oo ay ku jiraan Ergeyga gudoomiyaha Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya r Francisco Madeira iyo Safiirada Soomaaliya u jooga dalalka Ciidamada AMISOM ku deeqay (AMISOM).

“Waxaan aaminsanahay in tani ay aad u caawin doonto shaqadeyda ayna I saamixi doonto in aad si wanaagsan u fahmo waxa ay tahay caqabadaha ay la tacaalayaan saaxiibadeyda UNAU ee taageera Hawlgalka Nabad Ilaalinta ee Midowga Africa – walow aan qirsanahay in wax badan oo barasho ah ay ii harsan yihiin waxaana rejeynayaa in aan awood u yeelan doonno ilaan markale safar ku imaado,” ayey tri Tetteh.

Kulan ay khibrad ku heshay

Mid ka mid ah waxyaabihii gaarka ahaa ee ay Marwada ka socotay UN-ta booqashadeeda laga xusi karo waxaa weeye in ay Caasimadda kula kulantay haweenka ku jira baarlamaanka Soomaaliya – door ay la xiriirisay khibradda ay u leedahay shaqadan maadama ay mar ka mid ahayn baarlamaanka dalkeeda Ghana,  waxa ayna ku tilmaamay kulan ay khibrad ku heshay kaddib markii ay dhageysatay caqabadaha ay la kulmaan.

“Guud ahaan Qaaradda Africa haweenka matalaad ku filan kama helaan dhammaan heerarka kala duwan ee dowladda, laakiin gaar ahaan sharci dejinta, taas oo ay matalaadda ku xiran tahay in aad doorasho ku soo guuleysato iyada oo ay hadana Soomaaliya inta badan bulshada ay haween yihiin – dhabtii maadama ay ka doodayaan is bedel waxaan waxaa la rejeynayaa in fursado badan ay heli doonaan haweenka Soomaaliya si ay uga qeybgalaan geedi socodka dowlwadnimada, uga qeybgalaan geedi socodka dowlad dhisidda iyo gacan ka geysashada mustaqbalka uu dalkan filayo in uu helo.”