Munaasabadda sanad-guurada madax-banaanida Soomaaliya, ayaa QM waxay bogaadisay adkaysiga iyo heellanaanta dadka Soomaaliyeed

1 Jul 2023

Munaasabadda sanad-guurada madax-banaanida Soomaaliya, ayaa QM waxay bogaadisay adkaysiga iyo heellanaanta dadka Soomaaliyeed

Muqdisho – Xuska sanad guurada 63aad ee madax-banaanida Soomaaliya awgeed, ayaa Qaramada Midoobay waxay u hambalyaysay dadka Soomaaliyeed, waxayna ku ammaantay sida ay uga go’antahay dhismaha mustaqbal wanaagsan.

“Anigoo ku hadlaya magaca bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaan salaamayaa dadka Soomaaliyeed, waxaana mar kale xaqiijinayaa taageerada Qaramada Midoobay si loo xaqiijiyo Soomaaliya loo dhan yahay, nabadoon oo barwaaqo ah” ayay tiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing.