Munaasabadda sanad-guurada qaraarka tirsigiisu yahay 1325 awgeed, ayaa Dowladda Federaalka ah iyo Qaramada Midoobay waxay haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyeen kaalintooda ku aaddan nabadda iyo amniga

31 Oct 2020

Munaasabadda sanad-guurada qaraarka tirsigiisu yahay 1325 awgeed, ayaa Dowladda Federaalka ah iyo Qaramada Midoobay waxay haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyeen kaalintooda ku aaddan nabadda iyo amniga

Muqdisho – Iyadoo adduunku u dabaaldegayo sannad-guurada 20aad ee kasoo wareegtay Qaraarkii Golaha Amaanka ee tirsigiisu ahaa 1325, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay waxay maanta ugu hambalyeeyeen haweenka Soomaaliyeed guulaha ay gaareen, waxayna carrabka ku adkeeyeen qiimaha uu soo kordhinayo ka-qeybgalkooda siyaasadeed iyo matalaadooda.
  
Iyadoo ay hormuud u ahaayeen madaxda iyo ururada haweenka, ayaa Qaraarka asaaska ah ee tirsigiisu yahay 1325, ee la meel mariyay 31kii Oktoobar 2000, wuxuu ahaa qaraarkii ugu horeeyay ee aqoonsada hogaanka haweenka si loo gaaro nabad iyo amni caalami ah, loona aqoonsado kaalintooda ku aaddan ka-hortagga iyo xalinta khilaafaadka, nabad ilaalinta iyo nabadeynta.
  
“Haweenka Soomaaliyeed waxay si mug leh uga qeyb qaateen hore-u-socodka iyo horumarka dalka. Waxaan ugu baaqeynaa madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed, hoggaamiyeyaasha siyaasadda, kooxaha bulshada rayidka ah, iyo saaxiibada caalamka inay taageeraan udub-dhexaadnimada haweenka Soomaaliyeed ee nabadda, amniga iyo maamulka dowladnimo," ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.
  
“Xilliga doorasho ee hadda lagu jiro wuxuu ka dhiganyahay fursad lagu xoojinayo dowrka haweenka ee geeddi-socodka nabadda iyo siyaasadda Soomaaliya. Waxaan ku boorinaynaa madaxda Soomaaliya in aysan xaqiijin oo kaliya qoondada 30 boqolkiiba ee haweenku ku yeelanayaan doorashooyinka baarlamaanka ee soo socda, laakiin sidoo kale ay fuliyaan balanqaadkii ahaa in matalaad boqolkiiba 30 ah ay haweenku ku yeelanayaan hey'adaha maareynta doorashooyinka," ayuu raaciyay Md. Swan.
  
Waqtigan la joogo, haweenka Soomaaliyeed waxay heystaan boqolkiiba 24 kuraasta baarlamaanka Soomaaliya.
  
Wasiiradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, Xaniifa Maxamed Ibraahim, ayaa bogaadisay dowrka haweenku ka ciyaareen siyaasadda Soomaaliya iyo nabadeynta.

“Laga soo billaabo markii Caasha Xaaji Cilmi ay noqotay haweeneydii Soomaaliyeed ee ugu horeysay ee saxiixda heshiis nabadeed sanadkii  2004 ilaa lagasoo gaaro ololihii loo galay matalaadda haweenka ee geeddi-socodyada baarlamaanka ee sanadihii 2012 iyo 2016, guulaha la gaaray illaa iyo hadda waxay aasaas u yihiin horumar intaas kasii badan. Waa in aan hada wadiiqooyin cusub u abuurno haweenka Soomaaliyeed ee jiil kasta leh si loo mideeyo awoodohooda ku jihaysan mustaqbalka,” ayay tiri.
  
"Kama joogsan doonno dadaaladeenna aan kusii amba-qaadayno guulahaas si aan u xaqiijino ka-qaybgal iyo matalaad buuxda oo haweenku ku yeeshaan siyaasadda, hogaaminta, iyo go’aan-gaarista,” ayay raacisay Wasiiradda.