Xoghayaha Guud farriin ku saabsan Maalinta Caalamiga ah ee soo Afjaridda Ciqaab la’aanta kuwa geysta Dembiyada ka dhanka ah Saxafiyiinta

2 Nov 2020

Xoghayaha Guud farriin ku saabsan Maalinta Caalamiga ah ee soo Afjaridda Ciqaab la’aanta kuwa geysta Dembiyada ka dhanka ah Saxafiyiinta

New YorkMunaasabadda sannadkan ee Maalinta Caalamiga ah ee Soo Afjaridda Ciqaab La’aanta Kuwa Geysta Dembiyada Ka Dhanka ah Saxafiyiinta, adduunku, oo ay warbaahintu ka mid tahay, wuxuu wajahayaa caqabad cusub: oo ah COVID-19.

Cudurka safmareenka ah si gaar ah u muujiyay arrimo cusub oo halis ku ah saxafiyiinta iyo shaqaalaha warbaahinta, xataa iyadoo ay korodhay tirada weerarrada lagu hayo badqabkooda jir ahaaneed. Waxaa dhacay ugu yaraan 21 weerar oo lagu qaaday saxafiyiin wararka ka soo tebinayay dibadbaxyo barkii hore ee sannadka 2020 – taasoo la eg tirada weerarradaasi oo kale ee dhacay sannadkii 2017 oo idil. Waxaa sidoo kale jiray xakamayn dheeraad ah oo lagu sameeyay shaqada saxafiyiinta, oo ay ka mid yihiin in lagu handado maxkamadayn, soo qabasho, xabsi, in loo diido inay gaaraan goobihii ay shaqada saxafinimo ka qaban lahaayeen iyo in baaritaan lagu sameyn waayo lana maxkamadayn waayo kuwa geysta dembiyada iyaga ka dhanka ah.

Marka saxafiyiinta la bartilmaameedsado, bulshada oo dhan ayaa dhibku soo gaari doonaa. Haddii aynaan saxafiyiinta ilaalin, waxaa carqalad ba’an ku iman doonta awoodda aan u leenahay inaan xog-ogaal ahaano iyo inaan qaadano go'aanno caddeymo ku saleysan. Marka ay saxafiyiintu shaqadooda si badqab ah u gudan karin, waxaan waayaynaa arrin muhiim ah oo naga difaacda cudurka safmareenka ah ee warxumatashiilka ama wararka qaldan iyo xogta beenabuurka ah ee ku faaftay shabakada internetka.

Wararka iyo falanqaynta xaqiiqada ku saleysan waxay ku tiirsan yihiin ilaalinta iyo badqabka saxafiyiinta qabanaya shaqada soo tebinta wararka, eek u qotonta mabda’a asaasiga ah ee: “saxafinimo aan cabsi iyo eex lahayn”.

Iyadoo uu adduunku la dagaallamayo cudurka safmareenka ah ee COVID-19, waxaan ku celinayaa baaqeygii aan ku baaqay saxaafad xor ah oo kaalinteeda lagama maarmaanka ah ka caari karta nabad, cadaalad, horumar la joogtayn karo iyo xuquuqul insaan.