Masuuliyiinta QM ayaa Madasha Iskaashiga Soomaaliya ku faahfaahiyay horumarka la gaaray iyagoo ku baaqay in taageerada la sii wado

16 Jul 2018

Masuuliyiinta QM ayaa Madasha Iskaashiga Soomaaliya ku faahfaahiyay horumarka la gaaray iyagoo ku baaqay in taageerada la sii wado

Broksel – Hadal ay ka jeediyeen maalinta koowaad ee Shirka Iskaashiga Soomaaliya, ayaa laba sarkaal oo sarsare oo ka tirsan Qaramada Midoobay waxaa ay dowladda ku ammaaneen dadaallada ay ku bixisay dhinacyada ay ka midyihiin dib-u-habeynta siyaasadda, ammaanka, horumarka dhaqaalaha, iyo soo kabsashada iyo gargaarka baniaadannimo – taasoo hoosta ka xarriiqeysa baahida loo qabo horumar dheeri ah iyo taageero calami ah oo laga geysto dadaalladaas.

Iyadoo ka hadleysay furitaanka Shirka, ayaa mid kamid ah saraakiisha ururka adduunka – Ku-xigeenka-Xoghayaha-Guud ee QM ee Arrimaha Siyaasadda, Rosemary DiCarlo – ayey bogaadisay hoggaamiyayaasha Soomaaliya tillaabooyinka ay u qaadeen dhinaca hurumarka ee hirgalinta tubta siyaasad loo dhanyahay, gaar ahaan u diyaargarowga doorashooyin 'qof, iyo cod ah' oo la qabto 2020-202, iyo guulaha hurudhac ah ee laga sameeyay hannaanka dib-u-eegist dastuurka.

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay u baahantahay iney sii waddo dadaalladeeda ay xiriir wanaagsan kula yeelaneyso dhammaan dhinacyada: Baarlamaanka Federaalka ah, Dowlad Goboleedyada, kooxaha siyaasadda iyo bulshada rayidka ah,” ayey sheegtay Marow DiCarlo.

 “Tani waxaa ay ugu dambeynta gacan ka geysaneysaa xasilinta xaaladda siyaasadeed, in la gaaro guulo dheeri ah iyo u gegsiga cadaadiska caqabadaha ka dhanka ah midnimada, ayey tiri.

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM, Michael Keating, ayaa dhankiisa ku dhiirrigaliyay beesha caalamka iney “sii wadaan mudnaan-siinta Soomaaliya,” isagoo tilmaamay in hannaanka loo dhanyahay ee Siyaasadda Soomaaliya uu u baahanyahay in la balaariyo si loogu dhiso ammaanka qaranka dadaaloo lagu kalsoonyahay.

“Dowladda kuma bogaadin karo kaliya dadaalladeeda dhabta ah ee hannaanka loo dhanyahya, si loo garawsado ineysan ku filleyn arrimaha ciidanka iyo howlgallada, ee sidoo kale ay muhiim tahay dhismaha hay’adaha dowladda, sarreynta sharciga, hirgalinta maamullo maxalli ah oo lalal xisaabtamo, dib-u-heshiisiinta iyo ka hortagga xagjirnimada hubeysan,” ayuu yiri.

Kulankaan oo ka dhacaya caasimadda Bilgamka Isniinta iyo Talaadada, oo ay soo qabanqaabiyeen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Midowga Yurub iyo Iswiidhan, ayaa madashu dib u soo nooleyneysaa isku imaanshaha caalamiga ah ee lagu taageerayo nabadda iyo horumarka dalka Bariga Afrika, kaasoo wajahaya cagabado isugu jira siyaasad, horumar, ammaan iyo culeysyada baniaadannimo, inkasta oo uu dalku dib u soo dhismayo ka dib tobannaan sano oo colaado hubeysan iyo musiibooyin dabiiciya ah.

QM: Waxaa loo baahanyahay hannaan loo dhanyahay oo wadar-oggol ah

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Mid kamid ah mowduucyada looga doodayo isu-imaanshaha sanadkaan, ayaa ah ka qeybgal buuxa oo ku saabsan bulshada qeybeheeda iyo siyaasadda.

Hadalkeeda ayey ku sheegtay Marow DiCarlo in horumar dheeraad ah loo baahanyahay si loo xoojiyo aasaaska dastuur, sharci hay’adaheed ee dowladda Federaalka ah, taasoo ay ku jirto awood-qaysiga iyo wadaagga kheyraadka.

“Marka lagasoo tago caqabadaha soo bixi kara, waa muhiim in hannaankan loo maro qaab loo dhanyahay oo wadar-oggol ah si loo xaqiijiyo lahaanshaha shacabka Soomaaliyeed,” ayey sheegtay, iyadoo raacisay in QM ay ka go’antahay horumarinta siyaasadda loo dhanyahay ee Soomaaliya. 

“Waxaan bixineynaa taageero farsamo iyo mid dhaqaale, waxaanna si xooggan u taageereynaa dib-u-heshiisiin qaran oo ay leeyiihiin hoggaaminayaannna dadka Soomaaliyeed, oo uu ku jiro qorshahe cayiman oo dib-u-heshiisiineed,” ayey ku soo gabagabeysay Marow DiCarlo.

Ergayga QM ee Soomaaliya ayaa caddeeyay joogteynta taageerada Qaramada Midoobay ee hurusocdak dalka, iyadoo la xoojinayo awoodda farsamo ee jilayaalsha heer federal iyo heer gobol, isagoo sidoo kalana dhiirrigaliyay hannaan diirran oo beesha caalamku ay ku taageereyso Soomaaliya.

“QM waxaa ka go’an sii wadista iney suurtagaliso jawi ay kuwada falgalaan dowlad goboleedyada iyo ururrada bulshada rayidka ah gaar ahaan haweenka iyo kooxaha dhallinyardu, iyadoo u mareysaa xafiisyadeeda dalka oo dhan ah,”

Madasha Iskaashiga Soomaaliya waxaa lagu soo gabagabeynayaa Talaadada doodo, ay ku jiraan heer wasraaradood oo looga hadlayo mowduucyo kala duwan, sida kaalinta haweenka ee nabadda iyo ammaanka iyo iskaashiyada dantaguud iyo tan gaar ahaaneed.