Nalo Musdhaf ma rajo tirin abaarta daran ee soo wajahday

29 Mar 2017

Nalo Musdhaf ma rajo tirin abaarta daran ee soo wajahday

Nalo Nuur Musdhaf waa 26 jir, u dulqaadan weysay xanuunka dhimashada mid ka mid ah caruurteed gaajo darteed waxayna kasoo barakacday gurigeeda oo ku yaal tuulada Maayle-Murug, gobolka Shabeelada hoose, intii uusan ka dhiman mid kale.

Marwo Nalo Musdhaf waxay ka mid tahay dad dhawaan yimid xerada Al-Cadaala ee ku taal Muqdishu kiilo-mitir 13. Abaarta jirta darteed ayaa ku qasabtay iney ka tagto gurigeeda raadisana cunto iyo hooy meel kale, 25 Maarso ayay soo gaartay kaamka, iyadoo ay la socdaan saddexdeeda gabdhood iyo wiilkeeda. Cunugeeda ugu weyn ayaa hadda sideed jirsaday, halka cunuga ugu yar uu jiro saddex sano.

Intii aysan kasoo tagin Maayla-Murug, Marwo Nalo Musdhaf kama dhiman kaliya gabadheeda sidoo kale waxa dhintay awoowaheed iyo adeerkeed oo labadaba u dhintay gaajo darteed.

“Ilaa iyo markii abaarta bilaabatay, waxa iga dhintay gabadheyda, adeerkey iyo awoowahey. Dhimashadaas xanuunka badan kadib waan la soo cararay qoyskeyga. Waxa jiray gaajo iyo haraad. Ma jirin biyo la cabo ama wax lagu dhaqdo. Arintaa ayaa nasoo qixisay,” ayay tiri.

21 Maarso ayay aastay gabadheeda, afar maalmood ka hor inta aysan imaan kaamka. Si kastaba ha noqotee, ninkeeda Siidow Ibraahim oo hadda jira 30 sano ayaa go,aansaday inuu sii joogo si uu ugu warqabo guri iyo beerta sidoo kalena kasoo kabto xanuun.

Marwo Musdhafe iyo caruurteed waxay ka mid yihiin 295 qoys oo dhawaan yimid iyagoo ku biiraya 1,114 qoys oo horey ugu noolaa kaamka. Cooshado cariiri ah oo laga sameeyay qoryo yar yar iyo baco ayaa sii buuxinaya meelaha banana ee kaamka maadaama tirada dadka barakacaya sii kordhayaan.

Kaamka ayaa hadda hela macaawino ay soo gaarsiiyeen dadka deeganka iyo ganacsatada wuxuuna aad ugu baahanyahay gargaar bani,aadnimo oo dheeri ah. Inkastoo caqabado jiraan Nalo Musdhaf waa ku qanacsantahay waxkasta oo ay ka hesho muxsiniinta iyadoo ku tilmaamtay gargaarka mid naf badbaadin ah.

“Waxa nala siiyay cunto karsan markii aan imaanay. Waxaan cuni doonaa wixii Eebe weyne na siiyo. Inta aan ka heleyno xoogaa caawimaad ah muxsiniinta waa sii joogi doonaa,” ayay tiri Nalo.

Abaarta ayaa sabool ka dhigtay Nalo Musdhaf iyo ninkeeda iyadoo burburisay xoolahoodii, waxayna ku qasabtay iney dawarsadaan oo ay kari waayaan quudinta caruurtooda.

“Waan ilaalinay xoolaha laakiin abaarta jirta awgeed waa naga dhamaadeen. Waxaan laheyn shan ari ah iyo 10 lo,a ah. Dhamaantood waxay u dhinteen biyo iyo cows la,aan. Xoolaha waxay ahaayeen nolasheena laakin dhamaan waa dhinteen, sidaa darteed waxan kasoo cararnay haraad iyo gaajo,” ayay tiri.

Qoyskan yar waxay soo lugeynayeen labo maalmood, intii uusan gaari si bilaash ah u soo qaadin maalintii sadexaad.

“Waxan soo soconay dhowr maalmood. Markii hore, waxaan ku bilownay lug waxana soconay labo maalmood. Si kastaba ha noqote, waxa na soo qaaday qof muxsin ah kasoo na keenay kaamkan maalintii sedaxaad. Ma heysan lacag aan gaari ku raacno,” ayay tiri.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Naalo ka qaxdo gurigeeda sabab la xariirta abaar. Sanadkii 2011, waxay sidoo kale ka tagtay gurigeeda iyadoo dib ugu laabatay kadib markii xaalada caadi ku soo laabatay. Si kastaba ha noqotee, waxay abaartan u aragtaa tii ugu xumeyd abid, iyadoo tiri inkastoo xaalada aad u adkeyd sanadkii 2011, xoogaa xoolaheeda ayaa badbaaday—si ka duwan sanadkan.

 “Ma aheyn sida sanadkan; sanadkii 2011 waxan heleynay biyo yar oo ku haray wabiga. Laakin abaarta hadda, wax biyo ah ma jiraan, cunto ma jirto xitaa wax kale oo la cuno ma jiraan. Sidaa ayay soo gocotay.

Biyo yarida iyo cows la,aanta baahsan ayaa dadka ku qasabtay iney qaxaan oo ay raadiyaan cunto iyo biyo si xoolaha iyo dadka u isticmaalan. Intii u dhaxeysay Nofeember 2016 iyo dhamaadkii bishii Febaraayo 2017, ku dhawaad 257,000 oo dad ah ayaa barakacay abaarta darteed, sida ay sheekeyso xafiiska qaramada midoobey ee arimaha qaxootiga. Inta badan dadka hadda soo barakacay waxay imaanayaan magaalooyinka si ay ugu biiraan xerooyinkii jiray ama iney hirgaliyaan kuwa cusub, sidoo kale waxa jira kuwa u qaxaya wadamada deriska.