Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Michael Keating oo soo dhoweeyay ansaxinta Baarlamaanka ee golaha wasiirada cusub: oo ah billowga awlgalka

31 Mar 2017

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Michael Keating oo soo dhoweeyay ansaxinta Baarlamaanka ee golaha wasiirada cusub: oo ah billowga awlgalka

 

WAR-SAXAAFADEED 04/2017

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa soo dhoweeyay codka buuxa ee uu Baarlamaanka Federaalka maalintii Arbacada ku ansaxiyay golaha wasiirada uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre billowgii bishan. 

Golaha wasiirada 27ka ah ee dhowaan la soo dhisay waxaa ku jira lix wasiir oo haween ah, oo ah tiradii ugu badnayd ee ah wasiiro haween ah ee weligeed abid loo soo magacaabo golaha wasiirada dowladda federaalka. Mudane Keating ayaa sheegay in tani ay ka dhigantahay tallaabo kale oo wanaagsan ee loo qaaday in haweenka Soomaaliyeed loo awoodsiiyo arrimaha siyaasasadda dalkooda. Boqolkiiba afar iyo labaatan ka mid ah kuraasta baarlamaanka tobnaad ee Soomaaliya waxaa ku guuleystay xildhibaano haween ah hanaankii doorashada ee dhowaan la soo gabagabeeyay.

Ergeyga Gaarka ah Keating ayaa sidoo kale garowsaday isagoo ogol qorshaha Dowladda Federaalka ee uu qeexay Ra’iisal Wasaare Kheyre wax yar ka hor intaan baarlamaanku u codeynin golaha wasiirada. Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu hadalkiisa hoosta kaga xariiqay baahida loo qabo in la ciribtiro saboolnimada, la dhiso adeegyada hay’adaha amniga Soomaaliya si ciribtiro masiibada argagaxisada, lana dedejiyo geeddi-socodka dib-u-eegidda dastuurka ee u gogol xaari doona in doorashooyin qof iyo codkiisa ah la qabto sannadka 2020. 

Qaramada Midoobay waxay la shaqeyn doontaa saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka si loo taageero dadaalka ay dowladdu ugu jirto inay wax qabad la taaban karo ka soo hoyso arrimahan mudnaanta leh.

“Ansaxinta baarlamaanku waa nalkii cagaarka fasaxa. Caqabadaha horeeya aad bay u waaweynyihiin, waxaana ka mid ah abaaraha, amaan darrada iyo musuqmaasuqa. Golaha wasiirada cusub waxaa ku jira tiro isku dhaf ah oo wanaagsan oo ah madax waayo aragnimo leh iyo kuwo ku cusub saaxada siyaasadda, oo diyaar u ah inay hawsha guda galaan,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah. “Waxay qayb muhim ah ka geysan doonaan dadaallada ay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre ugu jiraan wax ka qabashada arrimaha mudnaanta u leh xukuumadda cusub.

“Qaramada Midoobay iyo saaxiibada beesha caalamku waxay ku hanweynyihiin inay si dhow oo miradhal ah ula shaqeeyaan Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo golaha wasiirada cusub iyagoo ku wax ka qabanaya hawlaha badan ee siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo gargaarka baniaadanimo ee ay maanta Soomaaliya wajahayso.”