Nimco Cabdillaahi Muxumed: Ka-soo-kabashada Suuqii Basbeelay ee Waaheen

2 Oct 2022

Nimco Cabdillaahi Muxumed: Ka-soo-kabashada Suuqii Basbeelay ee Waaheen

Hargeysa – Nimco Cabdillaahi Muxumed waxay aqoon u leedahay adkaysiga iyo dulqaadka.

Gabadhan oo ay da’deedu tahay 36 sanno, waxay ku dhawaad 20 sannadood ku qaadatay inay dhisto ganacsigeeda iyadoo iibisa khudaarta, dharka, cadarka iyo waxyaabaha la isku qurxiyo, waxayna dukaan ku lahayd Suuqa Waaheen ee magaalada Hargaysa oo ah ka ugu wayn Somaliland.

Fiidnimadii 1-dii Abriil 2022, ayay wayday hantideedii oo dhan.

"Waxay ahayd naxdin weyn, sababtoo ah meheraddaydu waxay gubatay kadib markii aan muddo dheer soo dhisayey" ayay tidhi Nimco Cabdillaahi.

Waxa ay ka mid ahayd 5,000 oo qof oo ganacsato ah oo isugu jira kuwa yar yar, kuwa dhexe iyo kuwa waaweyn kuwaasoo hantidoodii ku shufbeeshay dabkii burburiyey Suuqa Waaheen. Qiimaha badeecadda ku baaba'day dabkan ayaa lagu qiyaasay ilaa 1.5 bilyan oo Doollar, waxaana la rumaysan yahay in ilaa 12,000 oo qof ay kushaqobeeleen sida lagu sheegay Warbixinta Wadajirka ah ee Saamaynta Dabkii Suuqa Waaheen oo ay soo saareen maamulka Somaliland iyo koox khubarrada hay’adaha Qaramada Midoobay ka tirsan oo la soo diray si ay u taageeraan gargaarka goobta iyo dadaallada dib-u-dhiska 10kii May 2022.

Bilow kooban

In ay noqoto mulkiile ganacsi yar marna ma ahayn riyada Nimco.

Waxa ay ku dhalatay kuna barbaartay magaalada Hargaysa, halkaas oo ay dugsiga hoose iyo ka sare kaga baxday, balse way awoodi wayday in ay sii wadato waxbarashadeeda sare caqabado dhaqaale awgood. Markaa kadib diiraddeedu waxay u leexatay meel kale. Waxay bilowday inay khudaarta ku iibiso xaafadda Xawaadle ee magaalada, kaddibna waxay ganacsigeedii u wareejisay suuqa Waaheen.

"Waxaan bilaabay ganacsi, sababtoo ah waxaan lahaa riyo weyn oo ah inaan noqdo ganacsade milyaneer ah" ayay tidhi. "Marxaladihii hore ee dhismaha ganacsigu waxay u ekaayeen sidii waddo raf ah oo leh socodkii diinka maadaama ay igu yaraayeen macaamiishu, laakiin ganacsigaygu si tartiib tartiib ah ayuu u kordhay una noqday mid faa'iido laga helo."

Guusha ganacsigu waxay ahayd mid muhiim ah oo dhaafsiisan yoolalka gaarka ah ee Nimco Cabdillaahi– waxa ku tiirsanaa oo ay masruufaysay hooyadeed, shan ay walaalo yihiin iyo saddex ay eddo u tahay, waxa sidoo kale nolol-maalmeedkooda ka helayey saddex qof oo u shaqaynayey oo iibiyeyaal u ahaa.

Saamiga ganacsigeedu wuxuu ahaa 25,000 oo Doollar markii uu dabku baabi'iyey. Waxaa sidoo kale gubtay diiwaankii ay ku qornaayeen daymaha lagu lahaa iyo kuwii ay iyadu dadka ku lahayd iyo sidoo kale meelihii lagala xidhiidhayey macaamiisheeda.  

Dib-u-curasho

Talo soo jeedinta masuuliyiinta maxalliga ah iyo kooxda QM waxaa ka mid ahaa dhisidda dhisme dhaadheer oo laga hirgeliyo goobtii suuqa Waaheen si loogu adeegsado dhammaan ganacsiyada, oo ay ku jiraan kuwa ku yaal waddooyinka dhinac mara suuqa. Waxa ay sidoo kale soo bandhigeen lix goobood oo ku meel gaadh ah oo loogu talo galay dadka ganacsigoodu ka baaba'ay in ay ku siishaqaystaan. 

Qiimaynta kadib ganacsatadu waxay deeqo yar yar ka heleen dowladda– Nimco  Cabdillaahi ayaa ka mid ahayd dadkii deeqda la guddoonsiiyey.        

"Wax walba waxay ku dhaceen qaddarka Alle, waxaanu hadda dedaal ugu jirnaa sidii aan uga soo kaban lahayn. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, 'Inaad kufto ceeb ma aha, waxase ceeb ah in aad kici kari waydo” ayay tidhi. "Hadda waxaan furay meherad yar oo aan ka unkay ganacsigii waynaa ee iga baaba’ay. Waana meel ku meel gaadh ah.

Meheraddeedan cusub waxay ku taallaa meel hal kiiloomitir u jirta burburka Suuqa Waaheen.  Ma fududayn in ay dib u furto iyada oo macaamiisheedii caadiga ahayd ay kala yaaceen.

"Way adag tahay in si dhakhso ah aan u loo helo dhammaan macaamiishaydii. Wakhti ayay qaadan doontaa. Laakiin waan dedaalaynaa, mana quusan doonno,” ayay tidhi Nimco. "Si kasta oo ay wax u dhaceen, hadda aad ayaan u niyad samahay, weli waxaan ku rajo weynahay inaan noqon doono milyaneer, waanan noqon doonaa maalin uun insha’allaah."

Ku noqoshada Waaheen

Caqabad kastaaba ha jirtee, Nimco waxay rajaynaysa inay dib ugu noqoto Suuqii Waaheen marka dib loo dhiso.

"Tafaasiisha aan hayno waa mid aad u yar, hadda waxaan ognahay in suuqa dib loo dhisi doono, qof kastaa wuxuu rajaynayaa in uu boos helo oo uu awood u yeesho in uu mar kale ku ganacsado suuqa caanka ah ee Waaheen," ayay tidhi.

“Waxaa naga go’an inaan ku dedaalno sidii aan uga soo kaban lahayn khasaaraha; hase ahaatee, kaligayo iskuma filnin, sidaas darteed waxaan u baahan nahay taageerada beesha caalamka iyo cid kasta oo kale oo doonaysa inay na taageerto," ayay raacisay.

Si kasta oo ay u adag tahay dib u dhiska ganacsigeedu, Nimco Cabdillaahi waxa ay ka warqabtaa inay jiraan dad kale oo iyaguna dhibka la qaba.

“Dowladdu waxay kabitaan igu siisay $1500. $750 oo lacagtaas ka mid ah waxaan siiyey gabadh yar oo meherad yar oo xinaha lagu saaro agtayda ku lahayd si ay ganacsigeedii dib ugu soo noolayso. Maanaan ahayn saaxiibo dhow, laakiin markaan arkay xaaladdeeda ayaan ka damqaday,” ayay tiri.

Bishii June, Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo Guddida Dib-u-dhiska Suuqa ayaa soo bandhigay naqshad soo jiidasho leh oo casri ah oo ah qaabka mustaqbalka loo dhisi doono suuqa Waaheen, waxayna sheegeen in howsha dhismuhu bilaabmayso sannadkan. 

Haweenka iyo ganacsiga

Qiimayn Farqiga Jinsiga ku saabsan oo ay samaysay Shabakadda NAGAAD, oo ah dallad ay ku midaysan yihiin 46 ururrada haweenka maxaliga ah ee Somaliland, ayaa sannadkii 2019-ka ogaatey in haweenka Somaliland ay haystaan wax ka yar 50% fursadaha shaqo iyo dhaqaale marka loo eego inta ay helaan raggu.

Intaa waxaa dheer, galaangal la'aanta maaliyadeed ayaa caqabad ku ah haweenka si ay joogto ugu koriyaan ganacsigooda. In kasta oo galaangalka nidaamka bangiyada rasmiga ihi uu sidiisaba xaddidan yahay, haddana haweenku waxa ay la kulmaan caqabado ka wayn ka raggu la kulmaan xagga dhaqaalaha marka la eego. Raggu, tusaale ahaan, waxay labanlaab ka badan yihiin dumarka marka ay timaado inay magacooda ku furtaan akawno laga samaysanayo hay'ad maaliyadeed.

Sida ay qabto Qaramada Midoobey, in la awoodsiiyo haweenka si ay si buuxda uga qaybqaataan nolosha dhaqaale waxa ay lagama maarmaan u tahay dhisidda dhaqaale xooggan, kaas oo lagu gaadhoo yoolalka caalamiga ah ee lagu heshiiyey ee horumarinta waarta, iyo wanaajinta tayada nololeed ee haweenka, ragga, qoysaska iyo bulshadaba. Ganacsiyada gaarka loo leeyahay waa waax muhim u ah dedaalka lagu horumarinayo sinnaanta fursadaha jinsiga iyo xoojinta ama awoodsiinta haweenka.