NISA oo Muqdisho mar labaad ku qabatay siminaar ku saabsan baarista dagaalyahaannada ka soo goostay ee Al-Shabaab

7 Jul 2017

NISA oo Muqdisho mar labaad ku qabatay siminaar ku saabsan baarista dagaalyahaannada ka soo goostay ee Al-Shabaab

Muqdisho – Siminaar labo maalmood socday ee ujeedkiisu ahaa in dib u eegis lagu sameeyo nidaamyada howlgalka iyo in lagu dhiso awoodda Ciidamada Nabadsugidda Soomaaliyeed (NISA) ee dhanka baarista dagaalyahaannada hore ee Al-Shabaab ayaa maanta la soo afjaray.

Hannaanka baarista dagaalyahaannada hore ayaa qayb muhiim ah ka Barnaamijka Qaran ee la dhaqanka iyo la tacaamulka dagaalyahaannada hore ee dalka Soomaaliya.

Waxaa siminaarkan ka qaybgalay sarakiisha NISA ee ka kala yimid maamul goboleedyada dalka. Waxaa looga hadlay hababka kala duwan ee loola dagaalamo argagixisada iyo sida loo xaqiijin lahaa in dagaalyahaannada ka soo goosatay Al-Shabaab ee doonaya in ay bulshada ku laabtaan ay helaan taageerada ay u baahan yihiin.

Ku xigeenka Agaasimaha NISA, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ka hadlay xafladda furitaanka ayaa soo dhaweeyay siminaarka tababarka oo daba socday siminaar la mid ah ee la qabtay sanadka la soo dhaafay kaas oo lagu sameeyay nidaamyada baarista dagaalyahaannada soo goostay.

“Kani waa barnaamij aad muhiim u ah, dowladdana waxaa ay mudnaan gaar ah siisay nabad-dhisidda dalka. Inkastoo si loo dhaliyo xasillooni la adeegsan karo xabbad, haddii la adeegsado xeelado nabad ah waxaa ay keeni karaan natiijo wanaagsan. Xalka nabadeed waxaa lagu gaari karaa wadahadal iyo in la is cafiyo,” ayuu yiri. Si hadafkaasi loo gaaro, Gaashaanle Sare Nuur waxaa uu xusay in dowladda ay cafis u fidisay maleeshiyaadka Al-shabaab ee isa soo dhiibo iyo in ay ka caawineyso in ay bulshada dib ugu laabtaan.

Taliyaha Booliska UNSOM, Christ Buik ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka sida NISA ay yihiin udub dheexaadka barnaamijka maadaama ay sida tooska ah la tacaamulaan dagaalyahaannada goo’aansaday in ay soo goostaan.

“Waxaad ku howlan tihiin baarista. Go’aanka aad gaari doontaan waa mid saameyn ku yeelan doono mustaqbalka dagaalyahaannada ka soo goostay Al-Shabaab, waxaa ay sameyn doonaan iyo sida dib loogu soo celin lahaa bulshada ee dalka Soomaaliya. Tani waa masuuliyad aad u culus,” ayuu yiri Taliyaha Booliska UNSOM, Buik. 

Cabdirashid Ibrahim Maxamed oo ah Agaasimaha Barnaamijka Dhaqancelinta Dadka soo goostay ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa faahfaahiyay hannaanka la mariyo dagaalyahaannada hore.

“Kaddib markii dagaalyahaannada soo goostay baaris lagu sameeyo, NISA waxaa ay kala ogaaneysaa in ay yihiin kuwa khatartooda badan tahay iyo in ay yihiin kuwo khatartooda yartahay. Haddii ay khatartooda badan tahay, waxaa la marinaya sharciga caddaaladda. Haddii ay yihiin kuwo khatartooda yartahayna, waxaa la marinayaa barnaamij dhaqancelin ah oo ay in muddo ah joogayaan xarumo ka hor inta aan lagu celin bulshada,” ayuu yiri Maxamed.

Taliyaha NISA u qaabilsan dagaalyahaannada soo goostay, Gaashaanle Cabdifataax Sayid Axmed, ayaa sheegay in tababarka uu ka mid ahaa sida la isku waafajin karo baarista iyo qiimeynta khatarta dagaalyahaannada ka soo goostay Al-Shabaab si loo ogaado kuwa khatartooda yartahay. Kuwa khatartooda yartahay waxaa ka mid ah dagaalyahaannada si khasab ah loogu biiriyay maleeshiyaadka.

Siminaarka waxaa gacan ka geystay UNSOM qaybteeda Hubka dhigista iyo Dhaqancelinta, waxaana daadihiyay Bonn International Center for Conversion.

Nidaamka baarista waa mid ku dhisan nidaamyada laga adeegsado waddamada Australia, Netherlands, Nigeria iyo Boqortooyada Ingiriiska.

In dagaalyahaannadii hore dib loogu celiyo bulshada waxaa ay dowr muhiim ay ka ciyaareysaa in Soomaaliya laga dhiso nabad iyo ammaan waara.

Dowladaha Jarmalka, Japan, iyo Boqortooyada Ingiriiska waxaa ay haatan ka caawinayaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya hirgelinta Barnaamijka Qaran ee la tacaamulka dagaalyahaannada soo goostay.