Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud Keating oo diray hambalyada munaasabadda Ciidul Fitriga

25 Jun 2017

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud Keating oo diray hambalyada munaasabadda Ciidul Fitriga

WAR-SAXAAFADEED 11/2017

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa dhamaan dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda Soonfurka (Ciidul Fitriga).

“Anigoo ku hadlaya magaca dhamaan bahda Qaramada Midoobay ee ka hawlgasha Soomaaliya, waxaan idiin rajeynayaa Ciid nabdoon oo rayn-rayn iyo damaashaad leh,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka Keating. “Waxaan idinla qaybsanaynaa soo dhoweynta bilashada bisha cusub oo muujinaysa dhamaadka bisha barakaysan ee Ramadan. Waxaan rajaynayaa in barakada Ciidda awogeed ay qoysaska iyo asaxaabtu isku yimaadaan si ay ugu dabaal-degaan si niyad-sami iyo dib-u-heshiisiin ku dheehantahay. Waxaan rajaynayaa in waqtigan gaarka ah ee kamid ah sanadka uu farxad badan u keeni doono dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, uuna kobcin doono nabadda iyo barwaaqada ee guud ahaan dalkiina. Ciid Wanaagsan.”