Kooxda xuquuqda aadanaha iyo ilaalinta

Kooxda Xuquuqda Aadanaha iyo ILaalinta

Xafiiska Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka waxa ayaa fuliya waajibaadkiisa shaqo ee Soomaaliya isaga oo u maraya Kooxda Xuquuqul Insaanka iyo Ilaalinta ee UNSOM. UNSOM ayaa lagu aasaasey qaraarkii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ee tirsigiisu ahaa 2102 (2013). Dib-u-cusbooneysiinta waajibaadka isxig-xigay, oo ay ku jiraan 2632 (2022), waxaa ka mid ah ilaalinta iyo horumarinta sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee arrimaha bani'aadannimada, oo ay qeyb ka tahay dhowrista iyo difaaca shacabka. Tan ilaa 2016, Unugyada Ilaalinta Haweenka iyo carruurta waa qayb ka mid ah Kooxda Xuquuqda Aadanaha iyo Ilaalinta.

Kooxda Xuquuqda Aadanaha iyo Ilaalinta waxay ka howl-gashaa Muqdisho, Jubaland, Puntland, Koofur-galbeed, HirShabelle iyo Somaliland. Xarun kale ayaa la rajeynayaa in laga hirgeliyo Galmudug.

Arrimaha muhiimka ah ee howl-galkeena Soomaaliya waxaa ka mid ah:

  1. Horumarinta iyo ballaarinta goobaha madaniga ah;
  2. Difaacidda xuquuqda aadanaha ee goobaha dagaalada iyo amni darada ka jirto, oo ay ka mid tahay, digniimaha horudhaca ah;
  3. Sinnaanta iyo Heyb-sooc la’aanta;
  4. Xoojinta sareynta sharciga iyo la xisaabtanka kuwa fala gabood falada xuquuqul insaanka;
  5. Horumar joogto ah iyo xuquuqda aadanaha;
  6. Taageeridda fulinta waxyaabaha ka soo baxa shirarka xuquuqul insaanka.

Shaqooyinka ugu muhiimsan ee loo igmaday:

  • La socodka iyo Ka warbixinta

Iyadoo fulinaysa waajibaadkeeda, Kooxda Xuquuqda Aadanaha iyo Ilaalinta  waxay ku hawlan tahay hawlo istaraatiijiyadeed oo kala duwan si ay u taageerto dadaallada lagu horumarinayo xuquuqda aadanaha ee ka jira dalka. Tusaale ahaan, kooxda waxa ay door gaar ah oo qiimo leh ka ciyaartaa kor u qaadista wacyiga iyo fahamka dhaqannada ku xad-gudbida xuquuqul insaanka ee dalka taas oo qeyb ka ah shaqadeeda la socodka iyo ka warbixinta xaalada xuquuqul insaan. Waxaa ka mid ah ururinta xogta dhameystiran ee dhacdooyinka ugu waaweyn ee xuquuqul insaanka, baaristooda iyo samaynta falanqayn mug leh - oo ay ku jiraan xadgudubyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta. Warbixinnada guud ee arrimaha ay ka mid yihiin ilaalinta shacabka ama xorriyadda hadalka ayaa sidoo kale lasoo saaraa.

  • Caawinta Dowladda iyo Hay’adaha Qaranka

Kooxda Xuquuqda Aadanaha iyo Ilaalinta  waxa ay sidoo kale ka caawisaa dawladda Federaalka Soomaaliya, Dawladad goboleedyada , iyo hay’adaha garsoorka, si ay u gutaan waajibaadkooda ku aadan xuquuqul insaanka iyada oo ka taageereysa dhanka farsamada iyo qabashada tababaro kor loogu qaadayo tayada howl-wadeenada. Kooxda waxay dib u eegis ku sameysaa isbeddellada sharciyada iyo siyaasadda waxayna soo jeedisaa talooyinka lagu waafajinayo halbeega caalamiga ah ee dhinacyada sida ilaalinta bulshada, helitaanka xuquuqaha dhaqaale, adeeg bulsho iyo tix dhaqan, iyo xuquuqda dadka naafada ah, haweenka, barakacayaasha, dhalinyarada iyo isbedelka cimilada.

Taageerida abuuritaanka hay'adaha xuquuqul insaanka qaranka iyadoo la raacayo mabaadi'da Paris waa qayb muhiim ah oo ka mid ah halbeega ilaalinta xuquuqul insaanka ee Soomaaliya. Tusaale ahaan, heer gobol, UNSOM waxay taageertay samaynta Xafiiska Ilaaliyaha Xuquuqda Aadanaha (OHRD) ee Puntland. Heer federaal, kooxda waxay taageertay dhisidda guddiga madaxa-banaan ee xuquuqul insaanka qaranka iyagoo ku bixiyey taageero farsamo inta lagu guda jirey horumarinta sharcigeeda waxayna sii waday u ololeynta magacaabista xubnaha guddiga oo la sugayo.

  • Taageeridda Ururada iyo Kooxaha Bulshada Rayidka

UNSOM waxa ay wada-hadal joogto ah la leedahay ururrada bulshada rayidka ah, waxa ayna taageertaa wada shaqaynta ururadda iyo dowladda Federaalka iyo maamulada kale si ay u muujiyaan dareenkooda ku aadan ka qaybgalka arrimaha bulshada, xasaanadda, isla xisaabtanka, takoorka iyo dhaqan galka sharciga. Kooxda waxay fududaysaa qaybo tababar ah si ay u xoojiyaan awoodooda la socodka iyo ka warbixinta xuquuqda aadanaha dalka. Maaddaama helitaanku xaddidan yahay xaaladda amniga awgeed, Ururrada Xuquuqul Insaanka iyo bulshada rayidka ayaa door muhiim ah ka qaatay taageerada howlaha UNSOM ee ah in ay la socdaan oo ay ka warbixiyaan xadgudubyada iyo tacadiyada xuquuqda aadanaha, gaar ahaan meelaha fogfog.

Iyada oo qayb ka ah habka Qaramada Midoobay ee ah in aan cidna laga tegin, Kooxda Xuquuqda Aadanaha iyo Ilaalinta  waxay la kulmeysaa kooxo iyo shakhsiyaad gaar ah oo ku jira xaaladaha nugul si ay u maqlaan codkooda oo ay u taageeraan inta ay ku jiraan u doodista iyo kor u qaadida dadaallada wacyigelinta. kooxda waxay masuuliyiinta qaranka iyo howl-wadeenaha caalamiga ah u iftiiminaysaa waxyaabahan gaarka ah si ay kor ugu qaadaan in caqabadahooda gaarka ahi ay ka muuqdaan samaynta halbeegyo gaar ah oo lagu xaqiijinaayo habab loo dhan yahay, oo ka madax banaan caqabadaha hortaagan helitaankooda iyo xaqiijinta xuquuqdooda.

  • La shaqaynta Dawladaha Kale, Diblomaasiyiinta iyo Maamulka Qaramada Midoobay  

Kooxda Xuquuqda Aadanaha iyo Ilaalinta  waxa ay sii waddaa dhismaha iskaashiga iyo dhexdhexaadinta xuquuqul insaanka ee beesha caalamka, oo ay ku jiraan dawladaha kale, ergooyinka diblomaasiyadeed, iyo halbeegyada Qaramada Midoobay. Kooxda waxay la shaqeysaa Kooxda Ku howlan Xuquuqda Aadanaha ee ka kooban Midowga Yurub iyo Waddamada Xubinta ka ah, Norway, Switzerland iyo Mareykanka, iyo kuwo kale. Kooxdan ku howlan xuquuqda aadanaha waa madal muhiim ah oo loogu ololeeyo, xogna lagu wadaaga iyo aqoonsiga hindisayaasha lagu taageerayo Dowladda Federaalka Soomaaliya si sare loogu qaado horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

UNSOM waxa ay sidoo kale taageertay dowladda Soomaaliya iyo Ururada Bulshada Rayidka ah intii lagu jiray Dib-u-Eegista Xilliyeysan ee Caalamiga ah, oo ay ku jirto wareeggii ugu dambeeyay ee dhawaa (May 2021) taas oo keentay tallooyin iyo ballan-qaadyo xiriir ah. Intaa waxaa dheer, UNSOM waxay sii waddaa inay si dhow ula shaqeyso Khabiirka Madaxa-bannaan ee Xaalladda Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya, Xafiiska Wakiilka Sare ee Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay iyo Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay si ay u joogteeyaan dadaalkooda ku aaddan horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha ee dalka.

Kooxda Xuquuqda Aadanaha iyo Ilaalinta  waxay sidoo kale Qaramada Midoobay siiysaa hagitaan iyo khibrad farsamo ee ku aadan Soomaaliya taas oo taageerta hay'adaha amniga si ay u hirgeliyaan Siyaasadda Xuquuqul Insaanka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. Siyaasaddu waxay u baahan tahay in dhammaan taageerada Qaramada Midoobay ay siiso ciidamada ammaanka ee aan Qaramada Midoobay ka tirsanayn, oo ay ku jiraan Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), ciidamada Soomaaliya iyo hay’adaha sharciga, lagu bixiyo mabaadi'da ku xusan Axdiga Ururka iyo waajibaadka saran si waafaqsan sharciga caalamiga ah.

Dukumentiyada iyo Daabacaadaha