Maamulka KMG ah ee Koonfur Galbeed oo taageeray hannaanka doorashada 2016

14 Feb 2016

Maamulka KMG ah ee Koonfur Galbeed oo taageeray hannaanka doorashada 2016

Hoggaanka Maamulka KMG ah ee Koonfur Galbeed ayaa taageero u muujiyey hannaanka doorashada 2016 ee ay bishii hore soo jeedisey dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

“Waxaan rabnaa in si Soomaaliya horay ugu socoto la midoobo, si wadajir ahna loo jabiyo Al-Shabaab. Waxaan taageersan nahay doorasho xaq ah oo laga wada qaybgalo, taas oo cid walba aragtidiisa la tixgeliyo, dadkuna wada leeyahay. Waxaan taageersan nahay hannaanka doorashada ee ay soo jeedisey dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya”, ayuu yiri madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aaden.

Madaxweyne Shariif ayaa hadalkan ka sheegay gunaanudkii wadahadallo uu magaalada Baydhaba kula yeeshay wafti ka socda dowladda dhexe iyo beesha caalamka, kaas oo kulamo la yeeshay Afhayeenka iyo xubnaha baarlamaanka KMG ee Koonfur Galbeed iyo sidoo kale dad matalayey bulshada rayidka ah, oo ay ku jiraan haween iyo odayaal dhaqameed.

Waftigan oo uu hoggaaminayey Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, waxaana ka mid ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha, danjireyaal, ergo ka kala socdey Midowga Afrika, Midowga Yurub, Djibouti, Ethiopia, Kenya and Uganda.

Booqashada Baydhaba ayaa qayb ka ahayd wadatashiyo Dowladda Federaalka ah iyo ologgeedu la yeesheen dowlad goboleedyada xubnaha ka ah iyo kuwa dhismaya oo dalka oo dhan ka dhacaya, si loo ogaado aragtidooda ku aadden hannaanka la soo jeediyey in lagu saleeyo doorashada 2016.

Intii lugu guda jirey kulamada, hoggaamiyeyaasha Soomaalidu waxay taageero u muujiyeen hirgelinta doorasho dadweyne marka la gaaro sannadka 2020-ka, ka dib marka la isla meel dhigo arrimaha harsan, sida ammaan sugan iyo matalaad loo siman yahay.

Wakiil Keating ayaa ku bogaadiyey madaxweynaha KMG ee Koonfur Galbeed iyo maamulkiisa aragtida gaamurtay ee ku aadden hannaanka doorashada 2016, kaas oo dood iyo falanqeyn ka dhex oogay madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu intaas ku daray in hannaanka doorasho ee 2016-ku uu yahay hindise ay Soomaalidu iska leeyihiin, kaas oo quminaya hayaanka dalku ugu jiro in la gaaro xukun dimuqraadiyaddi ah.

“Waxaan u nimid in aan kala hadalno madaweynaha iyo maamulka Koonfur Galbeed aragtidooda ku saabsan hannaanka doorashada 2016-ka”, ayuu yiri Keating oo intaas raaciyey “Waxaan sidoo kale kala hadalnay sida ay u arkaan hannaanka doorasho ee lugu dhaqmayo marka la gaaro 2020-ka”.

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, wuxuu dhanka kale tibaaxay in uu maamulka KMG ah ee Koonfur Galbeed u xaqiijiyey in beesha caalamku aysan hannaan gaar ah u xaglineyn, balse la doonayo in sannadkan doorasho dhacdo wakhtigii lagu ballamay, taas oo uu ku tilmaamay “mid muhiim u ah adkeynta ammaanka iyo siyaasadda”.