Warfidiyeenka Soomaaliyeed oo ka hadlay xorriyadda saxaafadda

3 May 2016

Warfidiyeenka Soomaaliyeed oo ka hadlay xorriyadda saxaafadda

Warfidiyeenka Soomaaliyeed ayaa si laab-xaaran uga hadlay xaaladda xorriyadda warbaahinta dalka iyo xeerka saxaafadda ee dhawaan la ansixiyey, intii lugu jirey kulan uu shalay martigeliyey Hawlgalka Taakuleynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobay (UNSOM), kaas oo lugu maamuusayey Maalinta Saxaafadda Adduunka.

Wariyeyaashan oo ka socdey warbaahinta dowladda iyo tan madaxa bannaan ee dalka, ayaa sheegay in ay jiraan caqabado weli ka haysta helista xogta, mushaar yari iyo ammaan darro horseedday geerida qaar ka mid ah saaxiibbadooda shaqo.

Kulankan fool-ka-foolka ah oo uu daadihinayey Afhayeenka UNSOM, Joseph Contreras, ayey suxufiyiintu ku tuuntuunsadeen dhibaatooyinka faraha badan ee kala soo gudboonaada guadashada hawl maalmeedkooda. Layla Cadceed Cismaan oo ka tirsan warbaahinta dowladu maamusho ee SNTV iyo Radio Muqdisho, ayaa sheegtay in wariyeyaashu ku shaqeeyaan xaalad baqdin leh, taas oo qaarkood ku qasabtay in ay dalka ka cararaan.

“Laakiin 12-kii bilood ee la soo dhaafay tirada suxufiyiinta la dhaawacay ama la diley hoos ayey u dhacday, in kasta oo  khatartu weli jirto, ayey ku dartay.

Maxamed Axmed Cabdullahi oo soosaare ka ah Al Jazeera TV ayaa xeerka dhawaan la ansixiyey ku tilmaamay tillaabo dhanka wanaagsan loo qaaday, wuxuuse muujiyey baahida loo qabo in la meelmariyo sharuuc kale kaabta si uu si buuxda ugu dhaqangalo.

Maxamed ayaa ka digey in xoogaa madmadow ah oo sharciga ku jira ay ku adkeynayaan wariyeyaasha fahamka sharuudaha sharcigu ka rabo in ay u hoggaansamaan warbaahinta hadasha iyo qoraalka leh. Soosaaraha Al Jazeera wuxuu sheegay in maadaama ay dalka ku soo aadden tahay doorashada baarlamaanka federaalka ah oo lugu wado in ay dhacdo dabayaaqada sannadkan, ay sii kordheyso khatarta warfidiyeenka uga imaan karta tuhumada siyaasiyiintu ka qabaan in tabintoodu dhan u janjeert.

Ismaaciil Sheekh Khaliif oo ka socdey Star FM ayaa ku raacay, wuxuuna intaas ku daray in dowladda oo ka caga-jiideysa in ay wararka la wadaagaan bahda saxaafadda awgeed, ay rugaha warbaahinta ku sii adkeyneyso  soo bandhigga warar xaqiiqada ku saleysan, iskuna dheellitiran.

Natalie de Oliveira oo ka tirsan waaxda UNSOM u qaabilsan Xaquuqda Aadanaha iyo Ilaalinta, ayaa ka dhawaajisay in hadimooyinka ugu daran ee saxaafadda Soomaaliyeed ka dhanka ah ay badanaa ka yimaadaan hay’adaha amniga iyo kooxaha argagixida, sida Al-Shabaab. Oliveira ayaa sheegtay in hadimooyinkaas ay ka mid yihiin xaddidaad ka dhan xorriyadda hadalka ah, iyadoo si gar ah carrabka ugu dhufatay dhacdooyin dhawaanahan laga soo warinayey Somaliland “halkaas oo rugo warbaahineed iyo wariyeyaal badan si joogto ah loogu xiro ama shaqadad looga joojiyo, iyadoo loogu soo gambanayo sababo kala duwan, sida sharci dambiyeed loo adeegsado in lugu xaddido xorriyadda hadalka”.

Sida uu sheegayo Guddiga Ilaalinta Suxufiyiinya (CPJ), Soomaaliya waxaa lugu tiriyaa mid ka mid ah meelaha khatar ugu badan saxaafadda ka soo foodsaarto.

Halkudhigga sannadkan ee Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunku waa ‘Helista Xogta iyo Xorriyadaha Aas-aasiga ah – Tani waa xaquuqdaada!’ Waxayna ku foogan tahay saddex arrimood oo madaxbannaanida saxaafadda khuseeya: Xorriyadda xogta oo ka dhigan xorriyad lama-taabtaan ah iyo xaquuq aadami; Dhowrista madaxbannaanida saxaafadda, yadoo laga ilaalinayo in la faaf-reebo ama la gacan-togaaleeyo; Iyo in la xaqiijiyo bedbaadada saxaafadda shaqada gudaheeda iyo dibeddeedaba. Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka sannad walba waxaa la xusaa 3 May.