Soomaaliya oo xustay Maalinta Dhallinyarada Qaranka iyadoo soo saartay baaqyo looga soo hor jeedo xagjirnimada

15 May 2016

Soomaaliya oo xustay Maalinta Dhallinyarada Qaranka iyadoo soo saartay baaqyo looga soo hor jeedo xagjirnimada

Soomaaliya ayaa Axaddii xustay Maalinta Dhallinyarada Qaranka iyadoo soo saartay baaqyo hor leh oo ka dhan ah xagjirnimada oo ay u jeedisay dhallinyarada.

Isagoo ka hadlayay munaasabad lagu qabtay Baydhabo, Madaxweynaha Maamulka Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurgalbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa uga digay dhallinyarada xagjirnimada iyo afkaarta xamaasadeysan.

“May 15 waa taariikh ahmiyad wayn ugu fadhida taariikhda Soomaaliya. Waxay muujineysaa in dhallinyaradu ay awood u leeyihiin inay billaabaan isbaddal waxtar leh. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhallinyarada Soomaalida, gaar ahaan kuwa ku sugan Koonfurgalbeed, inay taageeraan horumarka uu maamulka sameynayo, kuna gacan seyraan afkaarta xamaasadeysan. Bulshadiinna iyo dalkiinnaba idinka ayay idinku tiirsan yihiin,” ayuu ku yiri khudbaddiisa.

Maalinta Dhallinyarada Qaranka Soomaaliya waxaa sanad kasta la xusaa 15-ka May si loo xusuusto dhallinyaradii dhidibbada u aasay ururkii dhallinyarada Soomaalida ee SYL sanadkii 1943 ee halganka u galay xorriyaddii dalka.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Maamulka Koonfurgalbeed, Cabdullaahi Cabdi Cumar Farax, ayaa ku dhawaaqay inay koorsooyin tababarro xirfadeed u furi doonaan ugu yaraan 300 oo dhallinyaro oo ku nool Baydhabo, iyo inay sidoo kale sameyn doonaan xarumo waxbarasho oo dadka waa-weyn wax lagu  bari doono.

Madaxa Xafiiska UNSOM ee Baydhabo, Vikram Parekh, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhallinyaradu ka qeyb-galaan hannaanka siyaasadda dalka. wuxuu xusay in sanadkan 2016 uu fursad gaar ah u bandhigayo dhallinyarada inay si firfircoon uga qeyb-galaan doorashada baarlamaanka federaalka ee cusub iyo inay aragtidooda ku biiriyaan Qorshaha Horumarinta Qaranka ee cusub.

“Dhallinyarada waxay u baahan yihiin in laga qeyb-galiyo hannaanka siyaasadda iyo dhammaan dadaallada kale ee dib u dhiska Soomaaliya,” ayuu yiri.

Dabbaaldegyada Maalinta Dhallinyarada waxaa sidoo kale lagu qabtay magaalada Kismaayo, halkaas oo dhallinyaradu socod ku mareen magaalada. Waxaa socodka xigay qabashada tiro ciyaaro kala duwan sida kubbadda usha ee haweenka, baaskiil wadis iyo kubbadda cagta.

Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere ayaa ka qeyb-galay dabbaaldegyada. Wuxuu mar kale xaqiijiyay inay dowladdiisa ka go’an tahay taageerista dhallinyarada. “Waxaan diyaar u nahay caawinta dhallinyarada annagoo siineyna waxbarasho wanaagsan iyo fursado shaqo. Waxaan ayaga ugu baaqeynaa inay taageeraan nabadda iyo xasilloonida haatan ka jirta Jubaland,” ayuu yiri.

Gabadh u ololeysa arrimaha dhallinyarada oo lagu magacaabo Sahra Carte ayaa codsi dareen leh u dirtay dadka da’da yar iyadoo ugu baaqday inay ka waantoobaan ku lug lahaanshaha waxyaabaha aan habboonayn. “Waxaan u jeedinayaa dhallinyarada inay dib u dhistaan dalka ayna joojiyaan dagaalka. Waxaan sidoo kale ka codsaneynaa Qaramada Midoobay iyo ururrada kale ee caalamiga ah inay gacan ka geystaan sidii shaqo loogu abuuri lahaa dhallinyarada Soomaalida si loo joojiyo safarrada halista badan ee badda ee ay dhallinyaradu galaan si ay nolol wanaagsan u helaan,” ayay codsatay Sahra.

Soomaalida ka yar da’da 35 ayaa la sheegaa inay yihiin 70 boqolkiiba dadweynaha dalka, balse tirakoobyo dhowaan soo baxay ayaa qeexay in shaqo la’aanta ka jirta dalka heerkeedu u sarreeyo, ay ku khasbeyso dhallinyaro badan inay si sharci darro ah ugu tahriibaan dalal ajnabi ama ay u weecdaan siyaasadaha xamaasadeysan iyo ururrada xagjiriinta ah.