Hannaanka Doorashada Soomaaliya ee 2016-ka
Waa maxay danta laga leeyahay geeddi-socodka doorashada 2016-ka?
Sida ku qeexan dastuurka ku meel gaarka ah, muddada Baarlamanka dowladda Federaalka ah iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka waxaa ay ku egtahay sanadka 2016-ka. Sidaasi darteed waxaa laga maarmaan ah kala-guur siyaasadeed ee loogu cusbooneysiinayo hay’adaha siyaasadeed ee dalka.
Maadaama doorasho hal qof iyo cod weli aysan suurtagal ahayn, waxaa ka sameeyay hannaan doorasho ee lagu xaqiijinayo in 2016-ka ay dhacdo doorasho si fiican looga qayb galay, markii loo eego doorashadii 2012-ka, iyo si loo gaaro doorasho qof iyo cod ee 2020-ka.
Wixii xog dheeraad ah, fadlan akhri qoraalka halkan ku lifaaqan