Ergeyga Gaarka ah Keating oo u tacsiyeeyay qoysaska askartii reer Uganda ee AMISOM ee la dilay

31 Jul 2017

Ergeyga Gaarka ah Keating oo u tacsiyeeyay qoysaska askartii reer Uganda ee AMISOM ee la dilay

WARSAXAAFADEED 15/2017

 

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Michael Keating, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo asxaabta askartii reer Uganda ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ee naftooda ku waayay weerar gaadmo ah oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose ee Soomaaliya maalintii Axadda.

Mintidiinta Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday ciidanka, oo ku jiray rondo wadajir ah oo wada sameynayeen askarta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Afhayeenka Ciidamada Difaaca Dadka Uganga ayaa goor hore maanta war ka soo saaray kuna dhawaaqay in la billaabay baaritaan lagu sameynayo duruufihii ku hareereysnaa dhacdada oo, sida uu sheegay afhayeenku, ay ku dhinteen 12 askari kuna dhaawacmeen toddobo kale.

“Waxaan ammaan u soo jeedinaynaa ciidamda AMISOM ee naftooda u huray si loo gaaro Soomaaliya oo nabad iyo barwaaqo ah," ayuu yiri Md. Keating. "Waxaan xaqiijinaynaa inaan si gaar ah u garabtaaganahay dadka iyo dowladda Uganda oo u baroordiiqaya dhimashada muwaadiniintooda. Waxaan askarta weerarka ku dhaawacantay u rajeynaynaa soo kabasho degdeg ah,” ayuu raaciyay Ergeyga Gaarka ah.