180 weriye oo Soomaali ah ayaa helay tababar ay QM taageertay oo ku saabsanaa tebinta doorashooyinka iyo qoondada haweenka ee boqolkiiba sodon-ka ah

previous next
8 Oct 2021

180 weriye oo Soomaali ah ayaa helay tababar ay QM taageertay oo ku saabsanaa tebinta doorashooyinka iyo qoondada haweenka ee boqolkiiba sodon-ka ah

Muqdisho — Iyadoo Soomaaliya ay sii waddo u diyaargarowga doorashada, bishii Sebteembar waxaa la qabtay tababar ay Qaramada Midoobay taageereyso oo la siiyey saxafiyiinta Soomaaliyeed, kaas oo ku saabsanaa tebinta wararka doorashooyinka iyo muhiimadda ay haweenku u leeyihiin inay ka qeyb qaataan siyaasadda dalka.

Xafiiska Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) wuxuu taageero u fidiyay ururro warbaahineed oo kala duwan dalka oo dhan - oo ay ku jiraan Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (FESOJ), Ururka Suxufiyiinta Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya (SOWEJA) iyo Ururka Hal-abuurka Haweenka Warbaahinta ku jira ee (WIMISOM), kaas oo loogu talagalay in tababar degdegga lagu siiyo ilaa 180 saxafi.

"Kaalinta warbaahintu waa muhiim waqti kasta guud ahaan dal, laakiin marka la diyaarinayo doorashooyinka oo la qabanayo, doorkaasi wuxuu noqdaa mid miisan culus iyo muhiimad dheeraad ah leh," ayuu yiri Madaxa UNSOM ee qeybta Xiriirka Istaraatiijiyadda iyo Arrimaha Bulshada (SCPAG), Ari Gaitanis, oo si muuqaal ah uga qeybgalayey tababarka oo markii ugu horraysay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxa uu intaas ku daray in bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ay rajaynayso in koorsooyinka tababbarka ee taxanaha ahi ay ka taageeri doonaan saxafiyiinta Soomaaliyeed sidii ay u heli lahaayeen aqoonta tebinta doorashooyinka iyo muujinta ka-qaybgalka siyaasadeed ee haweenka inta lagu jiro xilligan doorashada ee muhiimka ah, gaar ahaan muhiimadda ay leedahay in la gaaro qoondada ugu yar ee boqolkiiba 30-ka ah ee haweenku ku leeyihiin baarlamaanka.

tababarradu waxa ay ka socdeen muddo saddex toddobaad ah, laga bilaabo 5-tii ilaa 29-kii Sebteembar, Muqdisho iyo magaalooyinka kala duwan ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah oo ay ku jiraan Baydhabo, Dhuusamareeb iyo Garoowe iyo Kismaayo.

Iyadoo ay cashirradda bixinayeen 8 macallin oo leh khibrad warbaahineed, saxafiyiintu waxa ay heleen aqoon waxayna ballaariyeen fahamkooda ku aaddan tebinta doorashada iyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee la xiriira doorashada, badbaadada suxufiyiinta iyo ka hortagga macluumaadka khaldan, doorka muhiimka ah ee saxafiyiinta ee u qareemidda iyo u-ololeynta ka-qaybgalka siyaasadda ee haweenka, iyo xoojinta wararka haweenka u sharraxan ama u tartamaya kuraasta doorashooyinka socda ee 2021 -ka.

Aragtida ka qaybgalayaasha

Ka-qaybgalayaasha tababarka waxaa ka mid ahaa haween iyo rag, iyo wakiillo ka socday telefishinada, raadiyeyaasha, mareegyada iyo wargeysyada.

"Waxaan helay aqoon aad u badan oo la xiriirta dhinacyo badan oo xirfadeyda ah, waxaan bartay aragtiyo kala duwan oo ka ku saabsan doorashooyin, kuwaas oo gacan ka geysan kara xoojinta tebinta sheekooyinka musharrixiinta haweenka ah," ayay tiri Fardowsa Maxamuud Sahal, oo ah weriye ka tirsan Idaacadda Kulmiye, oo ka qeybgashay tababar ay FESOJ abaabushay oo ka dhacay Muqdisho.

Si taas la mid ah, Maryan Sheekh Cabdi, oo ah wariye madaxa-bannaan ee fadhigeedu yahay Jowhar, ayaa muujisay sida ay ugu qanacsan tahay tababarka, iyada oo xustay in aysan ka qeyb qaadan doonin oo kaliya in si wanaagsan loo tebiyo doorashooyinka balse ay sidoo kale ka qeyb qaadan doonto arrimaha bulshada guud ahaan. Waxay ka qayb qaadatay tababar ka dhacay Jowhar.

 “Waxaa nala siiyay aqoon aad loogu baahnaa oo ka tarjumaysa xaaladda uu dalku marayo. Maanta, waxaan dhihi karaa si kalsooni leh ayaan gacan uga geysan karaa xaqiijinta qoondada haweenka Soomaaliyeed ee doorashada baarlamaanka,” ayey tiri saxafiyadan madaxa-bannaan.

Ka-qaybgale kale oo ka socday Raadiyaha Asal oo ku yaalla Jowhar, Cabdullaahi Ilaaji, ayaa sheegay inuu bartay sida loo tebiyo wararka doorashooyinka iyo baahinta barnaamijyada xoogga saaraya saamaynta ay qoondada haweenku ku yeelan karto ka-qaybgalka siyaasadda.

"Ma sugi karo inaan ku laabto idaacaddayda si aan u qabto barnaamijyadan ku aaddan ka-qaybgalka siyaasadda haweenka," ayuu yiri.

Qaar ka mid ah ka qaybgalayaasha, fahamka xiriirka ka dhexeeya haweenka Soomaaliyeed iyo siyaasadda ayaa ka horreeya inta aan la tebin qoondada baarlamaanka ee haweenka.

Sakariye Nuur Faarax, oo ah wariyaha TV -ga Goobjoog ee Garoowe, ayaa yiri "Marka hore, saxafiyiinta waa inay si fiican u fahmaan arrimaha haweenka, awood-siinta haweenka iyo ka-qaybgalka siyaasadda ee haweenka." shaqada ugu fiican ee aan ku caawin karno waa in walaalaheena ay helaan matalaad siman.”

Xamdi Mahad Yaasiin, oo ah soo-saare ka tirsan oo ka tirsan Radiyaha Waamo ee Kismaayo, oo dareenkeeda la wadaagtay saaxiibbadeed, ayaa sheegtay in ay adeegsan karto aqoonta iyo xirfadaha ay ka heshay tababarka si ay ugu gudbiso ka-qaybgalka haweenka ee siyaasadda iyo doorashooyinka hab xirfadeed. Waxay xustay, tababarka kadib, in ay kala duwi doonto qaababka barnaamijyadeeda.

"Hadda waxaan soo saari karaa riwaayad, warbixinno, iyo doodo muujinaya ka qaybgalka siyaasadda ee haweenka iyo waliba qoondada boqolkiiba 30," ayey tiri saxafiyadani.

Rodo Xasan Cabdi, oo ah wariye ka tirsan Raadiyaha Baraawe oo ka soo safartay Baraawe ilaa Baydhabo si ay uga qayb qaadato tababarka, ayaa iyaduna ka dhawaajisay yididiiladeeda iyo sida ay ugu qanacsantahay waxa ay baratay: “Waxaan haysannay saddex maalmood oo aan ku helnay aqoon iyo isfaham aan xad laheyn.”

Tababarku wuxuu yimid waqtigii ugu habboonaa, sidoo kale, sida ay sheegtay weriyaha TV-ga KGS Shukri Maxamed Cabdi oo ku sugan Baydhabo, waa markii ugu horreysay oo ay ka qayb-qaadato tababarkan oo kale.

 “Waxaan dhowr jeer isweydiiyey goorta aan qaadan doono tababar gaar ah oo ku saabsan xuquuqda siyaasadeed ee haweenka, taas oo aan waligeed la sameyn,” ayay tiri.

Dhuusamareeb, ka-qaybgale ka tirsan Radio Dhuusamareeb, Xafsa Khaliif, ayaa aad ugu bogtay layliyo wax -ku -ool ah oo ay ka heshay tababarka, waxa ayna xustay in ay ka caawin doonto tani iyada iyo saaxiibbadeed inay soo saaraan barnaamijyo tayo leh.

“Tababarkani wuxuu sare u qaaday xirfaddayda iyo shakhsiyaddayda labadaba,” ayay tiri. “Tababarkan wuxuu abuuray rajo.”

Ka qeybgalka dowladda

Kulamada tababarku waxa ay soo jiiteen matalaad heer sare inta badan magaalooyinka lagu qabtay.

Gabagabadii tababarka Garoowe, Wasiir ku-xigeenka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland (MoDAFA), Sahra Cabdi Xersi, ayaa ku dhiirri-gelisay suxufiyiinta ka qayb-galaysa inay cod siiyaan haweenka u sharraxan iyo kuwa siyaasadda u hanqal taagaya.

"Saxaafad madaxa-bannaan oo karti leh ayaa kaalin wanaagsan ku leh maamul-wanaagga iyo horumarka. In cod la siiyo dadka aan codka lahayn aad bay muhiim u tahay xilligan doorashada iyo wixii ka dambeeya," ayay tiri Marwo Xersi.

Intii lagu guda jiray xiritaanka kalfadhiga Kismaayo, wakiilka Danjireyaal-sharfeedyada ee ugu yaraan boqolkiiba 30 ee qoondada haweenka ee Jubaland, Sahuur Yuusuf Baynax, ayaa sheegtay in saxafiyiinta iyo hawl-wadeennada - iyo sidoo kale dhammaan xubnaha bulshada Soomaaliyeed - ay door ku leeyihiin xaqiijinta qoondada haweenka. Waxa ayna ka codsatay warbaahinta in ay u gudbiyaan bulshadooda casharradii ay barteen muddadii uu tababarku socday, ayna gacan ka geystaan sidii haweenka Soomaaliyeed ee waxbartay loo gaarsiin lahaa qoondadaa.

Tababarkii Kismaayo, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Jubaland, Cabdishukri Carab Cumar, ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay dadaallada FESOJ ee ku aaddan dhisidda awoodda suxufiyiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Jubaland. Wuxuu tilmaamay in tayada saxaafadda Jubaland ay soo hagaagtay.

“Waxaan dareemayaa in aad wax badan ka barateen tababarkan, waxaan idinka codsanayaa inaad ku dhaqantaan aqoonta aad barateen saddexdaan maalmood. Aqoonta ay noo keeneen FESOJ iyo UNSOM waxa ay ku soo aadday xilli xasaasi ah oo loo ololaynayo qoondada haweenka boqolkiiba 30,” Wasiirka Warfaafinta Jubaland, Suleymaan Maxamuud Maxamed, ayaa  munaasabadda ka yiri hadalkaa.

Dhanka Galmudug, Bashiir Maxamed Salaad, oo ah afhayeenka dowladda hoose ee Dhuusamareeb, ayaa sheegay in tababarka ay FESOJ hormuudka ka tahay uu gacan ka geysanayo awoodsiinta suxufiyiinta Galmudug, wuxuuna rajo ka muujiyay in tababarrada noocan ah oo kale ay faa’iidooyin badan xambaarsanyihiin.

Horumarinta warbaahinta

Qaramada Midoobey waxa ay taageertaa horumarinta warbaahinta Soomaaliya iyada oo la shaqeyneysa ururada warbaahinta kala duwan.

Sida laga soo xigtay Hay’adda Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka ee Qaramada Midoobay (UNESCO), xorriyadda warbaahinta iyo helitaanka macluumaadka ayaa quudinaya ujeedka horumarka ballaaran ee awoodsiinta dadka, awood-siintuna waa geeddi-socod bulsheed iyo siyaasadeed oo dhinacyo badan leh oo dadka ka caawiya sidii ay u hanan lahaayeen noloshooda.

UNESCO waxa ay sii wadday inay sheegto in tan lagu gaari karo oo keliya helitaanka xog sax ah, caddaalad ah oo aan eex lahayn, oo mataleysa fikrado fara badan, macnaheeduna yahay in si firfircoon loogula xiriiri karo dhinac kasta, sidaas darteedna looga qeybqaato nolosha firfircoon ee bulshada.

 

Si aad u hesho sawirro badan oo ku saabsan tababarka booqo halkan.