Bayaan uu soo saaray Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay – oo ku saabsan Soomaaliya

5 Aug 2024

Bayaan uu soo saaray Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay – oo ku saabsan Soomaaliya

New York – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu si kulul u cambaareynayaa weerarkii Jimcihii ka dhacay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaasoo dhaliyay khasaare badan. Wuxuu tacsi u dirayaa qoysaska iyo ehelada dadkii ku dhintay, wuxuuna inta ku dhaawacantay u rajeeynayaa caafimaad degdeg ah.

Xoghayaha Guud ayaa aad uga xumaaday in shacabka Soomaaliyeed ay weli dhibanayaal u yihiin falalkaas foosha xun ee argagixisada ah. Wuxuu ku celceliyay in Qaramada Midoobay ay si adag u garabtaagan tahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo ka hortagaya argagixisada iyo xagjirnimada rabshada ah.

Farhan Haq, Ku Xigeenka Afhayeenka Xoghayaha Guud